Dhegeyso: Soomaali ka ag dhowaa goobta uu ka dhacay weerarka Israa'iil ee Dooxa oo BBC-da u warramay
Israa'iil ayaa shalay weerar cirka ah ku qaadday dhimse la deggan yahay oo ku yaalla oo ku magaalada Dooxa ee dalka Qatar, taas oo Xamaas ay sheegtay in ay ku dishay shan ka mid ah xubnaheeda, balse "ay ku guul-darreysteen" in ay dilaan kooxdoodii wada-xaajoodka u ahayd ee ka shirayey soo jeedintii ugu dambaysay ee Maraykanka ee ku aaddanayd xabbad-joojinta Qasa.
Raysalwsaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu amray "weerar sax ah oo bartilmaameed leh" oo lagu qaaday Xamaas, taasoo jawaab u ah weerarradii kooxdaasi ay gaysatay ee 7-dii Oktoobar 2023-kii iyo toogasho ka dhacday magaalada Quddus oo ay ku dhinteen lix qof, toodbaadkan.
Raysalwsaaraha Qatar, Sheekh Maxmaed bin Cabdulraxmaan Al-Thani ayaa sheegay in dalkiisa "uu ka fakarayo" in ay ka jawaabaan "Weerarka qaawan" ee Israa'iil, isagoo intaa ku daray in Mareykanka uu uga digay 10 daqiiqo kaddib markii uu bilowday.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu ku faraxsanayn wixii dhacay.
Haddaba, waxa aan la hadalnay Ibraahim Saleebaan Cali oo ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Dooxa ee dalka Qadar, kana ag dhowaa goobta uu weerarku ka dhacay.
Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysiga:


