Putin oo joojiyay booqasho uu ku tagi lahaa Faransiiska

Vladimir Putin iyo Francois Hollande

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Mr Putin ayaa booqan rabay Paris bishan gudaheeda

Madaxweynaha Ruushka ayaa joojiyay booqasho uu ku tagi lahaa Faransiiska toddobaadka danbe.

Kremlin ayaa sheegtay in Mr Putin uu qaatay go'aanka, kadib markii la joojiyay qorshe uu kula kulmi lahaa madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande booqasho uu ku furi lahaa kaniisada diinta Ruushka ee Orthodox ee Kiristaanka.

Masuuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in Mr Hollande uu ku adkaystay in laga hadlo Suuriya.

Ciidamada Suuriya ee Aleppo

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Faransiiska ayaa aad uga walaacsan weerarka Ruushka uu ku hayo magaalada Aleppo

Mr Hollande ayaa sheegay in wadahadalka Ruushka uu yahay muhiim, laakiin waa inay ahaataa mid daacad ah. Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Putin waqti walba, haddii ay joojin karaan weerarka diyaaradaha ee Ruushka ku hayo Suuriya ayna ku dhawaaqayaan heshiis.

Sabtidii ayaa Ruushka saaray codka diidmada ah qaraar uu Faransiiska keenay Golaha Ammaanka, oo ku baaqaya in si dhaqso ah loo joojiyo weerarka diyaaradaha ee Ruushka ee magaalada Xalab (Aleppo).