Halkee ayay Xisbullah ka heshaa lacagteeda?

Sawirro isku dhafan oo muujinaya fuustooyin guduudan, sawirka qori agtiisa ku ag yaal oo cagaar ah, xayndaab silig go'an, doollarka Maraykanka iyo qadaadiicda dahabka ah oo ay ku xardhan yihiin 'B'
    • Author, By Shereen Sherif and Abdirahim Saeed
    • Role, BBC News Arabic

Maalgelinta kooxda xagjirka ah ee Xisbullah ee Lubnaan ayaa dib u eegis lagu sameeyay kadib duqeymo xagga cirka ah oo ay Israa'iil fulisay dhammaadkii sannadkii hore, taas oo ku saabsan urur-maaliyadeed xiriir la leh kooxda.

Xisbullah waa ciidamada ugu awoodda badan Lubnaan, sidoo kale waa xisbi siyaasadeed oo Shiico Muslim ah. Waxay si weyn uga dhexmuuqataa baarlamaanka iyo xukuumadda Lubnaan labadaba.

Israa'iil iyo waddamo badan oo Reer Galbeed ah ayaa ururka Xisbullah u aqoonsaday urur argagixiso.

Kooxdan ayaa si weyn u soo caan-baxday sanadihii siddeetamaadkii iyagoo mucaarad ku ahaa Israa'iil oo ciidamadeedu qabsadeen koonfurta Lubnaan dagaalladii sokeeye ee dalkaasi ka socday 1975-1990kii.

Qiiq iyo holac ayaa kacay kadib weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay laanta kooxda maaliyadda ee Al-Qard Al-Hassan ee koonfurta Lubnaan ee Sidon 26 Noofambar 2024

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Qiiq iyo holac ayaa kacay kadib weerar cirka ah oo ay Israa'iil ku bartilmaameedsatay laanta kooxda maaliyadda ee Al-Qard Al-Hassan ee koonfurta Lubnaan ee Sidon 26 Noofambar 2024

Bishii Oktoobar, Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) waxay garaaceen dhowr xarumood oo ay leeyihiin kooxda Al-Qard Al-Hassan (AQAH), iyagoo ku eedeeyay ururku inuu ahaa mid gabaad u ah kooxda Xisbullah ee ay taageerto Iiraan si ay u maalgeliyaan dhaqdhaqaaqyadooda.

AQAH, waa diideen arrintaas iyagoo sheegay in caawinta maaliyaeed ee ururkoodu tahay mid rayid ah oo ay amaahyo yar yar ay siiyaan dadka u baahan.

Dukumentiyo AQAH

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dukumeentiyadu waxay yaallaan bannaanka laanta AQAH ee magaalada Aaqbiyeh ee Lubnaan 21kii Oktoobar 2024, maalin ka dib markii duqayn ay Israa'iil la beegsatay laamo badan oo AQAH ah.

In ka badan labo bilood oo iska hor imaad u dhaxeeyay Xisbullah iyo Israa'iil oo ka dhacay Lubnaan sanadkii 2024-kii ayaa sababay burbur baahsan oo gaaray meelaha ay kooxda Iiraan taageerto joogitaanka xooggan ku leeyihiin.

Dirirta ayaa lagu soo afjaray heshiis xabad-joonin ah taas oo dhaqan gashay bishii Nofember, waxaana xigay burburkii nidaamka Asad ee dalka deriska la ah ee Suuriya.

Dhacdooyinkan ayaa saameyn weyn ku yeellan kara maalgelinta Xisbullah iyo awoodda ay u leedahay inay helaan agabka milateri.

BBC News Carabi waxay qiimeysaa waxa laga og yahay ilaha dhaqaalaha ee Xisbullah iyo sidoo kale shabakadeeda maaliyadeed ee gudaha Lubnaan iyo caalamkaba.

Xiriirrada Iiraan

Illaalada kacaanka Iiraan

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Maraykanku waxa uu ku qiyaasaa in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ay Xisbullah siiyaan boqollaal milyan oo dollar sannad kasta.

Sanadkii 2022-kii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ku qiyaastay in Iiraan ay Xisbullah siiso lacag dhan 700 oo milyan oo dollar sanadkii.

Hogaamiyihii geeriyooday ee Xisbullah Hassan Nasrallah oo lagu dilay duqeyn ay Israa'iil fulisay bishii Sebtembar 2024-kii ayaa khudbad uu jeediyay 2016-kii ku faanay in dhaqaalaha kooxda inta badan laga helo Iran. Ma uusan shaacinin wax xisaabaad maaliyadeed ah.

"Miisaaniyaddeenna, mushaharkeenna, kharashkeenna, cunnada, biyaha, hubka, iyo gantaalladayadu waxay ka yimaaddeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan," ayuu yiri.

Iiraan waxay maalgelisaa Xisbullah iyada oo adeegsanaysa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee awoodda leh (IRGC), kuwaas oo gacan ka geystay aasaaska kooxda Lubnaan 1980-meeyadii.

IRGC, sidoo kale waa bixiyaha ugu weyn ee hubka Xisbullah, oo ay ku jiraan gantaalaha casriga ah iyo diyaaradaha drone-ka.

Qiiq cad oo hawada ka muuqda

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Nidaamka difaaca gantaalaha ee Iron Dome ee Israa'iil ayaa ka hortagaya gantaallo laga soo tuuray Lubnaan oo ku socday Israa'iil, iyadoo ay jirto colaad xuduudeed oo u dhaxaysa Xisbullah iyo Israa'iil 20kii Oktoobar 2024

Inkasta oo Iiran ay maalgeliso miisaanniyadda ugu badan ee Xisbullaha waqtigii hore, kooxda ayaa si kordhaysay ku tiirsanaanta ilo kale, sida ay sheegtay Hanin Ghaddar, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga Dhexe.

"Sababo la xiriira cunaqabataynta saaran Iiraan, waxay gaartay xaalad halkaas oo Iiraaniyiintu aysan awoodin inay lacagta isla tiradaas u diraan Hezbollah," ayay tiri Ghaddar.

Kooxdu waxay ku kabtaa dakhliga ay ka hesho Iiraan dhaqdhaaqaayo maaliyadeed oo kale oo ay ku hesho qaab sharci darro ah oo ay ku jito lacag dhaqida sida laga soo xigtay Matthew Levitt, qoraaga buuga Xisbullah ee "The Global Footprint of Lebanon's Party of God.

Al-Qard Al-Hassan

Laama AQAH

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Goobta duqeynta hawada Israa'iil ee bartilmaameedsatay laanta AQAH ee ku taalla aagga Al-Shiyah ee caasimadda Lubnaan, Beirut, 21ka Oktoobar 2024.

AQAH, waa mid ka mid ah nooca ururrada lagu eedeeyay inay lacag dhaqid u sameeyaan iyagoo ka wakiila Xisbullah.

Ururka ayaa noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakad adeegyo bulsho oo Xisbullah. Ka hor duqeymihii dhanka cirka ee Israa'iil ee ku garaacday xafiisyadooda 20-kii Oktoobar, wuxuu lahaa in ka badan 30 laamood, kuwaas oo badanaa ku yaallay dabaqa hoose ee dhismayaasha la deggan yahay.

Waxay u ogolaadeen dadka inay qaataan amaahyo yar yar oo ay ku qaadanayaan lacagta dollarka Maraykanka iyagoo dhigaya rahmaad dabab ama damiino keenaya iyo in loo furo akoonada kaydinta.

Lubnaan

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyihii Hezbollah Hassan Nasrallah, oo sawirkiisa dhanka bidix lagu hayo, ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa'iil fulisay 27-kii Sebtember 2024
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nasrallah, ayaa ku sheegay khudbad uu jeediyey sanadkii 2021 in AQAH ay bixisay $3.7 bilyan (£2.8 bilyan) oo deyn ah oo ay siisay 1.8 milyan oo qof oo ku nool Lubnaan tan iyo markii la aasaasay bilowgii 1980-meeyadii, iyo in ku dhawaad 300,000 oo qof ay amaah ku lahaayeen xilligaas.

"Bangigu ma aha mid loogu talagalay inuu faa'iido soo saaro. Waxa uu bixiya taageero maaliyadeed ugu horreyn taageeradiisa asaaska, sida uu sheegay Joseph Daher, aqoonyahan iyo qoraaga buugga Hezbollah: The Political Economy of Lebanon's Party of God.

"Inkasta oo ay u badan tahay inuu ku lug leeyahay lacag dhaqida dhaq dhaqaaqyada dhaqaale ee aan rasmiga ahayn ee Xisbullah," ayuu Daher intaasii raaciyay.

Waxyar ka dib duqayntii AQAH, Israa'iil ayaa ku eedeysay Xisbullah inay isticmaashay hay'addan maaliyadeed si ay u "maalgeliso dhaqdhaaqyadeeda argagixisanimo."

Maraykanku ayaa sidoo kale cunaqabatayn ku soo rogay ururkan sannadkii 2007-dii, markaas oo saraakiisha Maraykanku sheegeen in ururka Xisbullah ay u adeegsato gabaad ay ku maarayso hawlaheeda maaliyadeed iyo inay galaangal u yeelato nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Jawaabtii AQAH

Beyruut

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Laantan AQAH ee ku taal duleedka koonfureed ee Beirut ayaa lagu waxyeeloobay duqayn cirka Israa'iil 21kii Oktoobar 2024

AQAH, ayaa ugu jawaabtay BBC-da, eedaymaha la xiriira xiriirkeeda Xisbullah,iyadoo sheegay inaysan ahayn gacanta maaliyadeed ee kooxda hubeysan isla markaana beenisay eedeymaha ku saabsan dhaqidda lacagaha.

Ururka ayaa sheegay in ay qeyb ka tahay qaab-dhismeedka hay'adeed ee ballaaran ee Xisbullah, taas oo diiradda saareysa hawlaha samafalka iyo adeegyada, halkii ay ka ahaan lahayd xawaalad ama maalgalin.

AQAH, ayaa sheegtay inay jirin eedeymaha ah inay xiriir toosa la leedahay ururo ama dowlado shisheeyo oo ay ku jirto Iiraan.

"Waxaan qeyb ka nahay nidaamyada hay'addeed ee ballaaran ee Xisbullah, laakiin waxaan diirada saarnaa qaybaha samafalka iyo adeegyada, maha howlgallada maaliyada," ayaa lagu yiri " ma jiraan xiriiro aan la leenahay jinsiyado shisheeye ama ururo, Iiran ama kuwa kale.

Ururku wuxuu ku celceliyay sida ay uga go'an tahay hufnaanta iyo inay diiradda saaraan gargaarka bini'aadantinimo, iyagoo ku tilmaamay walaacyadaas "faham la'aan" ku saabsan dabeecadeeda samafalka.

Kooxda wax jabsata ee Spider Z

AQAH

Xigashada Sawirka, Teamspiderz

Bishii December sanadkii 2020-kii, warbixino ayaa sheegay in koox lagu magaaco Spider Z ay jabsadeen akoonada ururka, iyagoo soo bandhigay macluumaad xasaasi ah, sida liiska deyn-bixiyeyaasha iyo kuwa dhigaalka ah, iyo sidoo kale muuqaallo amni oo la sheegay in laga helay laamahooda.

Mu'asasada Difaaca Dimuqraadiyada ee fadhigeedu yahay Washington (FDD) ayaa sheegtay in dukumiintiyada la jabsaday ay muujinayaan in AQAH ay maamusho in ka badan 400,000 oo akoon, oo ay ku sheegtay qaar badan, oo xiriir la leh Xizbullah iyo Iran. FDD waxa ay sheegtay in aysan wax deeq ah ka qaadan dowladna waxa ay isku tilmaamtay mid aan dhinacna u xaglin. Si kastaba ha ahaatee, waxay u aragtaa Iiraan iyo Xisbullah inay khatar ku yihiin Maraykanka iyo xulafadiisa.

Hal akoon oo lagu calaamadeeyay "Vali al-Faqih," ayaa la sheegay inuu leeyahay xafiiska hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.

Hay'addaha xiriirka la leh Khamenie, sida kooxda Lebanese group Martyrs Foundation, ayaa akoono ku leh AQAH, sida ay sheegtay FDD.

hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan Khomenei

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dukumiintiyada ay soo bandhigeen jabsadayaasha SpiderZ ayaa la sheegay inay muujinayaan xisaab uu leeyahay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan

AQAH ayaa xaqiijisay in 2020 ay jirtey "jabsasho xaddidan," laakiin waxay ka soo horjeesatay sida loo qeexay hawlaheeda iyo sheegashooyinka ku saabsan aqoonsiga qaar ka mid ah macaamiisheeda.

Mar la waydiiyey AQAH, uma xaqiijin ama uma beenin BBC-da haddi ay maamusho akoono hay'addeed oo xiriir la leh Ali Khamenie. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in qof kasta oo ku sugan dhulka Lubnaan uu yeellan karo akoon, oo ay ku jiraan akoonnada deeqaha.

Waxa ay sidoo kale BBC-da u sheegtay in ay xiriir wanaagsan la leedahay ururka Lubnaan ee Martyrs Foundation, sababtoo ah asaaskooda, waxay ku sharaxday inay qayb ka tahay hay'addaha adeega bulshada ee Xisbullah.

AQAH, waxa ay sheegtay in aanay la macaamilin hay'ado maaliyadeed oo dibadda ah oo aanay xawaaladaha iyo dhaqaalaha ka helin dibadda.

Waxay tilmaantay in qof kasta oo ku nool Lubnaan uu ka faa'iidaysan karo deymaha ay bixiso, si la mid ah, qof kasta oo deggan uu furi karo akoon tabaruc ah oo uu ku shubi karo lacag "sadaqo iyo arrimo diimeed".

Xiriirrada Afrika

Sida laga soo xigtay FDD Thinktank, dukumeentiyadii la jabsaday ee 2020-kii ee AQAH,waxay muujinayaan xisaabaadka dadka fadhigoodu yahay meel ka baxsan Lubnaan, oo ay ku jiraan Afrika iyo Koonfurta Ameerika

"Xisbullah waxay wadamo badan oo Afrikaan ah ku leedahay la-hawlgal ganacsi oo badan," ayuu yiri Ghadar, oo ka tirsan machadka Washington for Near East Policy.

"Waxay ku lug leeyihiin noocyo kala duwan oo warshado ah, oo ay ku jiraan ganacsiga dheemanka iyo farshaxanka," ayay raacisay.

Sannadkii 2019-kii, Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa cunaqabateysay ururiyaha farshaxanka Nazem Said Ahmad, iyadoo ku eedeysay inuu yahay "mid ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee Xisbullah."

Nazem Said Ahmad s

Xigashada Sawirka, US Department of Justice

Qoraalka sawirka, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Maraykanka ee New York ayaa sawirkan Nazem Said Ahmad soo dhigay mareegaha Internetka, isagoo ku eedeeyay isaga iyo kuwa kaleba inay "xadgudub ku yihiin shuruucda cunaqabataynta argagixisada caalamiga ah"

Mas'uuliyiinta Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in Ahmad uu leeyahay "xiriir muddo dheer ah oo uu la leeyahay ganacsiga 'dheemanada dhiigga'."

Meesha uu joogo weli lama oga.

farshaxano

Xigashada Sawirka, US Department of Justice

Qoraalka sawirka, Xafiiska Qareenka guud ee Mareykanka ee New York ayaa soo geliyay sawirro ka mid ah farshaxannada uu sheegay in Ahmad uu amray, iyo farshaxanno kale.

Xiriirrada Laatiin Ameerika

Xisbullah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay lacag ka sameeyaan ka ganacsiga daroogada ee Latin Ameerika. Baaritaano lagu sameeyay Venezuela sanadkii 2011 ayaa lagu sheegay in la helay nidaam adag oo ku lug leh ganacsi daroogo iyo lacag caddeyn ah oo ku kacday malaayiin doolar, sida ku xusan warbixin dhowaan kasoo baxday ururka cilmi-baarista ee Qaramada Midoobay.

Nidaamka Xisbullah wuxuu xiriir la lahaa Colombia, kooxda maleeshiyada Farc, iyo kartelka daroogada ee Venezuela, sida uu sheegay Machadka Cilmi-baarista Caalamiga ah ee Dambiyada iyo Caddaaladda ee Qaramada Midoobay (Unicri).

Xisbullah

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hay'ad cilmi-baaris oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sheegtay in Xisbullah ay xiriir la leedahay falaagada Colombia ee FARC, taasoo ku wareejisay hubkeeda la heli karo sannadkii 2017-kii.

kooxda xagjirka ayaa hormarisay joogitaanka xooggana aagaga saddexda soodimeed ee Argentina, Brazil iyo Paraguay sida lagu warbixinta Unicri

Sanadooyinkii ugu dambeeyay, Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa sidoo kale cunaqabateysay shaqsiyaad iyo ganacsiyo ku yaalla dalalkaas, iyadoo ku eedeysay inay taageeraan shabakadaha maaliyadeed ee caalamiga ah ee Xisbullah.

Hassan Moukalled, oo ah ganacsade Lubnaan ah oo Maraykanku cunaqabateeyay sanadka 2023, ayaa sheegay in cunaqabateynta noocaas ah ee Maraykanku ay yihiin kuwo siyaasadaysan.

"Ujeeddada dhabta ah waa in la carqaladeeyo aasaaska dhaqaale ee bulshada Xisbullah iyo in la hor istaago wax kasta oo lagu beddeli karo qaababka dhaqaale ee uu Maraykanku taageero ee gobolka," Moukalled ayaa u sheegay BBC News Arabic.

Qandaraasyo, ka ganacsiga sharci-darrada ah, iyo crypto

Sida la sheegay, Xisbullah waxay lacag ka heshaa dhowr ilood oo kale.

"Kooxdu waxay awaaday u yeelatay inay lacago badan iyadoo dhexmaraysa qaybta daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo waaxo kale oo lubnaan" ayuu BBC-da u sheegay Leveitt.

Xisbullah waxay ka faa'iideysataa sharciyada dhaqaale iyo qandaraasyada dadweynaha ee Lubnaan, sida ku xusan warqad cilmi-baaris ah oo ay sameysay Chatham House thinktank, oo fadhigeedu yahay London sanadkii 2021-kii.

Xisbullah waxay isticmaashaa shirkado gaar ah oo la xiriira, si ay u dalbato una guuleysato qandaraasyada dadweynaha, sida lagu sheegay warqadda cilmi-baarista.

Isla cilmi-baadhistan ayaa soo jeedisay Xisbullah in ay ka soo saarto ku dhawaad 300 milyan bishii ka ganacsiga shidaalka naaftada sharci darrada ee ka gudba ee xadka Suuriya ka hor inta aan madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad xukunka laga tuurin December 2024.

Xisbullah Lubnaan

Xigashada Sawirka, EPA

Dhanka kale, baaritaan ay sameysay BBC 2023-kii ayaa kooxda la xiriiriyay ganacsiga sharci darrada ah ee Captagon-ka kaas oo qiimihiisu gaarsiisan yahay malaayiin doolar.

Laba sano ka hor, Xisbullah waxay beenisay eedeymaha ku saabsan inay ka qeyb qaadatay soo saarista daroogadaas, iyagoo ku tilmaamay "warar been abuur ah."

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Israa'iil ayaa gacanta ku dhigtay Tron cryptocurrency oo ay sheegtay in ay leedahay ururka Xisbullah

Bishii Juun 2023-kii, Wasiirkii Difaaca Israel Yoav Galant wuxuu ku dhawaaqay qabsashadii ugu horreysay abid ee lacagaha loo yaqaan 'cryptocurrencies' ee lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Xisbullah.

Xafiiska Maalgelinta La-dagaalanka Argagaxisada Israa'iil ayaa la wareegay ku dhawaad 1.7 milyan oo Tron cryptocurrency ah, lacagtaas oo qaarkood uu Galant, sheegay in ay leeyihiin Xisbullah iyo Ciidanka Quds ee Iran.

Nofeembar 2023, Reuters ayaa soo xigatay Hayward Wong, afhayeenka Tron oo diiwaangashan Jasiiradaha Virgin ee Ingiriiska, isagoo u sheegay wakaaladda wararka in dhammaan tignoolajiyada "marka laga eego aragtida aragti ahaan loo isticmaali karo hawlo shakhsiyadeed."

Wong,l waxa uu tusaale u soo qaatay Doolarka Maraykanka oo loo isticmaalo lacag dhaqid. Waxa uu sheegay in Tron aanu gacanta ku haynin kuwa isticmaalaya tignoolajiyada, isla markaana aanay xiriir la lahayn kooxaha ay Israa'iil aqoonsatay.

Sanad ka dib, wasaaradda maaliyada Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay sarifleyaasha Lubnaan, iyadoo ku eedeysay inuu Xisbullah u siiyeen "digital wallets" si ay lacag uga helaan iibka saliidda Iran.

Hezbollah kama aysan jawaabin codsiga BBC News Arabic ee ah inay ka jawaabto maqaalkan.