Sida ay u dhaceyso doorashada Turkiga ee maanta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Codbixiyayaasha dalka Turkiga ayaa maanta u dareeraya goobaha cod bixinta si ay u doortaan madaxweynaha 13-aad ee dalkooda.
Codbixinta ayaa bilaaban doonta siddeedda subaxnimo (08:00.am) xilliga Turkiga ahna xilliga bariga Afrika. Waxayna xidhmi doontaa shanta galabnimo (05:00pm); hase ahaatee kuwa safka ku jira goorta la xirayo goobaha cod bixintu, waxay xaq u leeyihiin in ay dhiibtaan codkooda.
Hababka codbixinta ee kastamku waxay sidoo kale dhammaan doonaan isku mar.
In ka badan 191,000 oo sanduuq ayaa laga dhisi doonaa 1,094 deegaan doorasheed ee degmooyinka dalka.
Labo musharrax oo kaliya ayaa ku tartamaya wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha, kuwaas oo kala ah musharaxa Isbaheysiga Shacabka Recep Tayyip Erdoğan iyo musharaxa Isbaheysiga Qaranka Kemal Kılıçdaroğlu.
Sida ku cad natiijada rasmiga ah ee ay ku dhawaaqeen guddiga sare ee doorashada,Edogan waxa uu helay 49.52 boqolkiiba codadka wareegii hore ee 14-kii May la qabtay,halka Kılıçdaroğlu uu helay 44.82 boqolkiiba codadka.
Tirada codadka Erdogan ayaa ahayd 27 milyan 133 kun iyo 849 oo cod, halka Kılıçdaroğlu uu helay codad dhan 24 milyan 595 kun 178 oo cod.
Waxyaabaha aan la ogoleyn
Iyada oo qayb ka ah mamnuucista doorashada, dacaayadda iyo ololaha waa la mamnuuci doonaa 24 saacadood, laga bilaabo lixda galabnimo ee maalinta Sabtida Ilaa inta doorashadu xidhmayso manta oo axad Axada, wararka iyo baahinta wararka dacaayadaha ah lama baahin doono.
Waxa kale oo mamnuuc ah in la saadaaliyo iyo faallooyinka natiijada doorashada ilaa 06:00pm ee Axadda.
Keliya bayaanada doorashada guddiga sare ee doorashada (YSK) ayaa la daabici doonaa inta u dhaxaysa lixda galabnimo iyo illaa sagaalka fiidnimo ee habeenka axaddu sii baxayso.
Wixii ka dambeeya sagaalka, baahinta oo dhan waa la fasixi doonaa, waxaana guddiga doorashada ee YSK laga filayaa in uu sii dejiyo xilligan baahinta la fasixi doono.
Saameynta natiijada doorashadan

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Turkiga oo uu labaatan sano xukumayay hal xisbi iyo Madaxweyne Erdogan oo marna kasoo ahaa raysal wasaare haddana ah madaxweynaha dalkaas, ayaa isbeddel weyn oo siyaasadeed ku leh dalal badan oo caalamka ka mid ah, kuwa islaamku haba u badnaadaane.
Waxaana la saadaalinayaa isbeddel weynin uu taas ku yimaad haddii uu Erdogan ku guul darreysto tartankan.
Kemal Kilicdaroglo iyo isbahaysigiisa ayaa lagu tiriyaa (isaguna qirtay) in uu siyaasadda reer galbeedka waafaqi doono sidaas darteedna waxaa la filayaa sida uu qabo Dr. Daahir Xuseen caddaawe oo darsay taariikhda iyo siyasadda dalaka islaamka isla markaana muddo la shaqeynayey wadaaradda dhaqanka iyo dalxiiska ee Turkiga, in haddi uu Kemal soo boxo "xiriirka Turkiga iyo carabtu uu daciifi doono isla markaana indhaha Turkigu ay xagga Galbeedka u jeedsan doonaan," ayuu yiri Dr Daahir.
Muddooyinkii u dambeeyay Turkiga ayaa aad uga dhex muuqday dalalka Islaamka Sida Suuriya oo deris la ah taageerana uu siinayey jabhadda xorta ah oo dagaal kula jirta Madaxweyne Bashaar Al Asad , Ciraaq oo uu ku beegsado daacish iyo kooxaha uu Turkigu u aqoonsan yahay argagixisada iyo Liibiya oo uu taageero siinayey dawladda dagaalka kula jirta Jenaraal Xaftar.
Dhanka kale dalal ay ka mid tahay Soomaaliya oo Turkiga la leh xiriir aan gaar ah ayey aad u saameyn doonta haddi Erdogan uu waayo xilka. Halkan ka eeg saameynta ay Soomaaliya ku yeelan doonto natiijada doorashada Turkigu.
















