You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Baal Shimbir oo kumannaan doolar lagu kala siistay, maxay tahay sababta?
Hal baal oo ka mid ah shimbirkii huia ee New Zealand ayaa dhigay rikoor caalami ah ka dib markii lagu iibiyay NZD$46,521.50 ($28,417, £22,409).
Shinbirkan Huia ayaa ah mid ka dabar go'aya caalamka oo dhan oo aan hadda lagu arkayn.
Baalka oo markii hore la filayey in lagu iibiyo ilaa $3,000, ayaa jabiyay rikoorkii hore ee ahaa baal la nooc ahaa 450%, ayuu yiri Guriga Xaraashka ee Webb.
Shimbirta huia waxaa barakeysta qowmiyadda Māori. Baalasha Shimbirkan ayaa inta badan logu xiran jiray madaxa waxana xiran jiray kaaba qabiilada iyo qoysaskooda, waxaana la isu siin jiray Hadyad ahaan.
Markii ugu dambeysay ee la arkay Shimbiraha noocan ah waxay ahayd 1907, laakiin muuqaal aan la xaqiijin ayaa la soo sheegay labaatan ilaa soddon sano ka dib, sida laga soo xigtay Matxafka New Zealand.
Huia waxay ahayd shimbir yar oo heesta islamarkana erayo ku luuqeysa kana tirsan qoyska wattlebird ee New Zealand, waxayna caan ku ahayd awoodeeda boodboodka iyo in qeyb ka mid ah baalasheeda ay lahaayeen midib cad.
Baalasha la iibiyay Isniintii waxay ahaayeen kuwa ku sugan "xaalad cajiib ah", ayay tiri Leah Morris, oo ah Madaxa Farshaxanka Qurxinta ee Guriga Xaraashka ee Webb.
"Weli waxay leedahay dhalaalkeeda gaarka ah, mana jirin waxyeello ay cayayaanka gaarsiiyeen," ayay u sheegtay BBC-da.
Waxay intaas ku dartay in guriga xaraashku uu baalashan ku riday meel lagu xifdiyo oo ka ilaaliyo waxyeelada .
Xiiso badan iyo daneyn ay dadka reer New Zealand u muujiyeen ayaa sare u qaaday qiimaha baalkani shimbirka huia, sida ay sheegtay Ms Morris.
"Waxaan helnay tiro badan oo dad ah oo daneynayay ," ayay tiri. ", New Zealand,aad baannu u danaynaynaa daryeelka dhulka, deegaanka iyo waliba dhirteena iyo xayawaankeena."
"Waxaan filayaa in laga yaabo sababta inay tahay shimbirkan oo dabar go'ay, waxaan eegi doonnaa shimbiraha kale ee New Zealand waana in aan dhahnaa, ma doonayno in taasi mar kale dhacdo," ayay intaa raacisay.
Waagii hore, baalasha huia waxay calaamad u ahaayeen dadka qowmiyadda Maori. Wuxuu Shimbirkan horey-ba u ahaa mid dhif iyo naadir ah.
Markii Yurub la yimid ayaa waxaa uu shimbirkan huia noqday mid la bartilmaameedsado oo laga ganacsado ka dib markuu caan ka noqday dalka New Zealand, taasoo keentay in la dabar gooyo, sida laga soo xigtay Matxafka New Zealand.
Waxyaabaha kale ee lacagta qaaliga ah lagu iibiyay
Sanadkii 2021-kii Joog kabo ah oo uu xidhnaa, islamarkaasna uu naqshadeeyay heesaaga Maraykanka Kanye West ayaa lagu iibiyay lacag dhan $1.8 milyan oo doolar kadib markii la keenay goob xaraash ah.
Kabahan oo magacoodu yahay Nike Air Yeezy, oo waliba ah nooc tijaabo ahaan loo sameeyay ayaa ka qiimo batay kabo kale oo horey loogu iibiyay $515,000 sanadkii hore.
"Iibka kabahan ayaa ka dhigan in ay noqonayaan kabahii ugu horeeyay oo qiimahooda uu kor u dhaafo hal milyan oo doolar" ayaa laga soo xigtay Rugta Xaraashka ee Sotheby's.
Heesaaga ayaa kabahan u xidhay bandhiggii abaalmarinada ee Grammys sanadkii 2008-dii, cabbirkoodana waa 12 marka laga hadlayo halbeegga Maraykanka ee cabbirka kabaha (oo dabkan ka duwan adduunka intiisa kale).
Maalqabeen 50,000 doolar ku iibsaday mir aanan micno badan ku fadhin
Nooc ka mid ah qudaarta ayaa waxa lagu iibsaday lacag gaaraysa 50,000 doolar dalka Thailand, taas oo ah qaab xaraash ah oo loogu talagalay in loo bixiyo si sadaqo ah.
Waxyaabaha dadka soo jiitay waxay aheyd suurtagalnimada ah in qiimo intaas la eg la siisto mirtan maadama markii hore aysan aheyn mid qaali ah.
Qudaartan ayaa loo yaqanaa boqorka qudaarta, waana mid badan oo si weyn laisugu soo baxay.
Meeqa ayaa lagu iibsanayaa? waxaa ka jawaabay nin taajir ah oo jacel cuntada una dhashay Thailand maalintii Sabtida ahayd.
Mirahan oo qodaxa leh ayaa aad looga hadal haya qaaradda Aasiya, balse labo uun waa mid inaad jeclaato ama aad nacdo.
Waxaa laga mamnuucay in lagu qaado gaadiidka dadweynaha ama diyaarad ama la geeyo huteelada.