You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhulgariir ka dhacay Talyaaniga oo ay ku dhinteen ugu yaraan 120 qof
Dhulgariir wayn ayaa ka dhacay bartamaha Talyaaniga iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan 120 qof, 368 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay ra'iisalwasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi.
Dhulgariirka ayaa cabirkiisu yahay 6.2. Meeshii uu dhulgariirka ka dhacay ayaa u dhawayd magaalada Norcia oo u dhow Perugia.
Dhismayaal ayaa dumay maeelo badan iyadoo dad badan ay la la' yahay.
Duqa magaalada Amatrice ayaa sheegay in cod laga maqlayo burburka, dadkana in loo gurmanayo hal hal.
Gobolka Umbria, Lazio iyo Marche ayaa caan ku ah dalxiiska, waxaana jooga meesha dalxiisayaal badan waqtiga dalxiiska.