Munaasabadda aaska boqoradda oo socota

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Mareykanka iyo Taliban oo is dhaafsaday rag u xirnaa labada dhinac.

    Kooxda Taalibaan ee Afghanistaan ayaa sheegtay inay siidaayeen injineer American ah, kaas oo ay ku badalanayaan hogaamiye qabaail oo uu Mareykanku siidaayay, kaas oo lala xiriirinayay kooxdaasi.

    Sii hayaha wasiirka arrimaha dibedda Taliban, Amir Khan Muttaqi, ayaa sheegay in Mark Frerichs Isniintii lagu wareejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kabul.

    Wuxuu sheegay in taa badalkeedna loo soo siidaayay Bashir Noorzai, oo Mareykanka lagu xiray sanadkii 2009-kii kaddib markii lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada.

    Mark Frerich
    Qoraalka sawirka, Mark Frerich
  2. Sawirada gudaha Windsor oo goor dhow la geeyay meydka Boqoradda.

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, .
    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, .
    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, .
    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, .
  3. Naxashka Boqorad Eliozabeth II oo la soo gaarsiiyay qasriga Windsor.

    Naxashka meydka Boqoradda.

    Xigashada Sawirka, bb

    Qoraalka sawirka, Naxashka meydka Boqoradda.

    Iyadoo ay weli socdaan howlaha aaska Boqoradda, naxashka uu ku jiro meydkeeda ayaa la geeyay kaniisadda Sain George's Chapel ee qasriga Windsor ee magaalada London.

    Kaniisaddaasi ayaa sidookale lagu qabtay arooskii Boqor Harry iyo xaaskiisa Meghan, sanadkii 2018-kii.

    Sanadkii 2019-kii, waxaa sidookale kaniisadda lagu qabtay munaasabaddii aaska Amiirkii Edinbrugh.

    Boqorad Elizabeth ayaa geeriyootay horaantii Bishan.

  4. Jacaylkii ku billowday farriinta Facebook iyo qisadii cajiibka ahayd ee ka dambeysay

  5. Eritrea oo beenisay inay waddo abaabul ciidan

    .

    Xigashada Sawirka, Yemane Gebremeskel

    Eritrea ayaa beenisay inay heegan gelisay ciidamadeeda militeriga ah iyadoo u yeertay ciidamadeeda keydka kuna amartay in ay agabkooda ciidan soo qaataan.

    Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in dalkiisa uu heegan geliyay oo kaliya ah tiro aad u yar oo kamid ah ciidamada keydka balse wuxuu meesha ka saaray inay qoraneyso ciidamo hor leh si dalka deriska ay yihiin ee Itoobiya uga caawiso dagaalka ka dhanka ah fallaagada Tigray.

    Warar ayaa sheegay in Eritrea ay waddo abaabul ciidan kaasoo loogu yeeray ciidanka keydka, illaa da'da 55 jirka, si ay qeyb uga noqdaan ciidanka, sida ay wararku sheegayaan.

    Wasiirka warfaafinta wuxuu sidoo kale sheegay in ciidan uruursiga aysan wax xiriir ah la laheyn colaadda ka taagan waqooyiga Itoobiya.

  6. Sida ay wax u dhacayaan maalinta aaska boqoradda

  7. Sawirro: Qoyska boqortooyada oo sagootinaya boqoradda

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

  8. Shaqaalaha oo isugu uruuray afaafka hore ee qasriga Buckingham

    Shaqaalaha qasriga Buckingham ayaa isugu uruuray afaafka hore ee dhismaha boqorad Elizabeth II xilli naxashka la marsiinayo xarunta Queen Victoria Memorial.

    Taalladan oo dheereerkeedu yahay 25 miitar-waxaa la dhisay sanadkii 1901 si loogu maamuso qoyska boqorad Elizabeth.

    .
  9. Munaasabaddii ugu weyneyd ee la qabto tan iyo sanadkii 1952-dii

    .

    Waa markii ugu horreysay oo la qabto munaasabad aas oo noocan ah oo sidan u baaxad weyn muddo 70 sano ah tan iyo aaskii boqor George VI sanadkii 1952-dii.

    In ka badan 3,000 militeri ah ayaa ka qeyb qaadanayaa aaska iyo sidoo kale ururo maxalli ah.

  10. Munaasabadda aaska boqoradda oo socota

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Ilaa 2,000 oo qof ayaa isugu uruuray macbadka Westminster ee ku yaalla bartamaha magaalada London halkaas oo lagu qabanayo munaasabadda aaska boqorad Elizabeth II oo ah muddo dheer heysay awoodda boqortooyada oo geeriyootay horraantii bishan.

    Xilli ay socoto munaasabadda, waxaa 96 jeer la garaacay gambaleelka kaniisadda ..waxay ka turjumeysay garaacista nolosha boqoradda.

    Ku dhawaad 500 madaxweyne iyo marti sharaf ka socda UK iyo caalamka ayaa ku sugan macbadka Westminster halkaasoo ay ka socoto munaasabadda aaska boqoradda.

    Xubno badan oo ka tirsan qoyska boqortooyada dalalka shisheeye iyo qoyska boqortooyada Ingiriiska ayaa ku sugan kaniisadda.

  11. Madaxda adduunka ee aan ka qeybgaleyn aaska Boqorad Elizabeth II

  12. Shiinaha oo dadkiisa uga digay taabashada dadka ajaaniibta ah cudur halis ah dartii

    Madaxa cudurrada faafa u qaabilsan xarunta ka hortagga cudurrada ee Shiinaha

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxa cudurrada faafa u qaabilsan xarunta ka hortagga cudurrada ee Shiinaha

    Sarkaal sare oo qaabilsan arrimaha caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa shacabka uga digay taabashada dadka ajaaniibta ah maalin uun kadib markii Shiinaha uu diiwaangeliyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka furuq-daanyeerka.

    Qoraal uu soo dhigay barta Weibo, madaxa ka hortagga cudurrada faafa ee ka tirsan xarunta ka hortagga cudurrada ee Shiinaha, Wu Zunyou ayaa shacabka ugu baaqay in aysan taaban dadka ajaaniibta ah si looga fogaado fiditaanka cudurkan.

    Arrinta ayaa muran badan dhalisay dadka qaar waxay ku tilmaameen hadal muujinayo cunsurinimo ah.

    Wu Zunyou wuxuu shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan la kulanka dadka dhawaan kasoo safray dalalka dibadda iyo kuwa ajaaniibta ah si uusan ugu dhici cudurka furuq-daanyeerka.

  13. Joe Biden oo gaaray munaasabadda aaska boqorad Elizabeth

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo xaaskiisa oo gaaray macbadka Westminster

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo xaaskiisa oo gaaray macbadka Westminster

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa gaaray macbadka lagu qabanyo munaasabadda aaska boqoradda.

    Biden ayaa bishii June ee sanadkii hore boqoradda kula kulmay qalcadda Windsor halkaas ay ku wada shaaheeyeen kadib markii uu ka qeybgalay shirkii dalalka G7 ay ku lahaayeen dalka UK.

    Boqorad Elizabeth ayaa la kulantay 13 kamid ah 14 madaxweyne ee ugu dambeeyay ee soo maray Mareykanka.

    Ku dhawaad 500 madaxweynayaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda UK iyo caalamka ayaa ka qeybgalaya munaasabadda aaska boqoradda ee ka dhaceysa macbadka Westminster.

  14. Biden oo sheegay in Mareykanka uu Taiwan ka difaacayo Shiinaha

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweyne Joe Biden ayaa mar kale sheegay in Mareykanka uu difaacayo Taiwan waa haddii uu soo weeraro Shiinaha.

    Wareysii uu siiyay Biden teleefishinka CBS mar wax laga weydiyay in ciidamada Mareykanka ay difaacayaan jasiiradda Taiwan iyo in kale, wuxuu ku jawaabay, “haa waan difaacneyaa waa haddii weerar aan horey loo arag lagu soo qaado”.

    Biden wuxuu carabka ku adkeeyay in Mareykanka uusan Taiwan ku dhiirigelineyn inay madaxbanaani raadsadaan.

    “Waxaa jirtaa siyaasadda muujineysa midnimada Shiinaha, Taiwan waxay go’aan ka gaareysaa madaxbanaanideeda, kuma dhiirigelineno inay qaataan go’aanka madaxbanaanida”

    Xukuumadda Beijing waxay sheegtay inay “xun tahay isla markaana ay si weyn uga soo horjeeddo” tallaabada Biden.

    Wasaaradda arrimahada dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in arrintan ay si adag u kala hadashay xukuumadda Washington kadib wareysiga uu madaxweyne Biden siiyay teleefishinka CBS.

    Shiinuha waxa uu Taiwan u arkaa gobol ka go'ay oo ugu dambeyntii hoos imaan doona maamulka Beijing. Laakiin Taiwan waa jasiirad iskeed madaxbanaani ugu dhawaaqday oo isu aragta in ay ka duwan tahay dhul weynaha Shiinaha.

  15. Militeriga Soomaaliya: “Waxaan dilnay 54 ka tirsan Al-Shabaab”

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Militeriga Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen 54 ka tirsan dagaalyahanada Al Shabaab kadib markii ay howlgallo ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan iyo deegaan kale oo dhaca gobolka Shabeellaha hoose.

    Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in howlgal xooggan ay iska kaashanayeen ciidamada militeriga iyo dadka deegaanka ay ka sameeyeen deegaanka Yasooman ee dhaca duleedka degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay ku dileen 45 kamid ah Al Shabaab.

    Halka ciidanka xoogga ay 9 ka tirsan dagaalyahannada Al Shabaab ay ku dileen deegaan lagu magacaabo Warmaxaan oo dhaca gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Soomaaliya ee Sonna.

    Waxaa maalmihii lasoo dhaafay deegaanno ka tirsan Hiiraan iyo Hirshabeelle ka socday dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

    Wararka kale la xiriira sheekadan;

  16. Dad xaley sii baryay barxad si ay u arkaan naxashka boqoradda

    Dad badan ayaa isugu soo baxay London iyo qalcadda Windsor si ay goob joog uga noqdaan aaska boqorada oo dhacaya gelinkii dambe ee maanta.

    Dad badan ayaa xaley baryay bannaanka barxadda Green Park si ay u arkaan naxashka boqoradda.

    Qaarkood waxay seexdeen agagaarka barxadda taariikhiga ah ee ku taalla Windsor.

    Waxay dadkan maanta arki doonaan naxashka boqoradda oo si tartiib loo marsiin doono halkaas ka hor inta aan lagu aasin qalcadda Windsor.

    Madax badan oo ka socota caalamka ayaa ka qeybgalayaa aaska boqorad Elizbeth II.

    Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa sawirrada dadka isugu soo baxay halkaas ka hor aaska boqorad Eluzabeth II.

    .

    Xigashada Sawirka, reuters

    Dadka qaar waxay xaley baryeen barxad ku taalla banaanka qalcadda Windsor

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dadka qaar waxay xaley baryeen barxad ku taalla banaanka qalcadda Windsor
    .
    .
  17. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka.