Xabbad joojin ka dhaqan gashay Colombia 52 sano kaddib

Xigashada Sawirka, AFP
Xabbad joojin ayaa ka dhaqan gashay dalka Colombia taas oo u dhaxaysa Jabhadda ugu wayn ee dhanka bidix iyo dawladda, taas oo soo afjaraysa mid ka mid ah jabhadayntii ugu wakhti dheerayd adduunka.
Xabbad joojinta ayaa dhaqan gashay saqii dhexe ee wakhtiga dalkaas kaddib afar sano oo ay wadahadallo Cuba uga socdeen Farc iyo dawladda.
Heshiiska u dambeeya ee lagu soo afjarayo dagaalka soo socday 52-da sano waxaa la sixiixi doonaa bisha soo socota.
Hogaamiyaha Farc, Rodrigo Londono, oo loo yaqaanno Timoleon Jimenez ama Timochenko, ayaa amray in la joojiyo xabbadda.
"Mar dambe ma dhici doonto in waalidku ay ku ducaystaan in wiilashooda iyo gabdhahoodu ay ku dhintaan dagaalka" ayuu Timochenko u sheegay weriyeyaasha.
"cadaawadda iyo cabashaduna wax laga soo soo gudbay ayay noqon doonaan" ayuu sii raaciyay.

Xigashada Sawirka, PA
Dagaalka Farc ee 52-da sano socday

Xigashada Sawirka, Reuters
1964: Xisbigii Shuuciga ahaa ayaa sameeyeen garab hubaysan oo
2002: Waxay gaareen heerkii ugu sareeyay waxayna lahaayeen 20,000 oo dagaalyahanno ah saddex meeloodow meel ka mid ah dalka ayay maamulayeen.
2008: Sanadkii ugu xumaa intii ay soo jireen ayuu ahaa dagaallo badan ayayna lagu jabiyay
2012: Wadahadalka nabadda ayaa ka bilawday magaalada Havana
2016: Xabbad joojin ayaa la gaaray











