Xog dheeraad ah oo laga xaday ciyaartoy oo la shaaciyay

Sir Bradley wuxuu ka mid yahay dad la shaaciyay macluumaadkooda caafimaad ee la xaday

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Sir Bradley wuxuu ka mid yahay dad la shaaciyay macluumaadkooda caafimaad ee la xaday

Hay'adda caalamiga ah ee la dagaallanka dawada kordhisa awoodda jirka ee WADA ayaa sheegtay in burcad dhanka internetka ah oo Ruush ah ay shaaciyeen macluumaad caafimaad oo qarsoodi ah oo ay leeyihiin shan iyo labaatan ciyaartoy oo u kala dhashay sideed dal.

Macluumaadkaas sirta ah ee la dusiyay waxay la xiriirtaa ciyaaryahanno caafimaad ahaan loogu ogolaaday dawooyin kuwa kale laga mamnuucay.

Ciyaaryahannadaas waxaa ka mid ah kuwo u dhashay dalka Maraykanka, Jermanka iyo Britain.

Ma jirto wax tilmaamaya in ay khalad sameeyeen ciyaaryahanadaas oo ay ka mid yihiin Bradley Wiggins iyo Chris Froome oo reer Britain ah baaskiilna ku tartama.

Hay'adda caalamiga ah ee la dagaallanka dawada kordhisa awoodda jirka ee WADA waxay sheegtay in weerarka dhanka internet-ka ah ee lagu hayo lagaga aargoosanayo macluumaadkii ay horay u baahiyeen iyagu ee ku aadanaa dawooyin awoodda jirka kordhiya oo ay isticmaaleen ciyaaryahannada Ruushka oo ay dawladdu gacan ka gaysatay.

Qolo isku magacawday "Fancy Bears" ayaa sii daysay macluumaadkan iyaga oo Talaadadiina sii daayay macluumaad kale oo ay u dhaceen.