Hadal haynta maanta ee wararka ciyaaraha

Paris St-Germain ayaa ahmiyadda saaraya sidii ay u soo sixiixan lahaayeen Philippe Coutinho oo 25 jir ah xagaaga soo socda. (TF1 - qaybtiisa Af Faransiiska).
Manchester City ayaa rumaysan in ay soo sixiixan karaan Isco oo khadka dhexe uga dheeka kooxda Real Madrid, inkastoo uu qandaraas wakhti dheer ah u sixiixay kooxdiisa ku dheesha garoonka Bernabeu (Don Balon oo soo xiganaysa Daily Express)
Arsenal ayaa qandaraas cusub oo shan sano ah u soo bandhigi doonta Eddie Nketiah oo 18 jir ah, kaas oo sidoo kalana lacagta loogu kordhin doono, isaga oo 15,000 oo gini la siin doono halka uu hadda ka qaato 2,000 gini. (Sun)
Tababaraha Burnley, Sean Dyche ayaa lala xiriiriyay shaqada Everton, Stephen Ward oo difaaca ka dheelana wuxuu sheegay in ay dhabar jab ku noqon doonto isaga (Times).
Haddii Dyche uu tago, Burnley waxay isku dayi doontaa in ay keensato David Moyes oo horay u soo layliyay kooxda Toffees lagu naanayso ee Everton iyo Manchester United (Sun)
Alan Pardew oo horay u soo tababaray Newcastle iyo Crystal Palace ayaa u tartamaya shaqada tababaridda kooxda lagu naanayso Rangers. (Scottish Daily Mail)
Simon Grayson oo tababara Sunderland ayaa shaqada laga eryi doonaa haddii kooxdiisu ay ka badin waydo Bolton Talaadada (Daily Star)






