Maxaa iska beddeli kara xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga haddii laga guuleysto Erdogan?

Turkiga

Xigashada Sawirka, VS

Qoraalka sawirka, Ciidan lagu tababaray Turkiga
    • Author, Fatuma Maalim Abukar
    • Role, BBC News Somali

Dadka reer Turkiga ayaa maanta u dareeray codbixinta doorashada ugu muhiimsan ee dalkaas soo marta, si ay u go'aansadaan in Recep Tayyip Erdogan uu weli sii noqdo madaxweynahooda kaddib 20 sano oo uu xilka hayay.

Ninka ay aadka isku hayaan ee Kemal Kilicdaroglu, ayaa wacad ku maray inuu cagta marin doono awoodo badan oo Madaxweyne Erdogan uu sameeyay kaddib afgembigii guuldarreystay sanadkii 2016.

Ninkan oo taageero badan ka heysta axsaab mucaarad ah oo si baheystay, ayaa fursad dhab ah u heysta inuu guuleysto.

Balse tartanka ayaa noqday mid aad u adag iyadoo dhinacyada ay galeen loollan adag.

Madaxweyne Erdogan ayaa muuqaal laga duubay isagoo ballaarinaya shuruucda doorashada xilli uu xalay u khudbeynayay dad ku cibaadeysanayay Istanbul.

Si ay ugu guuleystaan maanta doorashada, qofka guuleysanaya wuxuu u baahan yahay in ka badan 50% codbixinta. Haddii kale waxaa labo toddobaad gudahood laysla aadi doonaa mid ku celis ah.

Waxaa la saadaalinayaa in Madaxweyne Erdogan uu loollan adag la kulmayo doorashadan.

Siduu ku billowday xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga?

Turkiga

Xigashada Sawirka, Anadolu

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaho (B) Erdogan (M)

Dowladda madaxweyne Erdogan ayaa sanadihii ugu dambeeyay xiriir dhow la lahayd Soomaaliya.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

In ka badan toban sano kahor, markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaas ahaa raysal wasaare, ayaa booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, wuxuu xilligaas noqday hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda Soomaalida.

Xilligaas Soomaaliya waxay wajaheysay xaalad abaar oo ba'an, waxaana booqashada Erdogan ay Soomaaliya kusoo jiidday indhaha caalamka.

Muhiimadda Turkiga ee Soomaaliya ayaa xilligaas ahayd in gargaar bani'aaannimo uu gaarsiiyo dadka ay saameysay abaarta, oo ahayd tii ugu ba'neyd ee soo marta Soomaaliya muddo 60 sano ah.

Si ay u fududaato gargaarka la gaarsiinayo dadkaas, wuxuu Turkigu bilaabay inuu mashaariic waddooyin iyo kaabayaal kale ka hirgeliyo dalka, iyadoo safaaradda Turkigana laga furay Muqdisho.

Ururrada dowladiga ah iyo kuwa bulshada rayidka ee Turkiga ayaa gargaar bani'aadannimo gaarsiinayay Soomaaliya, iyagoo dhisayay iskuullo deeq waxbarashadana siinayay ardayda Soomaaliyeed.

"Xiriirka labada dal wuxuu so billowday sanadkii 2011 kaddib booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Erdogan, halkaas waxaa ka billowday xiriir dhowr weji leh oo iskaashi dhanka horumarka, bani'aadannimada iyo baayac-mushtarka, dhaqaalaha," ayuu yiri Cabdiweli Sayid oo falanqeeya arrimaha xiriirka caalamiha ah.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Turkiga ay waayadii dambe qeyb weyn ka ahayd dhisidda hay'adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, ciidanka dolwadda.

"Sidaan ka war qabno Turkiga waxay Muqdisho ku leeyihiin saldhig wyen oo lagu tababaro ciidanka Soomaaliya ee qeybta weyn ka ah sugidda amniga dalka. Marka waa xirir dhinacyo badan leh, labada Tukriga iyo Soomaaliyana la dhihi karo wax badan ayay ku kala faa'iideen"

Iyadoo Soomaaliya ay caawinaad badan ka hesho Turkiga, faa'iidana ay ku qabto, waxaa isna dhankiisa Soomaaliya faa'iido ku qaban Turkiga.

"Soomaaliya waa dal ku yaalla Geeska Afrika, kuna yaalla mandiqad istaraatiiji ah, isla markaasna qeyb ka noqon kara danaha Turkiga, siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ee sii xoogeysaneysay tan iyo intii xisbiga talada haya ee dalka uu yimid.

"Soomaaliya waa dla muhiim ah. Dalal fara badan oo aan Turkiga ahayn baana jooga. Turkiga wuxuu uga duwan yahay in Soomaalida iyo Turkigu ay danahooda qaranka ay is waafaqayaan oo ay wax kala faa'iidi karaan. Halka laga yaabo in dalla fara badan oo Soomaaliya daneeya ay iska hor imaanayaan danka qaranka ee Soomaalida, taasoo khatar ku ah dib u dhiska Soomaaliya,"

Maxaa iska beddeli kara xiriirkan haddii Erdogan uu ku soo bixi waayo doorashada?

Turkiga

Xigashada Sawirka, BOOLISKA SOOMAALIYA

Cabdiweli Sayid ayaa sheegay in Soomaaliya ay un qeyb ka ahaaneyso isbeddelka laga yaabo inuu ku yimaado siyaasadda arrimaha dibadda ee Tukriga.

"Musharraxa la tartamaya Erdogan waa nin ay wataan reer Galbeedka. Waa nin aaminsan in Turkigu ku laabto reer Galbeed wixii ka horreeyay siduu ahaan kahor inta uusan imaan xisbiga talada haya. Si loo soo afjaro siyaasadda firfircoon ee Tukrigu la leeyahay dalalka deriska, dalalka bariga, dalalka Afrika,"

Wuxuu Cabdiweli sheegay inay meesha ka baxayso siyaasaddii madaxa bannaaneyd ee Turkiga ee ku aaddaneyd Geeska Afrika gaar ahaanna Soomaaliya.

"Sidaas darteed Turkiga wuxuu marti uga ahaan doonaa Geeska Afrika iyo Soomaaliya awoodaha reer Galbeedka. Sidaa darteed ma yeelan doono Turkiga rabitaan iyo siyaasado u gaar ah oo ku aaddan Soomaaliya iyo dalalka Afrikaba,"

Marka la fiiriyo axsaabta ka soo horjeeda Erdogan waxaa muuqata in Turkigu uu dib uga bixi doono meelihii uu saameynta ku lahaa, sida uu sheegay Cabdiweli.

Muxuu xaalkooda noqon doonaa Soomaalida iyo ajaanibta kale ee ka ganacsada Turkiga?

Turkiga

Ajaanibta Tukriga tagayay oo Soomaaliduna ay ka mid tahay ayaa qeyb ka ahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Tukriga, oo ku saleysneyd in dalka Turkigu uu yahay dal taariikh fog leh, oo dalalka deriska la ah iyo kuwa Muslimiinta iyo dalalka kale ee caalamkaba ay yihiin kuwo xiriir fog leh oo ay tahay in kuwooda masaakiinta ay Tukriga yimaadaan kana shaqeystaan.

"Haddii hoggaanka Turkiga uu ku yimaado isbeddel waxay u badan tahay inay arrintaas isbeddeli doonto. Isla markaana Turkigu, sida ay haddaba sheegeen mucaaradka haddii ay guuleystaan inay bixi doonaan muhaajiriinta ama dadka faraha badan ee ku nool ee qaxootiga ah uguna badan yihiin Suuriyiinta iyo Ciraaqiyiinta." Ayuu yiri Cabdiweli Sayid.

Wuxuu intaas raaciyay in Soomaalida ay la mid yihiin dadkaas ajaanibta ah, oo siyaasaddii loo adeegsado uun ay qeyb ka noqon doonaan.