Maxay cilmibaarisyadu ka yiraahdeen sida qof da'yari ku taajiro karo?

Adduunkan xawliga ku socda, madax-bannaanida maaliyadeed iyo dhisidda hanti waxay noqdeen himilooyinka ugu dambeeya ee dad badan, gaar ahaan jiilka soo koraya.

Daraasadaha laga sameeyey in qofku da’a yar ku samayn karo hanti waxay isku raacsan yihiin bilowga hadafka xili hore, adkaysi joogta ah iyo diiradadda oo saartid halka uu ku dhamanayo yoolkaaga.

Inaad noqoto taajir ama hantiile kuma xirna da’ada aad tahay laakiin fursadaha ayaa ku xiran sida ay cilmi baarisyadu sheegayaan inaad bilowdo xili hore.

Sida ay muujinayaan cilmi baarisyada dadka da’adoodu yar tahay kuma badna kuwa taajiriinta noqda haba ugu darnatee wamada la daalaa dhacaya saboolnimada ee dunida. Kumaan jiraan dadka da'doodu yar tahay ee dhaxal ahaan ku noqda taajiriinta.

Sida aan ka soo xiganay qaybta dibu eegista ganacsiga ee jaamacada Harvard, diyaarinta hadafyadas ayaa kugu xambaari kara inaad diirada saarto oo aad ka jibo gaarto.

Inta badan tusaalooyinka muddan ee lagu eegayo in adigoo dhalinyaro ah aad noqon kartid taajir waxaa laga soo dhanbalaa asaasaha Faceboog Mark Zuckerberg, oo isaga oo da’diisu tahay sagaal iyo toban ama labaatan sano jir yagleelay hindishe ganacsi oo miro dhal noqday kaas oo ku fadhiya balaayiin dollar.

1- Bilow xilli hore

Mar kasta oo hore u bilowdo, way fiicnaan doontaa fursadahaaga aad ku noqon karto milyaneer markaad da'da yar tahay.

daraasadaha ayaa tilmamaaya in bilowga fursadaha ay kugu dhiiri galin karto inaaan yeelato adkaysi iyo ku cel celin badan si riyadaada aad rajo ugu badasho.

2- Deji yoolal cad

Si aad u noqoto taajir ama qof hanti ku hela da’adiisa oo yar waxaa u baahan tahay inaad fikrad cad ka haysato waxa aad doonayso in aad gaarto iyo sida aad halkaas ku gaari doonto.

Deji yoolal gaar ah, la cabbiri karo, oo la gaari karo kuwaas oo la socda aragtidaada mustaqbalka.

Qor iyaga oo si joogto ah ula soco horumarkaaga si aad u ahaato mid dhiirigelin leh oo diiradu u saaran tahay Meesha uu doonayo inuu ka jibo gaaro.

3- Samee xirfad la suuq gayn karo

Si aad lacag u samayso, waxaad u baahan tahay inaad dadka kale u soo bandhigto wax qiimo leh. Aqoonso xirfad aad jeceshahay oo aad ku fiican tahay, kana shaqee sidii aad u horumarin lahayd ilaa heer sare.

Tani waxay noqon kartaa wax kasta laga bilaabo bilowga ilaa naqshaddaynta

4- Yeelo anshax shaqo oo adag

Inaad noqoto taajir ama hantiile waxay u baahan tahay inaad samayso dadaaal naf huridnimo ah

Sidoo kale waxaad u baahan tahay inaad diyaar u ahaato inaad wakhti iyo dadaal geliso si aad u gaadho yoolalkaaga, xitaa marka ay adag tahay ama aanad arkin natiijooyin degdeg ah.

Samee anshax shaqo oo adag adiga oo dejinaya jadwal, kala hormarinaya hawlahaaga, iyo ilaalinta anshaxa, taasi waxay ku sahli doontaa inaad fikrahadaagu soo jiitaan aragti maalgalin oo aad hesho.

5- Raadso lataliye

Inaa hesho qof ku siiya talooyin dhaxal gal ah waxay kuu noqon kartaa hanti qiimo leh kaas oo kaa caawin kara inaad gaarto yoolashaada.

Sida la mida waxaa raadisaa qof gaaray heerka guusha ee aad doonayso inaad higsato, talooyin iyo tusaalayna waydiiso,

Lataliye wanaagsan ayaa ku siin kara tilmaamo haboon oo ku jeexi kara jidka ama ku siin kara jid budlisan oo aad qaado si aad hadafkaaga uga miro dhaliso.

6. Yeelo kayd iyo fakar ku haboon maalgalin

Si aad u noqoto qof yeesha hanti isagoo yar, waxaad u baahan tahay inaad kaydsato oo aad lacagtaada si caqli gal ah u geliso meel aad u sahamisay oo nafac soo celina leh

Caado ka dhigo inaad kaydsato qayb ka mid ah dakhligaaga bil kasta oo aad geliso koontada kaydka ama faylalka maalgashiga.

Kaydka aad samaysaaa wuxuu kugu hogaamin karaa inaad yeelato fakar aad ku eegto fursadaha maalgashiga.

7- Iska ilaali deynta

Deyntu waxay caqabad weyn ku noqon kartaa dhismaha hantida, iska ilaali inaad dayn ku qaadato kharashyo aan loo baahnayn oo diiradda saar inaad ku noolaato waxa aad awooddo.

Haddii aad u baahan tahay inaad dayn qaadato, iska hubi inaad sabab fiican u qaado, sida maalgelinta waxbarashadaada ama bilawga ganacsi, laakiin kuwa kale ee an beegsanayn hadafyadas waxay dhaawici karan inaa ka miro dhaliso go’aankaga.

8. Dhis shabakad taageero oo xooggan

Si aad hore ugu socoto, waa inaad dhistaa xulafo badan intii suurtogal ah. Inaad noqoto shaqaale adag kuma filna. Waa inaad dadka la hadashaa, u muujisaa xiisaha oo aad ka heshaa inay ku jeclaadaan.

Marka aad haysato qof awood la taaban karo ku leh dhinacaaga, xirfaddaada oo dhan waxay u socon doontaa si dhakhso leh. Dhisidda xiriir qoto dheer ayaa ka caawin kara ka miro dhalinta hadafyadada