Maxay Turkiga uga dhigan tahay in mar kale uu Erdogan majaraha u qabto?

Xigashada Sawirka, BBC/OZGUR ARSLAN
Recep Tayyip Erdogan, oo ah hoggaamiyaha Turkiga, kadib labaatan sano oo uu xukunka hayay, kana qayb galay in ka badan 12 doorasho, ayaa wuxuu yaqaanaa sida loo kiciyo dadka. Shirkii tagsiilayaasha magaalada Istanbul, dadku kama dhergin khudbadiisa.
Si wanaagsan ayuu dadkii u xakameeyay. Dadku way u sacbiyeen oo u sacab tumayeen mar kasta oo la xuso Erdogan - wayna ku orinayeen mucaaradka. Goobtu ayaa waxay ahayd xarun shirarka, oo dhinaca ku heysa biyaha kala bara magaalada Istanbul, taasoo la dhisay intii uu duqa magaalada ka ahaa.
Markii uu madaxwaynuhu khudbadiisii u dambaysay la gaaray, ayaa waxaa dareenkii dadka uu gaaray halka ugu sarreysa, iyagoo leh: “Qaran, hal calan, hal dal, hal dawlad”. Halkaa marka ay marayso, qaar badan oo ka mid ah darawallada waayeelka ah, ayaa istaagay oo gacmahooda ayey isku garaacayeen, ama kor u qaadayay hal gacan oo salaan ah.
Ayesha Azdoghan, oo ah haweeney si asturan usoo lebisatay, ayaa waxaa ku wehliyey isku soo baxa ninkeeda, oo ahaa darawal tagsi, si ay u maqasho dhammaan erayada hoggaamiyaheeda. Kursiga agtiisa, ayaa waxaa u yaal bakoorad. Way ku adag tahay inay socoto, laakiin haddana iyadoo ay taasi jirto, ayay haddana ytimid goobta.
Iyadoo aad u dhoola caddeynaya ayay tiri: "Erdogan waa wax walba." Markii hore ma aadi karin cisbitaalka, laakiin hadda meel kasta waan tagi karaa. Waxaan leennahay baabuur. Wax walba waan haysannaa. Waddooyinka wuu hagaajiyay. Masjid buu dhisay. Wuxuu dalka ka hir galiyey tareenno dheereeya, iyo khadadka tareennada dhulka hoostiisa mara.

Xigashada Sawirka, BBC/OZGUR ARSLA
Dhambaalka qaran ee madaxweynaha, ayaa kasbaday quluubta dad badan, oo uu ka mid yahay Kader Gavlioglu oo 58 jir ah, oo 40 sano ahaa darawal ku shaqeeya basas-ka yar yar: “Waan jecelnahay dalkeena iyo qarankeena, waana sababta aan si buuxda ugu taageereyso madaxweynaha. "
"Waxaanu la nahay jaal oo waan taageersan nahay isaga ilaa iyo haatan, haddii qiimaha baradhada iyo basasha uu kordho ama hoos u dhaco," ayuu yiri. Madaxweynahayga qaaliga ah waa rajadayada."
Dadka Turkiga ayaa bishani waxey u dareereen iney codeeyaan, iyagoo markaa la socdo xaaladda dhaqaale ee dalkooda. Qiimaha cunnada, ayaa cirka isku shareeray. 43% sicir bararka, ayaa dhabarka ka jabay dadka dalkani.
Laakiin mar kale, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan - oo dhaqaalaha gacanta ku haya iyo wax badan oo kale - ayaa ku guuleystay boqolkiiba 49.5 codadkii la dhiibtay.
Waddan kala qaybsan
Ninka la tartamayay Erdogan, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka cilmaaniga ah, Kemal Qalicdaraglu, ayaa ku guuleystay 44.9 boqolkiiba codadkii la dhiibtay ee doorashada. Natiijo ahaan, codbixiyaasha dalkan laba-geesoodka, ah ayaa kala qaybsamay - iyo masaafada u dhaxaysa labada dhinac ee aadka isaga soo horjeeda waxay ahayd boqolkiiba 4 oo keliya.
Senan Oghan, oo ahaa musharraxa xagjirka ah ee ku guuleystay boqolkiiba 5.2 ee codadka lama filaanka ah, ayaa sababay in doorashada loo gudbo wareegga labaad. Hadda waxa uu taageeray Madaxweyne Erdogan.
Mr. Erdogan ayaa waxa uu qarka u saaran yahay inuu guulaysto, inkasta oo wareeggii koowaad uu cashar adag ka bartay, waa in uu aad uga taxadaraa doorashada wareegga labaad.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waa maxay sababta, inkasta oo ay jirto dhaqaale xumo, oo ay dawladdu si gaabis ah uga jawaabtay laba dhul-gariir bishii Febraayo oo ay ku dhinteen ugu yaraan 50,000 oo qof. Haddaba, inta badan codbixiyayaasha, maxey wali u garab taagan yihiin Erdogan?
"Waxaan u maleynayaa inuu yahay siyaasi cadcad oo aan la gamban afkaartiisa," ayuu yiri Professor Solly Özel, oo xiriirka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Kader Has ee Istanbul. Waxay kaloo uu soo jiitaa dadweynaha. Lama dafiri karo taas iyana. Awood isaga ka soo baxday, oo kasoo iftiintay weeyaan taasina. Tani waa wax aanu Qaliçdaraglu xamili Karin, kaasoo ah ruuxa la tartamaya Erdogan."
Kılıçdaroğlu, oo taageero ka haysta isbahaysi ay ku midaysan yihiin lix xisbi oo mucaarid ah, waxa uu ahaan jiray il rajo, iyo ballanqaadka xorriyadda iyo dimuqraadiyadda.
Balse markii uu ku guul darreystay wareeggii koowaad ee doorashada, waxa uu dib u gurasho xooggan u sameeyay garabka midig. Hadda sawirkii awoowgaa murugaysan, ayaa meesha ka baxay, waxaana booskiisii galay nin qaran-jecel. Sida laga soo xigtay saxafi Turki ah: "Waa tartan ilaa xadka ama soohdimaha la isla gaarayo."
Isku soo bax doorasho oo dhawaan dhacay ayuu Mr. Qalicdaraglu ku dhawaaqay: "Waxaan halkan ka cadeynayaa in haddii la ii doorto madaxweyne, inaan dhammaan qaxootiga ku celin doono dalalkooda."
Sida laga soo xigtay Mr. Mert, oo leh timo garabka gaaraya oo waliba dhererka leh iyo hilqado, ayaa carabka ku dhuftay in bulshada ay qarka u saaran tahay khatar.
Waxa uu yiri “Erdogan laftiisa ayaa nagu soo weerara hadal kasta iyo fursad kasta oo uu helo, maalinba maalinta ka dambeysa dowladdu waxay naga dhigtaa sidii inaan nahay cadaw.
Qarni cusub iyo Turkiga
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Dowladda waxay tiraahdo dadka ayay saameeyaan, waxaad ku dhex arkeysaa dadka kuugu dhow, xitaa qoyskaaga, haddii ay xaaladdu sidan ku sii socoto maxaa xigi doona, ugu dambeyntii waa inaan mar walba ku noolaanno feejignaan, mar walbana aan ku jirno. xiisad iyo cabsi had iyo jeer ah."
Saynab - oo indho madow leh, gacmaheedana dhaqdhaqaajisa marka ay hadlayso – ayaa wali waxay rajaynaysaa waa cusub, laakiin way og tahay in wakhtigan oo kale uusan iman. "Waxaan ahay 21 jir waxayna xukunka hayeen 20 sano ," ayey tiri.
"Waxaan rabaa isbedel, haddii aanan arkin isbedel, waxaa nala soo darsi doonta murugo iyo cabsi, waxay nagu qaadi doonaan weerar dhank afkaarta ah inta badan, waxay qaadan doonaan mushaharkayaga, waxaan qabaa inay mamnuuci doonaan waxyaabo badan oo kale. Laakin mar labaad wax baan sameyn doonaa waanan sameyn doonmaa, innagoo dagaal xoogan qaadi doonna, oo dhanka codeynta ah."
Maalinta Axadda, iyadoo Turkiga uu qarka u saaran yahay isbeddello, codbixiyeyaashu ayaa waxay u dareeri doonaan goobaha codbixinta ee wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada markii ugu horreysay taariikhda.
Ku dhawaad 100 sano, ayaa ka soo wareegtay markii la aasaasay jamhuuriyadda dalka Turkiga, iyadoo uu seeska u dhigay, Mustafa Kemal Atatürk, isagoo ku hoggaamiyey dhanka jamhuuriyad cilmaani ah.
Recep Tayyip Erdogan, ayaa wuxuu ballan qaaday in qarnigan "qarnigii Turkiga" cusub haddii la doorto.
Taageerayaashiisa ayaa sheegay inuu la imaan doono horumar badan, iyagoo u rajeynaya inuu dalkani Turkiga gaarsiiyo heer uu yeesho awood xooggan. Kuwa dhaleeceeya, ayaa sheegaya in uu noqon doono sida Atatürk oo kale, isla markaana uu u horseedi doono dalkani inuu noqdo wadan Islaami ah, uuna yeelan doono mustaqbal madow.













