You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Obama: Trump waxa uu isu ekeynayaa Putin
Madaxweyne Obama ayaa ku dhaliilay musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, in uu siyaasaddiisa u ekeynayo tan madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uuna markasta ammaano.
Obama ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan looga baran siyaasadda Maraykanka.
Mr Trump ayaa ballanqaaday in uu xiriir dhow la yeelan doono Ruushka, haddii uu ku guuleysto tartanka loogu jiro Aqalka Cad.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale Trump ku cannaantay eedeyntiisa ah in looga shuban doono doorashada bisha dambe dhacaysa, asagoo ugu baaqay in uu calaacalka joojiyo, isla markaana uu siyaasadihiisa ka iibiyo shacabka Maraykanka.