Maxaa laga yiri dagaalka Al- Shabaab iyo dowladda ku dhexmaray Hiiraan?

Xigashada Sawirka, Reuters
Dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xooggaga Al-Shabaab ayaa tan iyo shalay ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ciidamada ka fuliyeen deegaanka Aboorey ay ku dileen 30 kamid ah dagaalyahannada Al-Shabaab.
Wararka aanu ka helayno aaggaas ayaa sheegaya in saaka uu dagaal kale dhex maray labada dhinac.
Dhanka kale, gaari ay saarnaayeen afar qof oo saddex kamid ah ay ahaayeen odayaal dhaqameed caan ka ah gobolka Hiiraan ayaa waxaa la kacday miino, waxaana halkaa ku naf waayay saddex kamid ah dadkaas.
Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo metala odayaasha qaraxa ku dhintay ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay inay si bareer ah u beegsadeen dadkaas rayidka ah.
"Waxaa xaley deegaanka Yucubka iyo nawaaxiga gobolka Hiiraan ka dhacay, gawaari ay saarnaayeen odeyaal nabaddoono ah waxaa qarax lala beegsaday baabuurtooda, waxaan leenahay cidda ka dambeysay waa Al-Shabaab, odeyaasha ku geeriyootay qaraxa waxaa kamid ah nabadoon Yuusuf Iidow Faarax, nabadoon Mukhtaar Axmed Xaaji Dhaqane, Ibraahim Yuusuf Iidow" Wuxuu intaa ku daray in qaraxan uu ka dhashay cadaadiska ka dhanka ah Al-Shabaab xilli gobolka uu ka socdo guluf lagu beegsanyo kooxda.
Khaliif Cabdi Cumar ayaa sidoo kale sheegay in dadkii ku dhaawacmay qaraxa ay qaadeen kooxda Al-Shabaab isla markaana aysan garaneyn halka ay geeyeen.
"Deegaan kasta dad bey ku laayaan meel ay angu daayaan ma lahan markaa waxay noqoneysaa in lasi xoojiyo cadaadiska lagu hayo Al-Shabaab oo culeysna la sii saaro qoladan oo la iska kaxeeyo".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Gobolka Hiiraan iyo maamulka Galmudug waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday dagaal u dheexeyo dadka deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al Shabaab.
Weerarka Al-Shabaab
Al-Shabaab waxay sheegtay in 10 askari oo ka trsan kuwa Danab ay ku dileen dagaal ka dhacay duleedka magaalada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.
Warbaahinta Al Shabaab ayaa sidoo kale ku warrantay in dagaalkaas ay ku dhawaacameen 15 askari oo ka tirsan ciidamada Danab ee uu tababaray Mareykanka.
Wasiirka amniga ee Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa BBC-da u sheegay in Al-Shabaab ay gaarsiiyeen jab xooggan. "Warkaas xaqiiq ma ahan war marinhabaabin ah caddeymo ha la yimaadaan, ma jirto wax dhibaato ah ay ciidamada Danab kala kulmeen Al Shabaab waxay ku daboolayaan jabka la gaarsiiyay" ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre.
"Weerarada intooda badan anaga ayaa qaadnay si aan u burburino farsiisimahooda maadama maalimii u dambeeyay ay sare u qaadeen weerarada ay ku qaadayaan shacabka."

Xigashada Sawirka, AFP
Maxay tiri dowladda federaalka?
Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Hiiraan, jiho kaga beegan dhanka waqooyi galbeed waxay ku dileen 35 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa ku warameysa in ciidamada xoogga dalka ay habeenkii Jimcaha kula dagaalameen deegaan ku dhow dhanka Aboorey Al Shabaab, oo qiyaastii 25-KM dhanka bari kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Inta uu socday weerarka, ayaa waxaa ku dhaawacmay shan askari. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale ee taageerada u fidinaya ee caalamiga ah, ayaa bilihii lasoo dhaafay sare u qaaday howlgallada lagu sugayo ammaanka ee ka dhanka ah kooxaga Jihaad Doonka ah, ee ka dagaalama gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya, ayaa ku dadaaleysa sidii ay ula wareegi laheyd magaalooyinka, ay gacanta ku hayaan kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida.
Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ka dalabatey maleeshiyada Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan ciidamada ammaanka, ka hor inta aan la qaadin weerar culus oo ka dhan ah kooxda.
Al-Shabaab ayaa sanado badan dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay, waxaana ay weeraro isdaba joog ah ka fuliyeen gobolka Soomaaliya.














