Hubka reer galbeedku ma isu dheeli tiri doonaa dagaalka dhexmaraya Ukraine iyo Ruushka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ukraine hadda waxa loo ogolaaday in hubka reer galbeedka ay u isticmaali karto bartilmaameedyo ku yaala gudaha Ruushka. Haddaba go’aankan muxuu ka badalayaa xaaladda, sideese u saameyn karaa dagaalka socda?
Illaa hadda, wadamada reer galbeedku waxay Ukraine ka hortaagnaayeen in hubka ay siiyeen ay ku weerarraan gudaha Ruushka, iyagoo ka baqayay inay xaaladda uga sii daraan, maadaama hubka NATO loo isticmaalayo gudaha dal xuduudihiisa caalamiga ah la aqoonsan yahay. Taa badalkeeda waxa loo ogolaa Ukraine in hubkan ay ku ridi karto bartilmaameedyo ku yaala gobolka Crimea iyo dhulka kale ee laga haysto.
Laakiin horumarkii ugu dambeeyay ee ciidamada Ruushku ka sameeyeen duulaanka ay ka wadaan waqooyiga bari ee gobolka Kharkiv ayaa ku qanciyay isbahaysiga Kyiv, si ay isu difaacdo inay u baahan tahay in ay garaacdo bartilmaameedyo milatari oo ku yaala gudaha Ruushka.
Bishii la soo dhaafay, Ruushka ayaa qaaday guluf milatari oo balaaran gobolka Kharkiv, isagoo furay aag cusub oo dagaal, wuxuuna qabsaday tuulooyin dhawra. Horumarka cusub ee ay sameeyeen ciidamada Ruushku, waxa uu khatar galiyay magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, taasoo kaliya xuduudda Ruushka u jirta 30km.
Xuduudda gobolkan waa furin dagaal, sidaa daraadeed diidmada Ukraine loo diiday in hubka reer galbeedka u isticmaasho gudaha Ruushka, waxay ciidamada Ruushka ka caawisay inay si nabadgalyo isugu diyaariyaan dulaankooda, iyaga oo aan ka baqayn in lagu bartilmaameedsado xuduudda dhinaceeda kale.
Culeyska lixaadka leh ee sii socda ee haysta Ukraine iyo wadamada kale ee Yurub, ayaa Maraykanka ku keentay in uu ogolaado in uu badalo siyaasaddiisa, una ogolaado Kyiv in ay ku weerari karto hubka reer galbeedku siiyay Ruushka.
Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken oo ka hadlayay Jimcihii shirka wasiirrada arimaha dibadda ee wadamada ku jira gaashaanbuurta NATO ee ka dhacay magaalada Prague ayaa sheegay ‘’si aan u joogteyno, ulana qabsano waxa duruufaha nagu xeeran ay na bidayaan, iyo si aan uga jawaabno waxa ka socda fagaaraha dagaalka, waa in aan hubinaa in Ukraine ay haysato wixii ay u baahnayd, marka ay u baahato’’.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalmo yar uun ka hor inta uusan go’aankan soo bixin, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku goodiyay in uu balaarin doono aagga dagaalka, haddii gantaalada riddada dheer ee reer galbeedka loo adeegsado in lagu weerarro gudaha Ruushka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu sheegay in dalalka Nato ee Yurub ay qasab tahay in ay xusuus naadaan ‘’wadamada dhulka yar leh, haddana dadka badan’’.
‘’Waa inay tixgalin siiyaan talaabadan kahor inta aan laga wadahadlin weerarro lagu qaado gudaha dhulka Ruushka,’’ ayuu intaasi ku daray.
Ka fogaanshaha in xaaladda looga sii daro, waa tan keentay in Maraykanku aanu ogolaan gantaalada riddada dheer ee ATACMS (Army Tactical Missile Systems) in lagu garaaco Ruushka.
Gantaaladan ayaa riddadoodu waxay tahay illaa 300km, waxana loo adeegsan karaa in lagu rido saldhigyo milatari iyo garoomada diyaaradaha dagaalka ee gudaha Ruushka.
Xayiraadda noocan ah ayaa Ukraine ku keentay kaliya in ay haysato hal doorasho oo ah inay diiradda saarto oo garaacdo bartilmaameedyada ku yaala goobaha ku dhaw xuduuddeeda. Laakiin tani waa isbadal weyn oo ku dhacay siyaasadda isbahaysiga Kyiv.
Xitaa gantaalada riddada gaaban ee gaari kara illaa 70km - sida HIMARS ayaa carqaladeyn kara hawllaha saadka ee hawgallada Ruushka iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamadiisa, taasoo aakhirka gaabis ku keenaysa qorshayaasha duulaankiisa.
Hadda, Ukraine waxay ‘’garaaci kartaa goobaha cadowgu isku urursanayo, isku qalabeynayo, isla markaana isugu qaybinayo hubka uu u isticmaalayo in uu ku soo weerarro Ukraine,’’ sidaasi waxa yiri Yuriy Povkh oo ah isu duwaha kooxda farsamada ee isku duba rideysa hawgallada miltari ee waqooyi bari.
Horaantii todobaadkan, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ruushku ciidamo ku ururinayo goob 90km u jirta magaalada Kharkiv, si uu u soo qaado duulaan kale.
Machadka daraasaadka dagaalka oo taxliiliyay sawirro dayax gacmeed ayaa xaqiijiyay inay jiraan ‘’hawlo balaaran iyo bakhaaro’’ aagaasi ku yaala. Sidaas daraadeed in la duqeeyo meelahaas waxay xoojin doontaa awoodda xoogagga Ukraine ay jilbaha ugu dhigi karaan weerarrada cusub ee ka dhanka ah gobolka.
Ka qaadidda xayiraadda hubka reer galbeedka, si kasta oo ay tahay, uma muuqato inay ka caawinayso Ukraine inay iska difaacdo bambooyinka afka qalaad lagu yiraahdo ‘’glid’’ gudahana looga yaqaano KAB. Waxay geystaan burbur lixaad leh, waxana si joogta ah loogu isticmaalaa in lagu garaaco Kharkiv iyo magaalooyinka kale ee ku yaala xuduudda. Laakiin si loo joojiyo weerarrada noocan ah ciidamada Ukraine waa inay bartilmaameed sadaan diyaaraddaha ridaya bambooyinkan KAB loo yaqaano.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hubka kaliya ee awooda in uu hor istaago diyaaradahaas ee ay haysato Ukraine waa nidaamka ka hortaga gantaalaha ee Maraykanku farsameeyo ee loo yaqaano Patriot.
Si kastaba ha ahaatee, helitaanka hubkan oo la geeyo meel ku dhaw Kharkiv waa halis weyn. Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee wax basaasa ayaa si dhakhso ah warka ugu diraya Moscow, waxayna ku qaadi kartaa weerar loo adeegsado gantaalada loo yaqaano Iskander ee burburin karo, habka Patriot ee gantaalada celiya.
Waxa la yaab leh in Ingiriiska iyo Faransiiska oo Ukraine siiyay hannaanka ka hortaga gantaalada Kuruuska loo yaqaano aanay xayiraadda adeegsiga hubkaasi aanay ka qaadin Ukraine.
Waxana hubkaasi uu riddadiisu gaari karaa illaa 250km. Xaqiiqdii Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa weriyayaasha u sheegay todobaad kii la soo dhaafay: ‘’Waxan u ogolaan doonaa Ukraine inay bartilmaameedsato meelaha gantaalada looga soo ridayo, gaar ahaan saldhigyada milatari ee laga soo weerarrayo Ukraine.’’
Tan ayaa u muuqata in hubkan Ukraine ay adeegsan karto sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka shaqeeya waaxda duulimaadyada milatariga oo diiday in la magac dhabo, waxa uu leeyahay Ukraine waxay hadda duqeyn kartaa labada saldhig cir ee gobollada Kursk iyo Belgorod ee ku yaala xuduudda Ukraine.













