Libaax gaari qaali ah lagu wato oo Paris lagu arkay

Booliis gaaf wareegaya Champs-Élysées oo ku taalla magaalada Paris ayaa helay war sheegaya in libaax uu ku dhex jiro gaari qaali ah.

Gaaraas oo sugaya nalka cagaaran ayay markaas askartu ku arkeen darawalka oo sawirro la galaya libaaxa.

Ninkaas oo 33 jir ah ayaa ku adkaystay "in xayawaanka uu wato ay bisad tahay" balse markii dambe waa la xiray.

Libaaxa dhasha ah oo dhadig ah ayaa jirta labo bilood iyo bar waxaana la geeyay goob xayawaanka lagu xannaaneeyo oo ay leedahay hay'ad lagu magacaabo "30 Millions d'Amis".