Messi oo la kulmay wiil taageere u ah oo reer Afghanistan ah

Xigashada Sawirka, Supreme Committee
Wiil yar oo reer Afghanistan ah oo horey loogu baahiyay baraha bulshada asigoo xiran funaanadda Barcelona oo uu ku qornaa lambarka iyo macaga Messi, ayaa hadda la kulmay halyaygii uu raadinayay.
Sawirro laga qaaday Murtaza Axmed oo xirnaa funaanadda Messi ee Barcelona ayaa bishii January adduunka oo dhan ku faaafay.
Markaasi ka dib waxaa wiilka loo geeyay funaaanadda Bercelona oo uu saxiixay Messi oo ah weerar yahanka kooxda.
Lakiin hadda waxay labadooda ku kulmeen magaalada Doxa, sida uu sheegay guddiga ciyaarayaha koobka adduunka ee Qadar.
Kooxda Barcelona ayaaa ku sugan magaalada Dooxa halkaas oo ay kula ciyaarayaan Al Ahli, Axmed ayaana soo raaci doona Messi marka ciyaarta ay bilaabaneyso.
"Muuqaalka caalamka uu doonayay inuu arko", ayaa lagu qoray barta Twitter-ka ee guddiga.
"Lix sano jirkan wuxuu ku riyooday inuu Messi arko, ugu dambeyn run bay u noqotay riyadiisa".
Axmed, oo ka soo jeeda degmada Jaghori ee Bariga gobolka Ghazni ee dalka Afghanistan, ayaa wuxuu u qaxay dalka Pakistan ka dib dagaallo halkaasi ka dhacay.

Xigashada Sawirka, Twitter/joynaw5
Murtaza ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyay inuu yahay wiilka sawirka ka muuqda, waxaa sidaas cadeeyay adeerkiisa Azim Axmadi oo Asutralia deggan.
Sidoo kale BBC ayaa sawirka ka xaqiijisay walaalkii Carif, oo isna taageera Messi iyo Barcelona.










