Tababaraha Chelsea oo raaligalin bixiyay

Xigashada Sawirka, .
Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa raaligaliyay garsoore Neil Swarbrick ka dib markii ciyaar looga saaray in uu ku madaaharaaday garsooreyaasha.
Arrintaas ayaa dhacday intii ay socotay ciyaartii ka dhacday Stamford Bridge ee ay halka gool kaga badiyeen kooxda Swansea City oo ay ka jajaban tahay.
Tababarahan Talyaaniga ah ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta oo dhan ka daawaday telefishin ku yaalla qaybta dharka la iskaga badalo, ka dib markii uu Swarbrick kula murmay in uusan koorne siinin kooxda kale markaas oo ciyaartu ay eber iyo eber ahayd.
"Raaligalin ayaan ka bixinayaa arrintan" ayuu yiri Conte oo wax laga waydiiyay ciyaarta laga saaray.
"Waan wareeray. Run ahaantiina khalad ayaan sameeyay. Inta ay ciyaartu socoto ma nasto. Sida ciyaartoydayda oo kale ayaana nasanin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Chelsea ayaa ku gacan saraysay laakiin 55 daqiiqo ayay ku qaadatay in ay gool dhaliso.
Antonio Rudiger oo reer Jermal ah difaacana ka dheela ayaa gooshiisii koobaad Horyaalka Ingiriiska uga dhaliyay kooxda ka dib markii dhankiisa loo dalfiyay kubad uu soo laaday N'Golo Kante.






