You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mucaaradka Suuriya oo ka gudbay go'doominta dowladda
Wararka laga helayo dalka Suuriya waxay sheegayaan in xoogagga mucaaradku ay ku guuleysteen inay helaan gargaar.
Waxa ay mucaaradka ka gudbeen jidgooyooyiinka dowladda ay dhigtay magaalada Xalab.
Gaari xamuul ah oo siday qudaar ayaa gaaray bariga magaalada Xalab oo mucaaradku ay maamulaan.
Laakiin dadka u ololeeya arrimaha Suuriya waxay sheegayaan in wadadaasi ay weli halis ku tahay dadka rayidka ah in ay maraan.
Ciidammada dowladda weli wey diidan yihiin in mucaaradku ay ka gudbeen qadka go'doominta kaddib dagaal aad u xoog badan oo Sebtidii dhacay.
Wuxuu maamulka Asad ku adkeysanayaan in bariga Xalab weli ay go'doon ku jirto oo aan la jabinin.
Laakiin weli waxaa Xalab ka socda duqeymo ay ciidamada dowladda Suuriya ka geysanayaan.