You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Liverpool oo garaacday Hoffenheim
Kooxda Liverpool ayaa heshay fursad ay uga qayb gasho lugta labaad ee cayaaraha is reebreebka Champions League-gga, kaddib markii ay lugta hore ee cayaarahaasi ka badiyeen kooxda Hoffenheim.
Cayaar yahannada kooxda ee kala Alexander-Arnold iyo Jamed Milner ayaa u kala dhaliyay labada goo lee ay Liverpool uga badiyeen kooxda Hoffenheim. Hoffenheim ayaa dhammaadkii cayaarta dhalisay hal gool, taas oo cayaarta ku soo afjartay 2-1 oo ay guusha ku raacday Liverpool.
Liverpool ayaa markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2014-kii ku laaban doonta masraxyada kooxda Champions League-gga, garoonka Anfield Arbacada soo socota.