Frank Lampard: Ciyaaryahankii hore ee Chelsea iyo England oo ciyaaraha ka fariistay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaaryahankii hore ee kooxda Chelsea iyo England Frank Lampard ayaa ciyaaraha ka fariistay, ka dib 21 sano oo uu xirfaddaas ku soo jiray.
Ninkan 38 jirka ah oo sanadkii hore kooxda New York uga qeybgalay koobka MLS ee dalka Maraykanka ayaa shaqo ka fariisigiisa ku shaaciyay baraha bulshada Khamiistan.
Lampard ayaa Chelsea u saftay 649 ciyaarood wuxuuna England u dheelay 106 ciyaarood.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Lampard ayaa Chelsea kaga soo biiray kooxda West Ham sanadkii 2011kii.
Waa ninka goolsha ugu badan u dhaliyay kooxda Chelsea isaga oo shabaqa ku habsaday 211 wuxuuna ka caawiyay in ay ku guulaysato Horyaalka Yurub, Saddex koob oo Horyaalka Ingiriiska ah, afar koob oo FA ah, koobka Europa League iyo Community Shield.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ka dheela ayaa door muhiim ah ku lahaa markii kooxda Jose Mourinho ee Chelsea ay horyaalkii u horeeyay ku guulaysteen mudo nus qarni ah, isaga oo dhaliyay 13 gool oo labo ka mid ah ay ahaayeen kuwii uu ka dhaliyay Bolton bishii afraad ee 2015kii, guushaas oo xaqiijisay in ay hantaan horyaalka Ingiriiska.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Rex Features







