Sacuudiga oo ka hor yimid soo jeedinta Israa'iil ee ah in Falastiiniyiinta dhulkooda laga raro

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

Tebin toos ah

Fatuma Maalim

  1. Trump: 'Israa'iil ma weerari doonto Iiraan haddii aan heshiis gaarno'

    Trump

    Xigashada Sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wargeyska New York Post u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu heshiis la saxiixdo Iiraan isla markaana wuxuu yiri "haddii aan heshiinno, Israa'iil ma qarxin doonto iyaga."

    Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan carrabaabi doonin mowduucyada lagu soo qaadi doono wada-hadallada suurto-galka ah ee Iiraan: "ma jecli inaan u sheego waxa aan doonayo inaan u sheego. Ma aha wax fiican."

    Mr. Trump ayaa sheegay inuu rajeynayay “inay go'aansan doonaan inaysan sameyn waxa ay haatan ku fekerayaan inay sameeyaan.

    Hadallada Trump ayaa imaanaya iyadoo la hadal-hayo barnaamijka horumarinta nukliyeerka ee Iiraan.

    Hoggaamiyaha Iiraan ayaa dhankiisa si cad u diiday wada-hadal lala galo Mareykanka.

  2. Israa’iil oo qaadday tallaabo kale oo ku jirtay heshiiska xabbad-joojinta

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Raadiyaha Ciidamada Israa'iil ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidanka ay gebi ahaanba isaga baxeen deegaanka Netzarim oo Qasa ka tirsan, sida ku cad wejiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ay Israa'iil la gashay Xamaas, tan oo qorshuhu ahaa inay dhacdo maalinta 22aad ee heshiiska.

    Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa isna sheegay in goobaha ay ciidanku isaga baxeen ay ku yaallaan bariga Waddada Salah al-Din, oo micnaheedu yahay in ciidanku aysan joogeynin bartamaha iyo waqooyiga Marinka Qasa, marka ;aga reebo ciidamada Qeybta 162aad oo aagga xadka jooga.

    Sida uu wargeysku sheegay, joogitaanka militariga Israa'iil ayaa xaddidnaan doona hadda kuna koobnaan doona Philadelphi Corridor oo koofurta Marinka Qasa ah.

    Dhanka kale, hoggaamiye Xamaas ka tirsan ayaa xaqiijiyay in ciidamada Israa'iil ay isaga baxeen Isgoyska Netzarim Junction oo ku yaalla Waddada Salah al-Din, taasoo isku xirta waqooyiga iyo koofurta Marinka Qasa.

  3. Muxuu yahay wejiga labaad ee xabbadjoojinta Qasa ee ay ka wada hadlayeen Netanyahu iyo Trump?

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Waa booqashadii afar iyo tobnaad ee Netanyahu uu ku tago Blair House ama Aqalka Martida Mareykanka

    Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa shaaca ka qaaday in isniintii uu bilaabanayay wadahadal uu la yeelanayo Steve Witkoff oo ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan Bariga Dhexe, si ay uga wadahadlaan qodobbada wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta ah.

    Warbaahinta Israa'iil ayaa ku warrantay in Netanyahu uu gaaray Washington gelinkii dambe ee Axaddii shalay, iyadoo lagu wado inuu la kulmo, xiriir ahna la yeesho Witkoff si uu u bilowdo wada xaajoodka wejiga labaad ee heshiiska. Netanyahu ayaa sidoo kale la kulmi doona madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Talaadada.

    Kulamadan ayaa imaanaya ka hor wareegii shanaad ee sii daynta la haystayaasha oo loo qorsheeyay Sabtida. Wadahadallada dadban ee Israa'iil iyo Xamaas ayaa sidoo kale la filayaa inay dib u bilowdaan toddobaadkan, iyadoo wejiga koowaad ee heshiiska 42 maalmood ah uu ku dhow yahay dhammaadka bisha soo socota.

    "Waa kulan aad muhiim u ah," Netanyahu ayaa u sheegay suxufiyiinta ka hor inta uusan u dhoofin Washington.

  4. Kabaha cayaar-yahankan hore oo lagu iibsaday $660,000

    Bryant

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kabaha uu xirtay xiddiggii kubbadda cagta Kobe Bryant mar uu dhaawac gaaray isagoo ka qeyb galayay cayaaraha sanadkii 2013 ayaa lagu xaraashay lacag dhan $660,000 (£532,000).

    Isagoo u dheelayay Los Angeles Lakers, Bryant ayaa sii watay cayaarta oo ay la lahaayeen Golden State Warriors inkastoo uu xanuun daran dareemayay.

    Cayaar-yahankan ayaa geeriyooday isagoo 41 jir ah kadib shil diyaaradeed oo ay ku dhinteen siddeed qof oo kale, oo ay ku jirtay gabadhiisa 13 jir ahayd Gianna, shilkaas oo bishii January 2020 ka dhacay Calabasas, California.

  5. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Namibia oo geeriyooday

    Namibia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynihii ugu horreeyay ee uu yeesho dalka Namibia markii uu xornimada qaatay, Sam Nujoma, ayaa isagoo 95 jir ah ku geeriyooday caasimadda Windhoek, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha haatan ee dalkaas, Nangolo Mbumba.

    Nujoma ayaa horkacayay dagaalkii dheeraa ee dalkaas uu ku doonayay inuu madax-bannaani kaga helo Koofur Afrika sanadkii 1990 kadib markii uu aasaasay dhaqdhaqaaqa xoreynta Namibia oo loo yaqaannay South West Peoples' Organisation (Ururka Dadka Koofur Galbeed) (Swapo) sanadihii 1960meeyadii.

    Kadib xornimadii, Nujoma ayaa madaxweyne noqday sanadkii 1990 wuxuuna dalka hoggaaminayay ilaa 2005.

    Nujoma ayaa isbitaal ku jiray saddexdii toddobaad ee lasoo dhaafay.

  6. Sacuudiga oo ka hor yimid soo jeedinta Israa'iil ee ah in Falastiiniyiinta dhulkooda laga raro

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Sacuudiga ayaa xaqiijiyay diidmadiisa ku aaddan hadallada Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ee ku aaddan in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda, sida wasaaradda arrimaha dibadda ay ku sheegtay war ay saakay soo saartay.

    Saraakiisha Israa'iil ayaa soo keediyay in gobol Falastiiniyiinta leeyihiin laga sameeyo dhulka Sacuudiga.

    Netanyahu ayaa wareysi siiyay telefishinka Channel 14 isagoo kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan arrimaha Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.

    Warka Sacuudiga si gaar ah looguma xusin soo jeedinta Netanyahu ee in gobol ay Falastiyiinta leeyihiin laga sameeyo Sacuudiga.

    Dhanka kale, Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale ka horyimid warka Netanyahu, iyagoo ku sheegay inay tahay faragelin toos ah oo dhulka Sacuudiga ah.

  7. Caafimaadka la heystayaasha la sii daayay oo walaac laga muujiyay iyo Israa'iil oo wacad ku martay inay ka jawaabi dooto

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    War uu soo saaray, ayuu Gal Hirsch, xiriiriyaha maxaabiista iyo dadka maqan ee xafiiska raysal wasaaraha Israa'iil, ku sheegay in Israa'iil ay ka jawaabi doonto "carqaladeynta joogtada ah ee Xamaas", isagoo kala jeeda walaaca laga muujinayo caafimaadka la heystayaasha maanta la sii daayay.

    "Muuqaalladii yaabka lahaa ee aan maanta aragnay waxay taabanayaan dhammaanba quluubteenna waxayna ka mid noqonayaan xusuusaha aan min-guurin ee October 7, 2023.

    "Dalka Israa'iil wuxuu u arkaa carqaladeynta soo laalaabatay ee Xamaas mid aad u daran, xaaladda saddexda la afduubtay ee la sii daayay subaxaanna inay tahay mid aad u daran," ayuu yiri.

    Hirsch ayaa intaa ku daray in farriin lala wadaagay dhexdhexadiyeyaasha garwadeenka ka ah heshiiska xabbad-joojinta.

    Qaraabada iyo dadka kale ayaa sheegay in saddexda la heyste ay u muuqdeen kuwo caato ah oo argagaxsan markii saakay lasii deynayay.

  8. Soomaaliya oo digniin kasoo saartay "maalgelinta argagixisada"

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Wasiirrada Amniga Gudaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waxyaabihii uga qabsoomay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto al-Shabaab.

    Wasiirka Amniga Cabdulaahi Fartaag ayaa digniin u diray dadka lacagaha maalgalinta ah siiya "Kooxaha argagixisada". Wuxuu sidoo kale sheegay in maamul-goboleedka Puntland ay ku taageerayaan la dagaallanka kooxda Daacish.

    Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa dhankiisa sheegay inaan la aqbaleyn in dhaqaale lagu bixiyo halligidda shacabka Soomaaliyeed.

    “Meelaha ay dowladdu ka taliso sida Suuqa Bakaaraha qiil uma heli doonaan in ay yiraahdaan baad ayaa nagala rabaa.”ayuu yiri wasiirka.

  9. Sawirro: Maxaabiista Falastiiniyiinta ee la sii daayay oo qoysaskooda la kulmay

    Maxaabiista Falastiiniyiinta ee lasii daayay ayaa la kulmay qoysaskooda iyagoo laabta is geliyay isuna ooyay.

    Bas siday maxaabiistan ayaa gaaray Ramallah oo Daanta Galbeed ah.

    Wadarta 183 maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa la filayaa in maanta la sii daayo tan oo qeyb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ee u dhaxeeya Israa'iil iyo Xamaas.

    Maxaabiis

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maxaabiis

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maxaabiis

    Xigashada Sawirka, Reuters

  10. Bas siday maxaabiis Falastiiniyiin ah oo gaaray Ramallah

    Ramallah

    Waxaan aragnaa sawirrada bas sida maxaabiis Falastiiniyiin ah oo gaaray Ramallah oo ku taalla Daanta Galbeed.

    Dadka ayaa ku hareereysan gaariga waxayna sawirro ka qaadanayaan oo ay muuqaallo ka duubayaan goobta xilli ay maxaabiistu gaariga ka degayeen. Qaar ayaa gacmahooda ku muujinaya calaamadda V ee guusha.

    Maxaabiista ayaa gacan-qaadaya dadka ka caawinaya inay gaariga kasoo degayaan iyagoo sidoo kale dadka meesha isugu yimid u dhoolla-caddeynaya.

  11. Saddexda la heyste ee la sii daayay caato ayay ahaayeen wayna argagaxsanaayeen

    La heyste

    Saddexdda la heyste ee Israa'iil u dhashay ee Xamaas ay sii deysay ayaa u muuqday kuwo caato ah mar ay saf geliyeen Xamaas, munaasabadda wareejinta oo ka dhacday Deir al-Balah oo bartamaha Qasa ah.

    Waxaa lagu qasbay inay hadlaan kahor inta aysan gacmaha haatin oo aysan la wareegin Red Cross. Eli Sharabi iyo Ohad Ben Ami ayaa labaduba laga kaxaystay kibbutz Be'eri, halka Or Levy laga qabtay halkii uu ka socday bandhigga muusikada ee Nova.

    War ay soo saareen, Golaha Qoysaska La Heystayaasha, ayaa muuqaalka raggaan la sii daayay waxay ku tilmaameen "mid laga naxo" waxayna sheegeen inay taas caddeyneyso inuusan jirin waqti lagu lumiyo sugitaanka in kuwa haray lasoo celiyo.

  12. Daawo sida ay u dhacday wareejinta la heystayaasha ee Xamaas

    Qoraalka Muuqaalka, Saddex la heyste oo loo gacan geliyay Red Cross kadib wareejin ka dhacday Deir al-Balah
  13. War deg deg ah, Israa'iil oo xaqiijisay in la heystayaasha la sii daayay

    Israa'iil

    Waxaa hadda ina soo gaaray war kasoo baxay militariga Israa'iil oo xaqiijinaya in la sii daayay la heystayaasha.

    "Sida ku xusan warka aan ka helnay Red Cross, saddex la heyste ayaa iyaga loo dhiibay, waxayna kusii socdaan ciidamada IDF iyo IDA ee Marinka Qasa," ayaa warka lagu yiri.

  14. Maxaa kasoo kordhay ganacsiyada xiran ee Muqdisho?

    Muqdisho

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa weli xiray qeybo ka mid ah ganacsiyada suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo baxday warqad ay ku saxiixan yihiin suuqyada gobolka Banaadir oo ay ku sheegeen in ganacsiyadu ay maanta xirnaanayaan.

    Sababta ayaa lagu sheegay canshuuro dheeraad ah oo ay wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka kusoo rogtay iyo eedeymo dhowr ah oo ay usoo jeediyeen waaxo kale oo dowladda ah.

    Haatan shir ayaa magaalada Muqdisho uga socda guddiga ganacsatada Bakaaraha, Rugta Ganacsiga Banaadir iyo hay'adaha dowladda si arrintan xal looga gaaro, sida uu BBC-da u xaqiiyay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Bakaaraha Xasan Cabdi Aadan (Xoogsade).

    Shirka ayaa la filayaa inay kasoo baxaan qodobbo la isku afgartay.

  15. Maxaan ognahay saddexda la heyste ee Israa'iil ee Xamaas ay goor dhow sii deyneyso?

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, EPA

    Shalay, Xamaas ayaa shaacisay magacyada la heystayaasha xiga ee maanta la sii deynayo, iyadoo lagu beddelanayo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay Israa'iil heyso.

    Waxay kala yihiin Eli Sharabi, 52, Ohad Ben Ami, 56, iyo Or Levy, 34, oo dhammaantood rayid ah.

    Waxaan idiin soo gubineynaa waxa aan ka ognahay:

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Bring Them Home Now

    Qoraalka sawirka, Or Levy, Ohad ben Ami iyo Eli Sharabi ayay Xamaas sheegtay inay sii deynayaan

    Eli Sharabi waxaa laga kaxeeyay Kibbutz Beeri isaga iyo walaalkiis, Yossi, oo tan iyo markaas la xaqiijiyay inuu geeriyooday. Xaaska Eli iyo labo gabdhihiisa ah ayaa lagu dilay weerarka.

    Ohad Ben Ami ayaa sidoo kale laga kaxeeyay Kibbutz Beeri, isaga iyo xaaskiisa, Raz. Mar dambe ayaa la xaqiijiyay inay Xamaas sii deysay.

    Or Levy ayaa ka cararay xafladdii Nova isaga iyo xaaskiisa Eynav, markii rag hubeysan ay weerareen halka ay ka dhacaysay. Levy ayaa la heyste ahaan loo kaxeystay halka mydka Eynav laga helay meel ay lammaanuhu isku qarinayeen.

  16. Sawirro: Maxay Xamaas soo bandhigeen?

    Waxaa soo baxaya sawirro laga soo qaaday Deir al-Balah oo Qasa ku taalla, halkaas oo dagaal-yahannada Xamaas ay isugu tageen kahor sii deynta la heystayaasha.

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Reuters

  17. In ka badan 500 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ilaa haatan lasii daayay

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wejiga koowaad ee heshiiska, 33 la heystayaal ah ayaa la sii deynayaa iyadoo lagu beddelanayo 1,900 maxaabiis Falastiiniyiin ah.

    Ilaa iyo haatan, in ka badan 500 ayaa la sii daayay. Dad aad ugu faraxsan ayaa soo dhoweeyay, welina waxay ku lebisnaayeen dharka gareyga ah ee xabsiga.

    Kuwaas, dhowr ayaa haween iyo carruur ahaa - mid ka mid ah kuwa ugu da'da yar oo lasii daayay dhammaadkii January waa 15 jir.

    Qaarkood ayaa ku eedeysnaa dembiyo yaryar, halka kuwa kale la xukumay.

    Balse 21 maxaabiis oo dembiyo adag ku xukunnaa, oo dil uu ka mid yahay, Israa'iil uma oggolaan inay Falastiin ku laabtaan waxaana loo musaafuriyay Masar amaba dalalka deriska ah.

  18. Xamaas ayaa isu diyaarineysa sii deynta la heystayaal Israa'iili ah

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Bring Them Home Now

    Muuqaallo toos ah ayaa muujinaya Xamaas oo isu diyaarineysa sii deynta saddex la heystayaal rayid ah oo Israa'iil u dhashay - Eli Sharabi, Or Levy iyo Ohad Ben Ami - waxayna ka dhacaysaa sii deynta Deir al-Balah oo bartamaha Qasa ah.

    Warbaahinta Israa'iil. oo soo xiganeysa ilo militari, ayaa sheegay in sii deynta la filayo inay dhacdo abbaaro 10:00 xilliga gudaha (08:00 GMT).

    Kaamirooyin, tabeelleyaal iyo calanka cagaaran ee Xamaas ayaa durba la suray gawaari xamuul oo cadcad.