Ciyaartoy caan ah oo booqday wiil 5 jir ah oo qaba cudur aan la dawayn karin

Ciyaartoyda Sunderland ee booqday waxaa ka mid ahaa Vito Mannone, Jermain Defoe (oo sawirka ka muuqda), John O'Shea iyo Sebastian Larsson

Xigashada Sawirka, @BradleysFight

Qoraalka sawirka, Ciyaartoyda Sunderland ee booqday waxaa ka mid ahaa Vito Mannone, Jermain Defoe (oo sawirka ka muuqda), John O'Shea iyo Sebastian Larsson

Ciyaartoyda kooxda Sunderland ayaa isbitaal ku booqday Bradley Lowery oo ah wiil yar oo taageere u ah oo qaba cudur aan dawo loo haynin.

Wiilka yar oo shan jir ah ayaa la gudoon siiyay abaalmarinta gool qureexa ee billaha ah, dhawaanna kooxda Everton ayaa maamuustay.

Bradley oo xanuun aan la dawayn karin qaba tan iyo 2013kii ayay hooyadii sheegtay in uu bilo kali ah sii noolaan doono.

Sanadkii hore ayaa loo aruuriyay 700,000 gini, waxayna hadda dawayn uga socotaa isbitaalka.

Everton ayaa ugu deeqday 200,000 oo gini bishii sagaalaad.

Bradley Lowery iyo Jermain Defoe

Xigashada Sawirka, Bradley Lowery

Qoraalka sawirka, Bradley Lowery iyo Jermain Defoe