Doorashada UK: Dhaqaalaha iyo Socdaalka

- Author, Cismaan Cabdi Xasan
- Role, Weriye
Xisbiyada ku tartamaya doorashada UK waxaa horyaal su’aalo badan oo ay tahay in ay uga jawaabaan dadka u codeynaya.
Maalmihii u dambeeyay ololaha tartanka waa uu sii xoogeystay. Qeybaha nolosha ayaa laga doodayaa. Qorshaha xisbiyada iyo ballanqaadyadooda intii ay ololaha wadeen waxay u muuqdaan in aan la xusuusan.
Sabatiga soo socda ee lixda bisha Luulyo waxaa la arki doonaan cidda fariista aqalka UK looga arrimiyo ee numbar 10, wuxuuna soo dhisi doonaan xisbiga guuleysta dowladda dalka hoggaamin doonta.
Xisbiga talada hadda haya ee loo yaqaan Conservative ama Tory uma suuragalin in uu buuxiyo faraqa u dhexeeya iyaga iyo kan la tartamaya ee Shaqaalaha.
Ololaha doorashada waxa uu dowladda hadda joogta ugu bilowday khaladaad. Ra’iisul wasaaraha aad ayaa loogu dhaliilay sidii uu uga soo tagay xuska maalinta D-day. Sidoo kale xubno ka tirsan xisbigiisa ayaa lagu eedeeyay in ay sharad qamaar ku galeen maalinta doorashada taas oo la sheegay in ay ogaayeen. Ololaha doorashada waxa uu ahaa mid habacsanaan ku billowday.
Maalmihii u dambeeyay ra’iisul wasaare Rishi Sunak waxa uu u muuqday mid ay tabar soo gashay marka la fiiriyo doodihiisa telefishinka iyo sida uu uga carooday erayada cunsuriyeenta ee isaga sida muuqata uu uga sameeyay mid ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha xisbiga isbeddelka ee Rerform.
Dhanka kale, ololaha xisbiga mucaaradka ugu weyn ee shaqaalaha kaas oo la rajadiisu ay aad u sarrayso ayaa si weyn u ololeeyay. Qorshaha uguma jirin in afarta Luulyo doorashada ay dhaceyso balse waxay ka shakisnaayeen in xisbiga talada haya ee Tory ay maalinta doorashada degdeg ugu dhawaaqi doonaan, sidaa darteed diyaar garow ayey bilaabeen bilooyin ka hor.
Qorshaha ololaha doorashadii 2023-kii xisbiga shaqaalaha iyo midka ay hadda ku ololeynayaan isku mid ma ahan. Hadda waxay xogga saareen in ay wax ka beddelayaan nidaamka ceayrta si ay wax uga qabtaan saboolnimada. Sidoo kale xisbiga waxa uu sheegay in uu diiradda saarayo in ay kor u qaadaan nolosha dadka.
“In laga shaqeeyo danaha dadka shaqeeya waxay ka dhigan tahay in la fahmay in ay u baahan yihiin guul ka badan in la taageero” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Keir Starmer.
Arrimaha Socdaalka iyo doorashada

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Soo galootiga UK waa uu kordhay ka dib markii laga baxay Miowga Yurub. Sanadkii 2022-kii wuxuu gaaray 764,000 halka sanadkii xigay ee 2023kii uu gaaray 685,000
Taasi waxay muujineysaa in uusan hoos u dhicin soo galootiga UK. Qodobka Muhaajiriinta waa arrin weyn oolaha doorashada. Siyaasiyiinta si weyn ayey uga doodeen iyadoo mid walba uu muujinayay aragtidiisa ku aadan sida loo xakameynayo.
Magaalada Peterborough ee bariga England dadkeeda inta badan waxay ku dhasheen dibadda. Waa muhaajiriin. Sarah waxay ku nooshahay magaalada, waxayna ka shaqeysaa hay’adda caafimaadka UK ee NHS. Magaalada ayey ku dhalatay kuna ciyaal dhashay. Waxay BBC u sheegay in soo galootiga uu magaalada ka dhigay mid degdeg u kortay.
“Way adag tahay in guryo laga helo magaalada gaar ahaan kuwa bulshada, boos kama heleysida iskuulada” ayey tiri Sarah.
Maamulka Peterborough waxay sheegeen in baahida guryaha ay ka badan tahay inta la heli karo, waxayna sheegeen in ay mudnaanta siinayaan kuwa aadka ugu baahan.
Haji waxa uu ka yimid 50 sano ka hor Pakistan isagoo yar. Dukaan ayuu magaalada ku leeyahay.
“Waa shaqeynaa, canshuur ayaan bixinaa, waxay ila tahay dhabtii waa xad dhaaf” ayuu yiri.
Doorashadii looga baxayay Midowga Yurub dadka waxay kala doorteen dhaqaalaha iyo soo galootiga. Waxay doorbideen in ay dhaqaalaha ka tagaan oo joojiyaan dadka imaanaya.
Cabdi Muuse oo ah hadda Qunsul ku xiggeenka safaaradda Soomaaliya ee London waxa uu muddo ka soo shaqeeyay arrimaha bulshada Soomaaliyeed ee UK gaar ahaa magaalada London. Wuxuu noo sheegay in ololaha doorashada uu muhiim u yahay Soomalida sida dadka kale ee dalka ku nool. Isagoo dib u eegaya wixii hore u dhacay ayuu tusaale u soo qaatay doorashadii looga baxay Yurub iyo saameynteeda.
“Saameynta ugu badan waxay ku yeelatay Soomaalida Yurub ka soo gureysa ee halkan imaaneysa, markii hore shaqada way heli jireen hadda waxaa laga rabaa deganaasho”.
Ma jirto saameyn Soomaalida ku gaar ah balse waxaa jira in la dareemay in isbeddel yimid ilaa markii ay xukunka qabteen xisbiga hadda talada haya. In laga baxo Midowga Yurub oo aheyd qorshaha xisbiga muxaafadka ee talada haya waa wax ay Soomaalidu dareentay. Hadii ay soo laabtaan waxa ay sameyn doonaan qorshahoodi hore iyo wax kale oo ka dheeri ah. balse hadii ay meesha ka baxaan uu yimaado xisbiga shaqaalaha wax badan ayaa la filayaa inay isbeddelaan.
Dhaqaalaha iyo shaqada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Duqa magaalada London, Sadiq Khan, waxa uu hore u sheegay in markii laga baxay Midowga Yurub ay lumiyeen 30 bilyan. Climibaaris ay sameysay Cambridge Econometrics ayaa saadaalisay in marka la gaaro 2035-ta in qiimaha badeecadaha iyo adeegga magaalada uu ka yaraan doono 7 boqolkiiba hadii aan laga bixin Midowga Yurub.
Balse dowladda UK waxay sheegtay in dhaqaalaha uu kordhay ka dib markii laga baxay Midowaga Yurub, waxayna sheegeen in kororkaasi uu ka badan yahay kan waddamada Jarmalka, Faransiiska iyo dalal badan oo Midowga Yurub ah.
Xisbiga Shaqaalaha waxay ballanqaadeen in ay qorshe cusub u sameynayaan shaqaalaha. Waxaa ka mid ah ballanqaadkaas in ay kor u qaadayaan xaaladaha lagu shaqeeyo iyo in ay wax ka qabanayaan lacagta la qaato.
“Adeegyada dalka sida guryaha, caafimaadka iyo shaqada cidna gaar uma saameynayaan balse tan muhaajiriinta ayaa noo gaar ah. labada xisbina waxay ku kala duwan yihin adeegyada iyo muhaajiriinta” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Hareeri oo ku nool Scotland kana faalooda taariikhda iyo siyaasadda UK.
Conservative-ka waxay doonayaan in soo galootiga la geeyo Rwanda halka xisbiga shaqaalahana ay sheegen in ay joojinayaan taas.
Xisbiga hadda talada haya ee Tory wax badan kama sheegin qorshahooda shaqaalaha. Balse ma xuma heerka shaqaaleynta ee dalka hadda marayo. Labada xisbi halka ay ka taagan yihiin dagaalka Gaza waxay muujineysaa in aysan taageero ka heleyn. Qodobada ugu weyn ee doorashada waa dhibaatada guryaha, socdaalka iyo arrimaha dibadda.













