Mucaaradka Suuriya oo ka gudbay go'doominta dowladda
Qoraalka Muuqaalka, Amateur footage purports to show rebel factions advancing towards AleppoWararka laga helayo dalka Suuriya waxay sheegayaan in xoogagga mucaaradku ay ku guuleysteen inay helaan gargaar.
Waxa ay mucaaradka ka gudbeen jidgooyooyiinka dowladda ay dhigtay magaalada Xalab.
Gaari xamuul ah oo siday qudaar ayaa gaaray bariga magaalada Xalab oo mucaaradku ay maamulaan.
Laakiin dadka u ololeeya arrimaha Suuriya waxay sheegayaan in wadadaasi ay weli halis ku tahay dadka rayidka ah in ay maraan.
Ciidammada dowladda weli wey diidan yihiin in mucaaradku ay ka gudbeen qadka go'doominta kaddib dagaal aad u xoog badan oo Sebtidii dhacay.
Wuxuu maamulka Asad ku adkeysanayaan in bariga Xalab weli ay go'doon ku jirto oo aan la jabinin.

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Dad Suuriyaan ah oo isu soo baxay kadib markii Mucaaradka ay sheegteen inay ka gudbeen go'doominta dowladda
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Mucaaradka waxay sheegeen inay wado cusub u fureen magaalada Xalab
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Magaalada waxay dowladda u go'doonsaneed muddo isbuucyo ah
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qiyaastii 250,000 oo Suuriyaan ah ayaa ku nool bariga Xalab oo mucaaradka ay maamulaan, dowladuna ay go'doomisay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dadka dabaaldegaya waxaa kamid ah shaqaalaha gurmadka degdegga ah ee mucaaradkaLaakiin weli waxaa Xalab ka socda duqeymo ay ciidamada dowladda Suuriya ka geysanayaan.
Qoraalka Muuqaalka, Rebels from the Free Syrian Army released footage of a huge explosion in the Ramouseh district