Maxaan ka ognahay weerarkii xalay ay Israa’iil ku qaadday Beirut?

Israa'iil iyo Lubnaan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duleedka koonfureed ee Beyruut laga fuliyay illaa 11-weerar

Fiidnimadii xalay, ciidamada Israa'iil ayaa dib u billaabay duqeymihii ay la beegsanayeen goobo kala duwan oo ka tirsan Lubnaan, mid kamid ah duqeymaha waxaa lala beegsaday agagaarka garoonka diyaaradaha ee Beirut, halkaas oo daruuro qiiq ahi ay cirka isku shareereen goobaha ku dhow garoonka.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa Wakaaladda Wararka Faransiiska u sheegay in labo weerar lagu garaacay bartilmaameedyo u dhow garoonka diyaaradaha, iyadoo weerarkan uu ku soo beegmayo xilli weeraro xooggan lagu qaaday duleedka koonfureed ee Beirut.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale beegsaday dhowr xarumood oo ay deganaayeen “Al-Qard Al-Hassan” kadib markii afhayeenka ciidamada Israa’iil Daniel Hagari, uu sheegay in “Al-Qard" ay ka qaybqaadato maalgelinta Xisbullah.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duleedka koonfureed ee Beyruut laga fuliyay illaa 11-weerar oo ay ku jiraan weerar lagu qaaday laanta Al-Qard Al-Hassan ee u dhow garoonka caalamiga ah ee Rafic Hariri.

Wakaaladdu waxay tilmaantay in weeraro kale lala beegsaday dhismayaal kale oo ay deganaayeen Al-Qard Al-Hassan oo ku yaalla Baalbek, Hermel, iyo Rayak ee bariga Lubnaan.

Magaalada Baalbek, weerar ayaa lala beegsaday suuq ganacsi oo uu ku yaalla dhismo ay hore u isticmaali jireen Jamciyadda Al-Qard Al-Hassan, halka wakaaladda wararka ee France-Presse ay sheegtay in dadka deegaanka ay si degdeg ah uga guureen goobtaasi, ka dib digniin ka timid ciidamada Israa’iil oo sheegay inay isaga baxaan.

Magaalada Siidoon ee koonfurta Beyruut, dad barakacayaal ah ayaa laga daadgureeyay iskuul u dhow mid ka mid ah laanta Al-Qard Al-Hassan, duqa magaalada ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan tallaabooyin taxaddar leh “wuxuu bixiyay awaamiir ku aaddan in si degdeg ah dadka looga saaro degmada Sidoon, maamulka degmada, xarunta bilayska, qeybaha hawlgallada wadajirka ah, iyo laba xarumood oo loogu talagalay barokacayaasha.

Lubnaan

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Qoraalka sawirka, Dhismayaal badan oo Al-Qard Al-Hassan ayaa la duqeeyay iyadoo Israa'iil ay ku eedaysay inay taageero dhaqaale u sameyso Xisbullah

Ciidamada Israa'iil ayaa digniino u diray dadka degan 22 goobood oo ka tirsan Lubnaan, waxayna sheegeen inay beegsan doonaan, oo ay ku jiraan 12 goobood oo ku yaala caasimadda Beyruut.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa beenisay in dadkii laga daadgureeyay isbitaalka dawladda ee Baalbek, waxa ayna xaqiijisay in “Isbitaalku si caadi ah u shaqeeynayo ka dib markii bukaannada loo wareejiyey qolal ka ammaan badan qolalka ku aadan dhanka dhismaha laanta Al-Qard Al-Xasan ee ku dheggan isbitaalka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale warbaahinta ugu baaqday inaysan gudbin wararka been abuurka ah ee kordhin kara argagaxa iyo jaahwareerka.

Ciidamada Israa’iil ayaa weerarro is dabajoog ah oo kor u dhaafaya toban waxa ay ku qaadeen xaafadda koonfureed Beyruut, iyadoona qaarkood lala beegsaday agagaarka deegaanka Al-Mreijeh iyo waddadii hore ee garoonka diyaaradaha, sida ay sheegtay wakaaladda Lubnaan.

Dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ay sheegtay in dhimashadu ay kor u dhaaftay 2,464 qof tan iyo markii uu bilowday dagaalka hadda ka socda Lubnaan, halka dhaawacana uu gaarayo in ka badan 11,530 qof.

Dhanka kale, Xisbullah ayaa sheegtay inay gantaallo badan ku ridday Israa’iil habeenimadii Axadda, kuwaasoo lala beegsaday saddex saldhig oo ciidammada Israa’iil leeyihiin.

Xisbullah ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay Axaddii, iyadoo aan la cayimin goobta lagu soo riday, balse waxa ay sheegeen in diyaaraddu ay ahayd nooca Hormuz 900.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ugu yaraan 200 oo madfac oo Xisbullah ay ka soo gudbeen Lubnaan ayna galeen Israa’iil Axaddii, iyagoo xusay in nidaamyada difaacyada cirka ay ka hortageen madaafiicdaas.

Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in ay fuliyeen “Weerar dhinaca sirdoonka ah oo lagu qaaday xarunta taliska sirdoonka ee Xisbullah iyo goob hub oo dhulka hoostiisa ah oo ku taal Beirut”.