Nin dhintay isaga oo ku jira gacanta booliska Kenya oo ay dad badani walaac ka muujinayaan qaabka uu u geeriyooday

b

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tobaneeyo qof oo ka mid ah dhaq-dhaqaaqayaasha arimaha bulshada ayaa ku dibad-baxay bannaanka goobta meydadka ee caasimadda Kenya ee Nairobi, ka dib markii nin 31 jir ah uu ku dhintay xabsiga.

Geerida Albert Omondi Ojwang ayaa caro ka dhalisay Kenya. Waxaa la xiray ka dib cabasho ka timid Taliye ku xigeenka Booliska oo ku eedeeyay inuu magaciisii meel kaga dhacay kadib xog uu ku baahiyay baraha bulshada.

Bayaan hordhac ah, booliisku waxay ku sheegeen in Mr Ojwang "ay ka soo gaareen dhaawacyo madaxa ka dib markii uu madaxa ku dhufsaday gidaarka xabsiga" intii uu xabsiga ku jiray.

Si kastaba ha ahaatee, qareenka qoyska Ojwang, Julius Juma, ayaa sheegay in jirka maydka uu ka muuqday calaamado jirdil, oo ay ku jiraan barar madaxa, sanka iyo dhegaha ah.

Juma waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan nabarro garbaha iyo gacmaha kaga yaal oogada Ojwang – kuwaas oo uu sheegay in aysan muujineyn gidaar uu isla dhacay.

Hay'adda Madaxa Banaan ee Kormeerka Booliska Kenya (IPOA) ayaa billowday baaritaanno ku aaddan dhimashadiisa.

Dadweyne ayaa iyaga oo wata boorar ay ku qoran yihiin "Jooji dilka " waxa ay ku mudaaharaadayeen bannaanka hore ee qolka meydka ee magaalada Nairobi, halkaasoo lagu hayo meydka Ojwang.

Dadkan ayaa markii danbe soo aaday saldhiga dhexe ee booliska halkaasi oo Ojwang uu ku xirnaa xiliga uu dhimanayay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ojwang ayaa lagu xiray Homa Bay, oo ku taal galbeedka Kenya, Jimcihii, kadib qoraal uu soo dhigay barta X oo lagu eedeeyay in uu ku dhaleeceeyay ku xigeenka isbatooraha guud ee booliska, Eliud Lagat.

Ka dib waxaa loo wareejiyay Saldhigga Dhexe Sabtidii.

Sida laga soo xigtay Kanja, Ojwang ayaa la xiray ka dib markii Lagat uu gudbiyay dacwad ku saabsan in magaciisa la "xumeynayo".

Isagoo ka jawaabaya cadaadiska dadweynaha ee isa soo taraya, Kanja ayaa ku dhawaaqay in saraakiisha sarsare ee saldhiga dhexe ee booliiska Nairobi "shaqadooda hakad lagaliyay".

Afhayeenka booliiska Michael Muchiri, ayaa BBC-da u sheegay in tani ay ka dhigan tahay in saraakiishu aysan gudan karin waajibaadkooda, ayna heli doonaan kala bar mushaarkooda, inta ay ka soo baxayaan baaritaanka IPOA.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id, Kanja ayaa sheegay in booliisku ay siin doonaan baarayaasha dhammaan "taageerada lagama maarmaanka ah" si loo xalliyo kiiska.

Ojwang ayaa la helay isagoo miyir daboolan intii lagu guda jiray kormeerka joogtada ah ee qolalka xabsiga waxaana " loola cararay isbitaalka, halkaasoo lagu sheegay inuu dhintay markii uu yimid", booliska ayaa sidaas sheegay.

Agaasimaha Amnesty International laanteeda Kenya, Irungu Houghton, ayaa BBC-da u sheegay in geerida Mr Ojwang ay tahay "mid aad looga shakisan yahay".

Houghton waxa uu sheegay in ay tahay wax laga naxo in Ojwang aan lagu ballansan saldhiga booliska ee deegaanka uu daganaa markii la xiray, balse taa badalkeeda loo qaaday safar dheer.

Axadii, wuxuu ugu baaqay baarayaasha madaxa banaan inay sugaan amniga waxa uu ku tilmaamay "goobta dambigu uu ka dhacay" ee saldhiga booliska ee Nairobi.

Dhimashada Ojwang ee xabsiga ayaa ku soo beegantay xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo sida loola dhaqmayo qaar ka mid ah dadka dhaliila dowladda.

Toddobaadkii hore, Rose Njeri oo shaqadeedu tahay horumarinta barnaamijyada kumbiyuutarka, oo abuurtay qalab lagu caawiyo dadka ka soo horjeeda sharciga maaliyadda ee dawladda, ayaa lagu eedeeyay inay jabisay sharciga dambiyada internetka. Way diiday eeddaas.