You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

'Waan ka daalnay barakaca, waana ka daalnay dagaalka ' – ayay reer Qasa u sheegeen BBC-da

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta - Abdishukri Haybe

Tebin toos ah

  1. Ukraine : Sagaal qof oo lagu dilay weerar uu Ruushku ku qaaday bas ay saarnayeen dad rayid ah

    Sagaal qof ayaa ku dhintay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ku qaadeen bas rakaab ah oo marayey waqooyi bari ee dalka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

    Maamulka milatariga gobolka Sumy ayaa sheegay in afar qof oo kale lagu dhaawacay magaalada Bilopilia subaxnimadii Sabtida.

    Bahda caafimaadka, shaqaalaha gurmadka degdega ah iyo booliiska ayaa hadda ka shaqaynaya goobta.

    Weerarkan ayaa imaanaya saacado uun kadib markii Ruushka iyo Ukraine ay ku yeesheen Turkiga wadahadal nabadeed oo toos ah tan iyo 2022-kii.

  2. Milatariga Israa'iil oo weerar kale sheegay inay ku qaadayaan Qaza

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen weerar cusub oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan gacan ku haynta aaga ka tirsan marinka Qaza.

    Waxa ay sheegtay in ay qaaday duqeymo ballaaran, islamarkaana ay abaabuleyso ciidan iyada oo ujeedadeedu tahay burburinta Xamaas la burburiyo iyo sii daaynta la haystayaasha harsan.

    Maamulka caafimaadka Qaza ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ay ku dhinteen in ka badan laba boqol iyo konton qof tan iyo subaxnimadii Khamiista.

    Madaxa xuquuqul aadanaha Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa sheegay in weerarrada oo ay weheliso xannibaadda gargaarka ay la mid yihiin olole isir sifayn ah.

  3. War deg deg ah, Maxaa ugu muhiimsan oo kasoo baxay wada hadaladii Turkiga ka dhacay ee u dhexeeyay Ukraine iyo Ruushka

    In ka badan saddex sano oo uu socday dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee Yurub tan iyo 1945, waxaa Jimcihii yimid tallaabo yar oo loo qaaday dhinaca dimuqraadiyadda.

    Wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka ayaa isha isugu timid wadahadallo toos ah markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso 2022 – hal bil kadib markii Moscow ay weerartay deriskeeda. Wadahadalladu waxay ka dhaceen qasri xilligii Cusmaaniyiinta laga dhisay oo ku yaalla xeebta Bosphorus ee magaalada Istanbul.

    Cadaadis iyo dhiirrigelin uga timid Turkiga iyo Maraykanka ayaa sababay in labada dhinac ee is haya ay halkaas isugu yimaadaan.

    Ma jirin gacan-qaad la is dhaafsaday, waxaana kala bar wufuudda Ukraine xidhnaayeen dhar ciidanka ah oo dhammaystiran – taas oo xusuusin u ahayd in dalkoodu weli weerar ku jiro.

    Qolka waxaa lagu qurxiyey calamada Ukraine, Turkiga iyo Ruushka – laba calan mid kasta – iyo ubax weyn oo la dhigay – meel aad uga fog magaalooyinka burburay iyo xabaalaha buuxsamay ee Ukraine.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa labada wufuud u sheegay in ay jiraan laba waddo oo hor yaalla – mid nabad keeni karta, iyo mid dhimasho iyo burbur dheeraad ah.

    Wadahadalladu wax ka badan laba saac ma socon, waxaana si degdeg ah u soo baxay kala duwanaansho xooggan. Mas’uul reer Ukraine ah ayaa sheegay in Kremlin-ka uu keenay "shuruudo cusub oo aan la aqbali karin." Waxaa ka mid ahaa in Kyiv laga rabo in ay ciidamadeeda kala baxdo qaybo badan oo dhulkeeda ah, si loo helo xabbad-joojin.

    Inkasta oo wax horumar ah laga gaarin arrinta xabbad-joojinta – sidii la filayay – haddana waxaa jirta hal natiijo oo la taaban karo oo laga war hayo.

    Dhinac kasta wuxuu dib u celin doonaa 1,000 maxbuus oo dagaal dhinaca kale ah.

  4. Ruushka oo sheegay inuu "ku qancay" natiijada wadahadallada Ukraine ee ka dhacay Turkiga

    Halkan waxaa xusuusin degdeg ah oo ku saabsan hadal uu sii daayay Vladimir Medinsky, oo madax u ahaa wafdiga Ruushka ee shirka Turkiga

    Medinsky ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay natiijada ka soo baxday wada xaajoodyadii maanta isagoo xusay in labada dal ay ku heshiiyeen saddex qodob oo kala ahaa.

    Maxaabiis dagaal oo la is weydaarsanaayo.

    In Ruushku "ay ogaysiis ku heleen" codsiga Ukraine ee ah in wadahadal toos ah dhex mara Putin iyo Zelensky

    Iyo in Ruushka iyo Ukraine ay soo bandhigi doonaan aragti ah "xabad joojin mustaqbalka suurtagal ka ah"

    "Marka aragtidan la soo bandhigo, taasoon aaminsanahy in ay haboonaan doontoto, waxaa sidoo kale lagu heshiiyey inaan sii wadno wada-xaajoodka," ayaa lagu yidhi qoraalka.

  5. Macron oo ku eedeeyay Putin in uu wakhti sii iibsanayo

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo la kulmay Keir Starmer iyo Volodymyr Zelensky intii lagu jiray shirweynaha bulshada siyaasadda Yurub ee maanta ka furmay Albania, ayaa ku eedeeyay Putin "inuu isku dayayo inuu waqti sii iibsado".

    "Mar labaad, Madaxweyne Putin wuxuu diiday inuu ka jawaabo hindisaha xabbad-joojinta shuruud la'aanta ah ee ay soo jeediyeen Maraykanku oo ay taageerayaan Ukraine iyo reer Yurub," ayuu yidhi galabta.

    "Iyadoo diiday xabad joojinta iyo wadahadalka Ukraine, Ruushku wuxuu muujinayaa inaysan dooneynin nabad oo ay isku dayayaan oo kaliya si’ay waqti ku iibsadaan iyagoo sii wadaya dagaalka."

    Macron waxa uu intaa ku daray in hoggaamiyeyaal ay ka mid yihiin isaga, Zelensky iyo Starmer ay khadka taleefoonka kula hadleen madaxweynaha Maraykanka Trump intii ay ku sugnaayeen Albaniya

  6. “Hooyo, Maanta ayaan doorbidayaa in aan dhinto intaan beri sii silci lahaa”

    Waxaan maqlaynay sida ay nolosha ugu adag tahay iyo khatarta ayku jiraan qof kasta oo Qasa ku nool, laakiin bal qiyaas sida ay xanuun ugusii tahay qof markii horeba aad usii xanuunsanaa.

    Abdel Rahman oo 20 jir ah ayaa lagu helay kelyahu in ay istaageen markii uu sagaal bilood jiray, waxaana walaalkii keli looga bedelay isagoo 13 jir ah.

    Dagaalka ka hor, wuxuu bil walba ballan isbitaal ku lahaa gudaha Israa'iil si uu dawadii u baahnaa helo. Laakiin waxaas oo dhami waxay joogsadeen wixii ka dambeeyay 7 Oktoobar 2023.

    Hadda aad buu u xanuunsanayaa, wuxuu dhawaan u sheegay hooyadiis, Najwa: "Hooyo, waan dhimanayaa, waxaan ka door bidi lahaa inaan dhinto maanta intii aan berrito sii silicsanaan lahaa."

    Waxay tidhi wuu is ruxayaa, is tuurayaa oo si joogto ah u daalan yahay. Waxay aad ugu baahan tahay in loo ogolaado inuu ka baxo Gaza si loogu daweeyo dibadda wiilkeeda.

    "Waxaan tagi dhakhtar ilaa dhakhtar mar kasta oo aan guurnay," Najwa ayaa noo sheegtay. "Waxa kaliya ee ay ahayd inay isaga siiyaan waxay ahayd cortisol, mase aha daawaynta uu u baahan yahay."

    Iyadoo isbitaallada ay ku dhaceen duqeymaha cirka ee Israa’iil, waxay sheegtay inay hadda aad uga baqeyso inay xitaa isku daydo inay aragto dhakhtar.

    "Waxa kaliya ee aan rabo waa in carruurtaydu ay noolaadaan oo ay wax noqdaan," ayay noogu sheegtay taleefan. "Hadda waxaan jeclaan lahaa inay dib ugu laabtaan uurkayga, ku noolaanshaha halkaan waa cadaab nool."

  7. Colaadda Qasa oo laga yaabo inay gasho weji cusub ka dib markii Trump uu ka tagay Bariga Dhexe,

    Kadib soo gabagabaynta socdaalka Trump ee Bariga Dhexe iyo safar degdeg ah oo horseeday heshiisyo ganacsi oo balaayiin dollar ah, balse ku guuldareystay in uu keeno xabbad-joojin cusub oo Qasa ah, waxaa laga yaabaa in aan horey u ognahay waxa Israa’iil qorsheyneyso inay samayso.

    Benjamin Netanyahu ayaa si isdaba joog ah u sheegay in dagaalku sii xoogeysan doono, wuxuuna yidhi “waxba kama jiraan” in uu dagaalku illaa Xamaas laga adkaado. Haddii golaha amniga ee Israa’iil uu siiyo oggolaanshaha ugu dambeysa howlgalka la yiraahdo “Gideon’s Chariots”, oo ah howlgal cusub oo Israa’iil, colaadda waxay gashay weji cusub ee aad u daran.

    Ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in howlgalkaasi uu noqon doono weerar baaxad weyn leh, iyadoo inta badan dadka Qasa lagu qasbi doono inay u guuraan dhul yar oo koonfurta marinka Qasa ku yaal.

    Dadweynaha Qasa oo ah 2.1 milyan oo ruux oo gaajaysan, daallan oo dagaal la ildaran, waxay ka dhigan tahay duqeymo cirka ah iyo imaanshaha kumannaan askar Israa’iiliin ah kale – kuwa joogtada ah iyo kaydka ahba – ay dhulka soo galaan.

    Inkasta oo tirada dadka Israa’iil ee taageersan heshiis xabbad-joojin ah, soo celinta maxaabiista haray iyo dhammaadka dagaalka ay sii kordhayaan, raysalwasaaraha Israa’iil wuxuu ku adkeysanayaa in hadafkiisu yahay in si buuxda loo burburiyo Hamas.

    Waloow la filayo in gargaar degdeg ah laga bixiyo xarumaha barakicinta ee IDF, hay’adaha gargaarka waxay sheegayaan in kadib 20 bilood oo dagaal ah iyo 11 toddobaad oo go’doominta Israa’iil ah, baahiyaha cunno iyo daawo ee dadka ay aad u sarreyn doonaan.

    Ka dib, lama oga ilaa goorma ciidamada Israa’iil ay sii joogayaan Qasa iyo waxa Netanyahu damacsan yahay iyo waxuu la rabo dadka reer Qasa – marka laga reebo in uu ku dhiirrigelinaayo kumannaan ka mid ah inay u guuraan waddamada Carabta ee dariska ah.

  8. 'Kumanaan baabuur gargaar ah ayaa sugaya inay galaan Qasa' - sarkaal ka tirsan WHO,

    Wakiil ka socda Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in afarta ilaa shanta bilood ee soo socota, "nus milyan qof ay ku jiri doonaan xaalad masiibo ah" haddii ay sii socoto xannibaadda gargaarka ee Israa'iil.

    Isagoo la hadlayay BBC-da, Rik Peepercorn wuxuu sheegay in WHO ay si wanaagsan gargaar u diyaarisay markii xabbad joojin gaaban la isku afgartay bartamihii Janaayo, laakiin sahayda ay hadda "si dhab ah u sii yaraanayso".

    "Waxaan ku dhibtooneynaa inaan bixinno sahayda," ayuu yidhi, isagoo xoogga saaraya: "Dhammaan sahaydu waxay ka gudbeen xadka."

    "Taasina waxay u badan tahay inay tahay dhank ugu xanuunka badan - in kumanaan ka mid ah baabuurtan ay sugayaan inay galaan Gasa."

  9. War deg deg ah, Qiiq laga arkay isbitaal ku yaala Qasa oo la geeyay dad dhaawac ah

    BBC Verify ayaa xaqiijisay ugu yaraan hal muuqaal oo muujinaya imaanshaha dadka dhaawaca ah, oo ay ku jiraan hal cunug iyo qof dumar ah, oo la dhigay cisbitaalka Indonesia ee waqooyiga Qasa, halkaas oo laga soo sheegay weeraro habeenimo ah.

    Sawirka muuqaalka ah ayaa muujinaya gabar yar oo dhimatay oo laga soo qaaday gaari gurmad ah oo loolana cararay albaabka weyn ee isbitaalka. Qof kale ayaa lagu qaaday biraha dhaawaca lagu qaado, qof dumar ah ayayna labo nin in ay kasoo dajiyaan gaadhiga.

    Cisbitaalku waa dhisme saddex dabaq ah oo leh daaqado dhaadheer oo fiiqan kuwaas oo si degdeg ah u sahlaya in la aqoonsado.

    Saacado ka dib, markii waagu baryay, laba muuqaal oo kale ayaa laga duubay isbitaalka agtiisa oo muujinaya qiiq qaro weyn oo dhowr boqol oo mitir u kacaya dhanka bari. Ilaa hadda lama xaqiijinin halka uu qiiqu ka yimid.

  10. War deg deg ah, Suurtagalnimada dhabta ah ee macluusha ayaa socon doonta haddii aan la xalin khilaafka gargaarka,

    Iyadoo warbixinnada gaajada Qasa ay sii adkaanayso in la iska indho tiro, baahida loo qabo xal u helidda gargaarka bani'aadamnimada ayaa usii kordhaysa si daran.

    Warbixintii u dambaysay ee ee Hay’adda Integrated Food Security Phase (IPC), oo la soo saaray horraantii toddobaadkan, ayaa ka digtay in ku dhawaad ​​rubuc ka mid ah dadka rayidka ah ay wajihi doonaan masiibo heerar cunto yari ah bilaha soo socda.

    Israa’iil ayaa weli ku adkaysanaysa in ay jirto cunto ku filan oo la heli karo, balse wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in walaac laga muujiyay ciidamada Israa’iil oo laga yaabo in macaluul baahsani dhacdo haddii aan gargaar degdeg ah la bilaabin.

    Kooxda ka dambeysa Hay'adda Gargaarka Bani'aadamnimada ee Gaza ee dhawaan la aasaasay ayaa shalay ku booriyay Israa'iil inay "aqoonsadaan oo coladdana ka joojiyaan" aagagga waqooyiga Gaza ee ku habboon qaybinta gargaarka iyo inay sidaas sameeyaan 30 maalmood gudahood.

    Hay’adda GHF, ayaa sheegtay inay bilaabayso qaybinta gargaarka dhamaadka bishan, waxaana si weyn u dhaleeceeyay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka inay diyaar u yihiin inay ka barbar shaqeeyaan Israel.

    "Waxay ku xidhaysaa gargaarka shuruudo ku xidhan ujeedooyinka siyaasadeed iyo kuwa ciidanka," ayuu ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini'aadantinimada, Tom Fletcher, u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay talaadadii.

    Haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan loo xalin khilaafka ka dhashay bixinta gargaarka, waxaa jirta suurtagalnimo dhab ah oo ah in markii ugu horreysay tan iyo markii uu billowday dagaalka Qasa, ay ugu dambeyntii macaluul dhici doonto.

  11. War deg deg ah, Ukraine iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey in maxaabiista dagaalka ay isweydaarsadaan ka dib wadahadalo toos ah muddo sanado ah,

    Ukraine iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey in ay isdhaafsadaan 1,000 maxaabiis dagaal ah midkiiba ka dib wadahadal fool ka fool ah oo ah kii ugu horeeyay muddo saddex sano ah.

    Taariikhda wareejinta waa la cayimay, laakiin si rasmi ah looma shaacin, wariyaheena Vitaliy Shevchenko ayaa warbixintan ka soo diray Istanbul.

    Ukraine ayaa sidoo kale codsatay wadahadal toos ah oo ay la yeelato madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin - Moscow ayaa sheegtay in ay " diiwaangelisay" codsigan

    Saraakiisha Turkiga, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, ayaa fududeeyay wada-hadallada nabadeed - oo labada dhinac ay sheegeen in ay ka mid tahay in laga wadahadlo xabbad joojin suurtagal ah.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku booriyay "falcelin xooggan" haddii aan heshiis xabbad joojin ah la gaarin wadahadallada ka dib.

    Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu la kulmo Putin “sida ugu dhaqsiyaha badan ee aan awoodno”, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio uu yidhi "loo baahan yahay dilka in la joojiyo" ka dib kulankii uu Istanbul uu kula qaatay mas'uuliyiinta Ukraine iyo Turkiga.

  12. War deg deg ah, ‘‘Dhammaantayo waxaan sugeynaa geeri” ayuu yidhi nin ka dib markii la dilay walaashii oo uur leh,

    Nin reer Khan Younis oo ku sugan koonfurta Qasa ayaa noo sheegay in walaashiis oo uur leh lagu dilay gurigeeda, iyadoo aan weli maqalno dadka ay saameeyeen weerarradii ugu dambeeyay ee Israa’iil – oo ay hay’adda difaaca rayidka ee Xamaas maamusho ay sheegtay inay ku dileen ku dhawaad ​​100 qof.

    Ninkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa BBC-da u sheegay in Israa'iil ay "duqeysay guriga xilli walaashay iyo ninkeeda ay gudaha ku jireen," isagoo intaas ku daray in walaashii ay lahayd "uur shan bilood ah".

    "Waxay u muuqataa in aan xal loo helin dhibaatadeena," ayuu yidhi. "Dhammaanteen waxaan sugeynaa oo kaliya inta aan dhimanayno."

    Israa'iil ay xaqiijisay in hawlgalkeeda ciidan uu ka sii socdo Gaza, ninku wuxuu ku nuuxnuuxsaday "ma jirto meel ammaan ah oo ku taal marinka Gaza".

  13. War deg deg ah, 'Ma lihin awood aan ugu noolaano barokac kale'

    Horraantii sanadkan, waxaan la hadalnay dad ku soo laabanaayay guryahooda waqooyiga Qasa intii ay socotoy xabbad-joojinta. Waxaa ka mid ahaa Adham al-Batrawi, oo ah naqshadeeye [Graphic Designer], 31 sano jir ah.

    Wuxuu ku laabtay magaalada al-Zahra oo hore u ahayd meel hodan ah, wuxuuna ku noolaa gudaha iyo agagaarka burburka villa-da qoyskiisa, isagoo dab u shidi jiray si uu wax ugu karsado diirimaadna uga helo.

    “Waan ku farxay dib ugusoo noqday, laakiin markaan arkay guriga – oo kala badh burburay. Waan murugooday,” ayuu markaas yidhi.

    Qoyska waxay rajeynayeen inay guriga dhisaan, balse markii xabbad-joojintu dhammaatay, waxay noqotay mid aad u khatar ah in la sii joogo, sidaas darteed way qaxeen mar kale.

    “Tani waxay ahayd markii toddobaad ee nala barakiciyo. Waxaa laga yaabaa inay ka badan tahayba. Tirintii ayaanba lumiyay” ayuu iigu sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray xero barakacayaal ku sugan bartamaha Gaza.

    “Mar kasta oo nalasii barakiciyo, noloshu waxay kasii noqotaa mid ka murugo badan tii hore. Rejo weyn ayaan qabnaa in dhammaadku dhow yahay, maxaa yeelay awood kale uma hayno inaan ku badbaadno barakac kale.”

    Maanta, wuxuu sheegayaa in noloshu tahay mid “aad u adag” – “ma jiro shidaal, ma jirto cunto, ma jiro wax dakhli ah, haddii wax la helana aad bay qaali u yihiin.”

  14. War deg deg ah, "Wax badan oo wanaagsan baa dhici doona bisha soo socota” Trump oo ka hadlay xaaladda Qasa

    Donald Trump ayaa hadda la hadlay saxafiyiinta xilli uu ka soo kicitamay bariga dhexe.

    Madaxweynaha Mareykanka oo la weydiiyay in uu taageersan yahay qorshaha Israa’iil ay ku ballaarineyso duullaanka ay ku heyso Gaza, wuxuu yiri, “Waan arki doonnaa waxa dhaca”

    Waxa uu intaa ku daray inuu u maleynayo "waxyaabo badan oo wanaagsan ayaa ka dhici doona bisha soo socota" Gaza, laakiin ma bixin wax faahfaahin ah.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka uu u baahan yahay inuu "caawiyo Falastiiniyiinta" wuxuuna qiray "dad badan ayaa gaajo u dhimanaya".

    Markii tafatirahayaga Waqooyiga Ameerika Anthony Zurcher uu wax ka waydiiyay qorshaha suurtagalka ah ee Xamaas ay ku doonayso in ay xukunka iskaga wareejiso, Trump waxa uu yidhi: "Waxa aanu eegaynaa wax walba, laakiin waxa aanu doonaynaa in aanu dib u soo ceshanno la haystayaashii."

  15. War deg deg ah, Duqeyntu “Waxay ka timid jiho walba”: Nin ka warramaya weerarkii waqooyiga Gaza.

    Waxaan hadda la hadalnay nin ka soo cararay Beit Lahia, waqooyiga Gaza, kaddib weerar Israa’iil ay geysatay oo uu sheegay inuu ku dilay xubno badan oo qoyskiisa ka mid ah.

    Basheer al-Ghandour wuxuu sheegay in dadku ay hurdayeen markay si lama filaan ah u bilaabatay duqeyn xooggan habeennimo.

    “Waxay ka imaanaysay dhammaan jihooyinka – duqeymo cirka ah iyo kuwo maraakiib dagaal. Guriga walaalkay ayaa dumay. Waxaa gudaha ku jiray 25 qof,” ayuu yidhi.

    Basheer wuxuu sheegay in ay dhawaaqa taangiyada maqleen, laakiin aysan si toos ah u gaarin xaafaddooda.

    Isaga iyo dad kale waxay isku dayeen in ay ka soo saaraan qaraabadooda burburka hoostiisa.

    “Qoyska waxaa ku dhaawacmay 11 qof, shana waa la dilay. Xaaska walaalkay weli waxay ku hoos jirtaa burburka – ma aanan u suurtagelin in aan soo badbaadino. Duqeyntu aad bay u xoogganayd, markaas waxay noqotay in aan cararno,” ayuu yidhi.

    “Waxba ma aanan soo qaadan – alaab ma hayno, cunto ma hayno, bur ma haysano. Xitaa lugaha ayaanu ku baxsannay annagoo cago cad.”

    Wuxuu sheegay in gabdho uu adeer u yahay, oo da’doodu tahay 5 iyo 18 sano, iyo wiil adeer u ah oo 15 jir ah ay ka mid ahaayeen kuwa la dilay.

    Basheer hadda wuxuu ku sugan yahay Jabalia, waqooyiga Gaza, balse wuxuu filayaa inuu mar kale u hayaami doono goor dhow.

    BBC-da waxay weydiisatay Ciidamada Difaaca Israa’iil inay faallo ka bixiyaan.

  16. Xisbiga TPLF ee gobolka Tigree oo digniin jeediyay baaqna u diray midowga Afrika

    Xisbiga ugu weyn mucaaradka Itoobiya ayaa ugu baaqay Midowga Afrika inay soo farageliyaan dadaallada lagu dhex dhexaadinayo iyaga iyo dowladda kadib markii guddiga doorashada ay kala noqdeen warqadda aqonsiga sharciga xisbi ahaan.

    Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa sheegay in tallaabada looga mamnuucay dhaqdhaqaaq kasta oo siyaasadeed ay tahay mid “khatar weyn” ku ah heshiiskii 2022kii- lagu soo afjaray colaad laba sano ka socotay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

    Xisbiga Tigreega oo xukumaya dalka Itoobiya sanado badan ayaa la mamnuucay Arbacadii kadib markii uu ku guuldareystay inuu qabto shirka guud ee xisbiga.

    Go’aankan ayaa daba socda xiisad siyaasadeed oo bilihii lasoo dhaafay ka taagneyd gobolka Tigray, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli ay dalka oo dhan ka dhici doonto doorashada la filayo in la qabto bisha June ee sanadka soo socda.

    Xisbigan ayaa hogaaminayay isbahaysigii afgambiga sameeyay sanadkii 1991-kii, waxaana uu xukumayay dalka Itoobiya ilaa 2018-kii markaasoo uu xukunka la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

    Waxa ay dagaal sokeeye oo laba sano ah la galeen dawladda kaas oo ku dhammaaday heshiis la saxeexay November 2022 ka dib kumannaan qof lagu dilay, malaayiin kalena lagu barakiciyay waqooyiga Itoobiya.

  17. Ukraine oo ay ka burburtay diyaarad dagaal oo casri ah oo uu Mareykanka siiyay

    Ukraine ayaa sheegtay in ay burburtay mid ka mid ah diyaaradaha casriga ah ee dagaalka ee F16 ee Maraykanka lagu sameeyo, kadib shil diyaaradeed oo dhacay.

    Waxa ay sheegtay in duuliyihii diyaaradda uu badbaaday, dhacdadana aysan u muuqan mid ka dhalatay weerar uu Ruushka soo qaaday.

    Diyaaraddan ayaa la sheegay inay soo ridday saddex bartilmaameed intii ay hawada ku jirtay ka hor inta aysan burburin.

    Xaaladda duuliyaha diyaaradda waday ayaa la sheegay inay wanaagsantahay.

    Diyaaradda nooceedu yahay F16, ayaa noqoneysa diyaaraddii abaad oo ay Ukraine ka burburto tan iyo markii ay sanadkii hore ay diyaaradahan ugu deeqeen saaxibadooda Mareykanka.

    Waxaad sidoo kale ahrisan kartaa:

  18. Asbestos: Maxay tahay sunta halista ah ee ka dhalatay howlgalka militari ee Israa'iil ka waddo Qasa?

    Dagaalka militari ee Israel ee Gaza waxa ka dhashay shucaac sun ah oo loo yaqaan asbestos.

    Macdanta, oo mar si weyn loogu isticmaali jiray qalabka dhismaha, waxay hawada ku sii deysaa shucaac sun ah marka la qaso kuwaas oo ku dhegi kara sambabbada oo - tobannaan sanana - sababi kara cudurka kansarka.

    Hadda isticmaalkeeda ayaa laga mamnuucay adduunka intiisa badan, laakiin wali waxay ku dhex jirtaa dhismayaal badan oo duug ah.

    Gaza, waxa laga helaa saqafyada asbestos-ka ee loo isticmaalo guud ahaan dhulka ay ku yaalaan sideedda xero qaxooti ee magaalooyinka - kuwaas oo loo sameeyay falastiiniyiintii ka soo qaxay ama laga saaray guryahoodii intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa'iil ee saandkii 1948-49 - sida ay sheegtay Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka (UNEP).

    Bishii Oktoobar ee sanadkii 2024, UNEP waxay ku qiyaastay ilaa 2.3 milyan oo tan oo burbur ah in ay yalaaan guud ahana Gaza oo dhan kuwaas oo laga ayaabo in ay ku jiraan sunta asbestos.

    Halkan ka sii akhri faahfaahinta

  19. Israa’iil oo hanjabaad cusub dirtay iyadoo uu weli Trump safar ku joogo gobolka

    Waxaa lagu soo warranmayaa in Israa’iil ay hawlgal militari oo ballaaran ka bilowday waqooyiga fog ee marinka Qaza.

    Wasaaradda caafimaadka ee ay kooxda Xamaas maamusho, ayaa sheegtay in ugu yaraan shan iyo labaatan qof la dilay.

    Falastiiniyiinta ayaa sheegay, in ciidamada Israa’iil ay cirka, dhulka iyo baddaba ka weerareen magaalada Beit Lahiaoo isla Qasa ka tirsan.

    Israa’iil ayaa ballan qaaday in ay qaadi doonto weerar millatari oo ballaaran ayna la wareegeyso dhammaan Qasa, haddii uusan jirin heshiis nabadeed oo cusub oo ay la galaan kooxda Xamaas, inta uusan soo dhamaan safarka madaxweyne Trump ee gobolka.

    Maamulka Trump ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta Qasa, halkaas oo Khamiistii lagu dilay in ka badan boqol Falastiiniyiin ah.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  20. Gabar Tiktok caan ka ahayd oo la dilay iyadoo toos ula hadleysa taageerayaasheeda

    Gabar 23 jir ahayd oo u dhalatay dalka Mexico isla markaana caan ka ahayd baraha bulshada ayaa la toogtay iyadoo si toos ah muuqaal uga baahineysay barteeda TikTok, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka.

    Valeria Marquez ayaa la dilay ka dib markii nin uu soo galay goob lagu qurxiyo dumarka ee ay ku lahayd magaalada Guadalajara, halkaas oo uu "sida la sheegay rasaas kaga riday," sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka Jalisco.

    Lama shaacin sababta rasmiga ah ee weerarkaasi loo fuliyey, balse kiiska waxaa hadda loo baarayaa sidii dil dumar oo ku salaysan (femicide) — oo ah marka dumar ama haween loo dilo sabab la xiriirta jinsi ahaan dumarnimadooda, sida uu xeer ilaaliyuhu sheegay.

    Dilka iyo tacaddiga ku salaysan jinsiga ayaa aad ugu badan dalka Mexico, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in celcelis ahaan 10 dumar ama 10 gabdhood la dilo maalintii, inta badanna ay geystaan rag qaba ama xubno qoysaskooda ka tirsan.

    Daqiiqado yar ka hor geerideeda, Ms Marquez waxay fadhiday miis iyadoo gacanta ku haysa kartoon yar oo loo ekeysiiyay xayawaan, gudaha salon-keeda oo ku yaalla deegaanka Zapopan, iyadoo si toos ah barteeda Tiktok ugala hadlaysay taageerayaasheeda.