Ciyaartoyda naafada Aljeeriya ee goalballka oo la baarayo sababta ay u dheeli waayeen

Xigashada Sawirka, AP
Guddiga Caalamiga ah ee ciyaaraha naafada ee Paralympicada ayaa baaraya sababta ay kooxda haweenka ee Aljeeriya ee indhoolayaasha ee kubadda shanqarta ee goalball-ka loo yaqaan ay ugu guuldareysteen inay magaalada Rio ku yimaadaan waqtiga looga talagalay oo ay ciyaaro la yeelan lahaayeen Mareykanka iyo Israa'iil.
7 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi ayaanan ilaa hadda halkaasi gaarin, iyagoo ku andacooday inay jiraan caqabado dhanka gaadiidka ah.
Hasayeeshee waxaa jira shaki ah in kooxda Aljeeriya ay doonayso inay qaadacdo ciyaarta ay kaga hortagi laheyd Israa'iil, sababo la xiriira xiisadaha mudada dheer jiray ee u dhaxeeyay labada dal.
Ciyaarta Goalball ayaa ah mid ay kubad shanqaraysa ku dheelaan dadka indhoolayaasha ahi.
Aljeeriya ayey aheyd inay Jimcihii la dheesho Mareykanka, halka Israa'iilna ay ballansanaayeen maalintii Sabtida.






