Ciidamada kaydka ee Ruushka oo ku dagaallamaya badeel/majarafad

MPL-50 ayaa loo yaqaan qalabkan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidamada kaydka ee Ruushka ayaa la sheegayaa in ay u badan tahay inay "majarafado" u adeegsadaan dagaalka Ukraine "oo gacan la iskula tago" sababtuna waa rasaas yri jirta awgeed, Wasaaradda Difaaca UK ayaa sidaas sheegtay.

Dabayaaqada bishii Febraayo, ciidamada kaydka ayaa tilmaamay in lagu amray inay weeraraan deegaanno ka tirsan dalka Ukraine iyagoo "ku hubaysan oo keliya “majarafadaha/ badeel'", sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee wasaaraddu sii daysay.

Waxay sheegtay in majarafadahan loo yaqaan MPL-50. Qalabkan waxaa la naqshadeeyay sanadkii 1869-ka xoogaa isbaddel ah ayaana ku yimid, sida wasaaraddu sheegtay.

Sii wadidda isticmaalka majarafada ama badeellada oo "hub ahaan loo adeegsanayo waxay muujineysaa baaxadda dagaalka iyo inuu sii xoogaysanayo.

Mid ka mid ah ciidamada kaydka ayaa tilmaamay in aanu "jir ahaan iyo maskax ahaanba midna" u diyaarsanayn,”.

"Caddeymo ku saabsan dagaalka ayaa muujinaya in dagaalku uu sii xoogeysanayo gaar ahaan aagagga u dhow dalka Ukraine," sida lagu sheegay warbixinta.

"Tani waxay u badan tahay inay tahay natiijada taliska Ruushka oo sii wada inuu ku adkaysto tallaabooyinka weerarrada ah oo inta badan ka kooban ciidamada lugta, oo taageero ka helay madaafiicda sababtoo ah Ruushka waxaa la sheegaya in hubku gabaabsi ka yahay hubku, ".

BBC-da uma suurta galin in ay si madax banaan u xaqiijiso wararkan. Wasaaraddu ma aysan sheegin halka ay ka dhaceen dagaalladan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale ciidamada Ruushku waxay u muuqdaan inay heleen faa'iidooyin ku filan oo ah dhanka sirdooonka magaalada go'doonsan ee Bakhmut, Machadka Daraasaadka Dagaalka ee (ISW) ayaa sidaasi sheegay.

Bakhmut waxay wajaday bilo dagaal ah, iyada oo Ruushku uu isku dayayo in uu la wareego magaalada yar, halkaas oo ay ku sugan yihiin ku dhawaad 4,000 oo ah dad rayid ah.

Qabsashada magaalada waxay u noqon doontaa guul naadir ah oo uu gaaray bilihii dhawaa Ruushku, laakiin qiimaha istaraatiijiyadeed ee magaalada ayaa la iswaydiinayaa.

"Ruushka waxaa laga yaabaa inay damceen inay hareereeyaan ciidamada Ukraine ee Bakhmut, laakiin taliska Ukraine ayaa muujiyay inay u badan tahay inay ka bixi doonaan halkii ay halis gelin lahaayeen magaalada," warbixinta machadka ISW ayaa sidaasi lagu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, militariga Ukraine ayaa Axaddii sheegay inaysan wax niyad ah u hayn inay ka baxaan Bakhmut.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska guud ee ciidamada qalabka sida ayaa lagu qiray in ciidamada Ruushka ay wali isku dayayaan inay hareereeyaan magaalada, balse waxay sheegeen in 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ka badan 100 weerar ay ka dhaceen bariga Donbas.

Kumannaan ka tirsan ciidamada Ruushka ayaa dhintay iyagoo isku dayaya inay qabsadaan Bakhmut, oo ay ku noolaayeen dad ku dhow 75,000 ka hor dagaalka.

Awoodda milateri ee Ruushka

Ruushku wuxuu ka mid yahay dalalka ugu wanaagsan xagga tababarka ciidamada

Xigashada Sawirka, Reuters

Dhanka hubka wax gumaada ee nukliyeerka, Ruushka ayaa kaalinta koobaad uga jira caalamka, waxaana uu haystaa hub ka badan kan Maraykanka.

Marka la eego dhinaca ciidamada cirka, Ruushka ayaa kaalinta labaad uga jira caalamka, waxaana ka sarreeya Maraykanka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, Ruushka ayaa kordhiyay awooddiisa ciidamada cirka, waxaana uu ku biiriyay in ka badan kun diyaaradaha dagaalka ah, oo ay kamid yihiin nooca casriga ah ee SU-35, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas.

Awoodda badda marka la eego, Ruushka ayaa leh ciidamada iyo maraakiibta dagaalka ee caalamka ugu awoodda badan marka laga reebo Maraykanka. Waxaa cududaas kamid ah maraakiibta quusta ee ku hubaysan gantaallada ballistic-ga loo yaqaan.

Ciidanka dhulka ee Ruushka ayaa la sheegay inay ka badan yihiin saddex milyan oo askari, kuwaas oo ku hubaysan dabaabado casri ah, gaar ahaan nooxa T-72B3.

Vladimir Putin ayaa lagu ammaanay inuu xoogga saaray dhismaha ciidan si weyn u tababaran, si wanaagsan loo daryeelo, isla markaana hab dhaqan wanaagsan.

Wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa dhawaan sheegay in ciidamada dalkiisa, gaar ahaan kuwa cirka iyo badda ay khibrad badan ka heleen dagaalka Suuriya.

Dhammaan ragga da'doodu u dhexayso 18 ilaa 27 jir ee Ruushka u dhashay ayaa waxaa waajib ku ah inay muddo kooban kamid noqdaan ciidamada dalkaas.

Hase yeeshee, dedaalka Putin ayaa waxaa yareeyay dhaqaalo xumida haysata dalkiisa, waxaana dhaqaalaha ku baxa ciidamadiisa uu yahay kan afaraad ee ugu badan caalamka. Dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo Hindiya ayaa ku jira kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad.