Dhulgariir ka dhacay Talyaaniga oo ay ku dhinteen ugu yaraan 120 qof

burburka dhulgariirka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Guryo badan ayaa ku burburay dhulgariirka

Dhulgariir wayn ayaa ka dhacay bartamaha Talyaaniga iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan 120 qof, 368 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay ra'iisalwasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi.

Dhulgariirka ayaa cabirkiisu yahay 6.2. Meeshii uu dhulgariirka ka dhacay ayaa u dhawayd magaalada Norcia oo u dhow Perugia.

Dhismayaal ayaa dumay maeelo badan iyadoo dad badan ay la la' yahay.

Duqa magaalada Amatrice ayaa sheegay in cod laga maqlayo burburka, dadkana in loo gurmanayo hal hal.

Gobolka Umbria, Lazio iyo Marche ayaa caan ku ah dalxiiska, waxaana jooga meesha dalxiisayaal badan waqtiga dalxiiska.

Burburka dhulgariirka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Magaalooyinka yar yar ayaa qasaaraha ugu wayn uu soo gaaray
Gurmadka dadka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waxaa hadda socda gurmadka
Burburka dhulgariirka

Xigashada Sawirka, Routers

Qoraalka sawirka, Dhulgariirka ayaa dhacay xalay iyadoo waqti danbe oo la jiifay
Amatrice

Xigashada Sawirka, ITALIAN FIRE BRIGADE

Qoraalka sawirka, Sawir magaalada Amatrice korkeeda oo muujinaya burburka