Geerida boqoradda: "Afrikaanka raalli gelin bey mudan yihiin"

Xigashada Sawirka, CHRIS PARKINSON/ BBC
MJ Mojalefa oo ka tirsan raadiye ay xaruntiisa ku taalla xaafadda mashquulka badan ee Hillbrow ee Johannesburg ayaa wuxuu daadihinayaa barnaamij ay ka qeyb qaadanayaan dadweynaha si ay ula wadagaan fikaradooda ku aadan dhaxalka ay ka tagtay boqororadda Ingiriiska kadib geeridii boqorada Elizabeth II. Barnaamijkan waxaa inta badan ka qeyb qaadanyay dhageystayaasha ku xiran raadiyaha oo u badan dhallinyaro. "Waxaa na gumaystay Ingiriiska iyo [Boqoradda] weligeed ma aysan baddelin dhaqankaas," ayuu yiri mid ka mid ah dhageystayaasha soo wacay raadiyaha. "Dadku arrintaas wey isaga gudbeen, waa wax laga soo tagay," ayuu yiri qof kale oo ka qeyb qaadanayay barnaamijka.
Weriyaha barnaamijkan, MJ Mojafela, waxa uu raali galin ka codsanayaa Boqorka cusub ee Charles III: "Dadka badankoodu waxa ay yiraahdeen boqoradda nama raalligelin - taasina waa waxa ay ka doonayeen iyada."
Waxaa sanadkii 1961-kii lagu dhawaaqay in dalka Koonfur Afrika uu yahay Jamhuuriyad, xeerarkii ku dhisnaa midab takoorka ayaa jiray muddo 13 sano ah, 9 sano oo kamid ah waxay aheyd xilliggii ay awoodda heysay boqorad Elizabeth II.
Dhallinyaro badan oo u dhashay Koonfur Afrika ayaa taariikhdaas ku reebtay in ay la tacaalaan sidii la isu waafajin lahaa waayihii xanuunka badnaa ee soo maray iyo xaaladda haatan.
Waa dareen mar kale laga maqlay raadiyahan gaar ahaan fannaaniinta Mzoxolo "X" Mayongo iyo Adilson De Oliveira kuwaas oo heestooda diiradda ku saaray in "in laga baxo guumeysiga".
"Marka la eego taariikhda Koonfur Afrika, kaliya ah diiradda ma saarno arrinta heybsooca," ayuu yiri De Oliveira.
Isagoo ayeeyadii kala hadlayay waayo-aragnimadii ay kasoo maartay ku noolaanshaha midab-takoorka ayaa Mayongo wuxuu yiri "Uma adkeysan kartid nabarrada. Sidee uga bogsaneysaa boogahaas?" ayuu weydiiyey ayeeyadii.

Xigashada Sawirka, CHRIS PARKINSON/ BBC
Laakiin labaduba waxay sheegayaan in xilligan ay fursad u siinayso King Charles III inuu xiriir cusub la yeesho qaaradda Afrika.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Dhammaanteen kuma jirno xaalad mugdi ah," ayuu yiri De Oliveira. "Waxaan u maleyneynaa in xiriirka mustaqbalka ee boqortooyadu ay suurtagal tahay in ay la yeelan karto Afrika uu noqon karo mid mas'uuliyad ku dheehan tahay- si miiska wadahadalka loo soo fadhiisiiyo dalalka Afrikaanka ah".
Mar wax laga weydiyay suurtagalnimada arrintaas, waxay labadooda ku jawaabeen inay doonayaan in laga wadahadlo sidii magdhaw lagu bixin lahaa, in dib loo soo celiyo agabkii taariikhiga ahaa ee la dacay iyo soo celinta kheyraadka tusaale ahaan dheemaankii ugu badnaa ee qaaradda laga helo. Si lamid ah baaqyada noocan ah waxaa laga soo tebiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kenya dhawaan waxaa xilka madaxweynaha loo dhaariyay William Ruto oo noqday madaxweynihii shanaad ee soo maray Kenya tan iyo markii ay xoriyadda ka qaateen Ingiriiska sanadkii 1963.
Kenya waxaa si weyn looga hadlay geerida ku timid boqoradda Ingiriiska, waxaa sidoo kale dalkaas ka dhashay dood soo cusboonatay oo ku aadan xiriirka dalkan uu la leeyahay dalkii horey soo usoo guumeystay.
"Waa arrin murugo ah dhimashada boqoradda" ayuu yiri Nelson Njau oo 30 jir ah xilli uu ku sugnaa afaafk hore ee garoonka Moi International Sports Center oo lagu dhaarinayay toddobaadkii hore madaxweyne Ruto.
"Waa inay raalli gelin ka bixiyaan-waxay ku sameeyeen dalalka Afrika, hantideena iyo dhaqankeena" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sammy Musyoka oo 29 jir ah oo isagan afaafka garoonkii lagu dhaariyay Ruto ayaa yiri "Si xun ayaa na loola dhaqmay".
Dhawr bilood ka dib markii boqorad Elizabeth II xilka loo caleemo saraay, jabhaddii ka dagaallamaysay Kenya ee Mau Mau ee ka soo horjeeday gumaystaha Ingiriiska ayaa si arxan darro ah loola dhaqmay, iyadoo guddiga xuquuqul insaanka Kenya ay sheegeen in 90,000 oo qof la dilay, la jirdilay ama la dhaawacay xilliggaas.
Sannadkii 2013-kii, dawladda UK waxay ogolaatay inay 5,000 oo oday oo u dhashay Kenya la siiyo $22.6m oo doolar kadib xadgudubyadii ay kala kulmeen maamulkii gumaysiga.
Caroline Murigo, oo sheegtay in ay ka weyn tahay 50 jir, ayaa inoo sheegtay in geerida boqorada ay murugo badan tahay. "Waa qof aan aqaanay nolosheyda oo dhan. Waa arrin murugu leh. Waxaan u rajaynaynaa wanaag oo dhan boqorka cusub, King Charles."
Tacsida ay direen madaxda iyo mas'uuliyiinta qaaradda waxay si wadajir ah u amaaneen boqoradda gaar ahaan diiwanka waxqabadkeeda iyo la shaqeynteeda qaaradda, Uganda oo ay ku tegtay booqashadeedii ugu dambeysay kadib shirkii ay lahaayeen dalalka ka tirsan ururka Barwaaqo Sooraanka 2007, baarlamaanka dalkaas ayaa yeeshay fadhi gaar ah oo lagu xusayo boqoradda.
Dhinaca Nigeria oo uu guumeystay Ingiriiska, Kaniisadda Nigeria Anglican Communion ee Abuja waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayo boqoradda.

Xigashada Sawirka, Tamara Ebiwei/ BBC
Weriye ka tirsan BBC-da oo munaasabaddaas ka qeybgalay ayaa sheegay in dadkaas aysan niyaddaadu wanaagsanayn balse dad badani aanay doonayn inay ka qeybgalaan tacsida boqoradda - malaha waxay ka tarjumaysaa dooddii kululayd ee ka dhalatay dhaxalka Boqortooyada Ingiriiska ee Afrika.
Douglas Mwangi oo 32 jir ah kuna nool xaafadda Mathare ee duleedka Nairobi ayaa qaba in loo dabbaaldego shaqadii ay boqoradda ka qabatay ururka Barwaaqo-sooranka oo ay horkaceysay muddo 70 sano ah, waa urur ka kooban 56 dal oo u badan dalalkii uu horey u guumeystay Ingiriiska.
Douglas wuxuu sanadkii 2018-kii booqday qasriga Buckingham si uu uga gudoomo Abaalmarinta Hogaamiyaasha da'da yar ee Boqorada, wuxuu tababar iyo maalgalin ka helaa hay'adda Boqortooyada Commonwealth Trust taasoo ka caawisa ururkiisa inuu dhalinyarada ku taageero xirfadaha teknooloojiyadda.
Wuxuu sheegay in hay'addaas ay caawisay in ka badan 14,000 oo qof oo ku nool xaafadda Mathare tan iyo 2014kii.
Dadkan dhammaantood isku dareen ma ahan, Mr Njau oo ah ganacsade ku nool dalka Kenya ayaa sheegay in uusan arkin in ururka Barwaaqo-sooraanka uu wax caawimaad ah u fidiyay.
Doodda ka dhalatay geerida boqoradda waxay caddeyn u tahay inay jiraan boogo badan oo aan weli boogsan iyo dhaawacyadii dadka kasoo gaaray guumeystaha, dadka qaarna waxay qabaan in la joogo xilliggii uu Ingiriiska iyo boqorka cusub ay bilaabaan wadahadallo daacad ah si ay ula yeeshaan dadka Afrikaanka ah kuwaasoo ku saabsan daweynta nabarradaas.














