Maxay tahay 'Jabhadda' uu sheegay Madaxweyne Biixi in ay ka soo hadashay Jabuuti?

Xigashada Sawirka, Google
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo Kulan la qaatay qaar kamida masuuliyiinta, iyo hugaan dhaqan oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa qudbad uu jeediyay kaga hadlay wax uu ku tilmaamay ‘jabhad’ oo "Jabuuti kaga dhawaaqay in ay xoreynayaan gobolka Awdal".
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay "in Somaliland aysan fileyn in arinkaasi lagaga dhawaaqo Jabuuti balse ay ku xallinayaan gudaha Somaliland".
“Malmahan waxaynu arkeynay qolo jabhad ah oo Jabuuti ka dhex hadleysa oo leh Awdal beynu xoreyneynaa, halkaa taa kama fileynin haddeyse talo taa ka noqotay wixii ka dhasha ee guud weynu arki doonnaa”, ayuu yiri madaxweyne Biixi.
Muuse Biixi ayaa sido kale sheegay "In siyaasiyiinta Somaliland ay ka mideysanyihiin mabda’a Somaliland balse ninkii aragtidiisu ay taa ka duwanaato uu yahay mid soo raaca cadawga sida uu hadalka u dhigay".
Maxay tahay 'jabhadda' uu Biixi afka ku dhuftay?
Sida ay ku baahiyeen baraha bulshada, waxaa jira rag sheegay in ay deegaan ahaan ka soo jeedaan gobolka Awdal oo ka soo horjeeda go'aanada madaxweyne Biixi qaar, sida heshiiskii isfagaradka ahaa ee xukuumadiisu la gashay dawladda Itoobiya.
Iyaga oo wafdi ah ayay ragaas qaarkood tageen dalka Jabuuti, waxaana sida ay muujinayaan sawiro ay iyagu baahiyeen ay tageen safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti, iyaga oo la kulmay safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Salaad Cali Jeelle.
Sidoo kale isla sida ay baahiyeen ragaasi waxay horay u booqdeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Ragaani waxay mar walba sheegaan in aysan ogolayn in dhul xeebeen laga kireeyo dawladda Itoobiya, balse marna ma aysan sheegin in ay Jabhad yihiin iyo in kale.
Gudaha gobolka Awdal iyo deegaanada kale ee jira xadka Jabuuti iyo Somaliland ayaysan ka jirin kacdoon muuqda iyo xiisad taagan midna, sida ay noosheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay.

Xigashada Sawirka, Social
“Gudaha Awdal aniga ayaa hadda jooga oo xiisadi ma jirto, mana jirto koox is abaabushay,” ayuu yiri aqoonyahan ku sugan Awdal oo ka gaabsaday in aan magaciisa baahino.
Balse waxaa jira rag deegaan ahaan ka soo jeeda Awdal oo ilaa saddex kooxood ah inta laga ogyahay oo sheegaya in ay ka soo horjeedaan go'aamada madaxweyne Biixi ee ku aadan heshiiskii lala galay Itoobiya, Inkasta oo ay u egyihiin ragaani kuwa leh u jeedo siyaasadeed, sida ay qabaan dadka qaar ee ka faalooda siyaasadda.
“Sddexda garabba wey tageen Muqdisho oo la kulmeen wasiir Fiqi wey is garab socdaan, hase yeeshee waa isku aragti”, ayuu sii raaciyay aqoonyahanka ku sugan Awdal ee BBC da la hadlay.
Dawladda Jabuuti oo aan isku daynay in aan wax ka waydiino eedda uu u soo jeediyay madaxweyne Biixi ayaysan noo suuragalin in aan helno.
Aragtida Jabuuti ee heshiiskii is af-garad ee Itoobiya iyo Somalilnd

Xigashada Sawirka, Google
Daa’uud Hummad oo ah afhayeenka aqlabiyadda ee madaxtooyada Jabuuti oo la hadlay warbaahinta RFI ee laga leeyahay Faransiiska ayaa sheegay inay doonayaan inay doorkooda diblomaasiyadeed ay ka cayaaraan xiisadda ka taagan geeska Afrika.
Waxa uu sheegay in ay dawladda jabuuti ka xuntahay xiisadda ka tagaan gobolka. Waxa uu intaas raaciyay in mushkiladaha qaar ee u dhaxeeyay Soomaalida ay tahay xalkooda in loo daayo Soomaalida oo ay iyagu is afgartaan.
“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay soo jeedinaysaa in si Soomalinimo oo qoysnimo loo dhameeyo mushkilada, waa taladayada. Waxa aan daacad ka nahay ballanqaadkeena diblomaasiyadeed ee mabaadii'da aasaasiga ah ee quseeya caddaaladda iyo nabadda gobolka geeska afrika.” ayuu yiri Daa’uud.
Halkee marayaa isafagaradkii Somaliland iyo Itoobiya?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida la aamminsan yahay khilaafka ka dhex taagan dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa xuddun u ah isfahan ay Itoobiya la gaadhay Somaliland bilowgii sanadkan. Is af-garadka oo Itoobiya u oggolaanaya in ay xeebaha jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay ka hesho dekad iyo saldhig ciidan ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo dhaqangelin.
BBC-da ayaa weyddiisay afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla halka uu marayo isafgaradka iyo goorta loo beddeli doono heshiis rasmi ah.
“Arrintaasi waxba hadda kaaga ma sheegi karo. Laakiin, dabcan maalmaha soo socda wax waan ka dhihi doonnaa, marka wakhtigiisa la gaadho waan shaacin doonnaa,” ayuu yidhi Nebiyu Tedla.
Dawladda Soomaaliya ayaa xilli sii horraysay amartay in la xidho qunsuliydaha Itoobiya ee ku yaalla Hargaysa iyo Garoowe balse afahayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa sheegay in ay qunsuliyadaha ku yaalla magaalooyinkaasi ay weli shaqaynayaan.
“Isafagaradku halka uu marayo waan ogaan doonaa. Laakiin hadda waxa aan kuu sheegi karaa in danjirahayagii Soomaaliya aanu hadda joogin Muqdisho oo shaqo kale loo egmaday. Safaaraddu way furan tahay. Lama xidhin. Diblumaasiyiinteennu way shaqaynayaan. Safiirkeenna wada tashi ayuu u yimid Addis Ababa. Wakhti xaadirkanna dhinacaas safiir uma diraynno,” ayaa uu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.













