Doorashada Turkiga oo dhinac kasta ay niyaddu u dhisan tahay, maxaase la fili karaa wareegga 2aad?

Xigashada Sawirka, YAVUZ OZDEN VIA GETTY IMAGES
- Author, Farah Lamaane
- Role, BBC Somali
Loolanka madaxtinimada Turkiga ayaa wuxuu galay marxalad kale. Waxaa la isla aaday doorasho ‘kala bax’ ah oo dhex maraysa Madaxweynaha xilka haya Recep Tayyip Erdogan oo helay %49.4 codadkii la dhiibtay, iyo Kemal Kilicdaroglu oo helay %45.
Sida nidaamka doorashadu uu dhigayo, haddii uusan jirin murashax %50 ka badan haysta, labada murashax ee ugu codadka badan ayaa doorasho wareeg labaad ah galaya.
Labada musharrax ee ugu sarreeya iminka guul ayey sheegteen, laakinse ma aha guul ay ku naalloon karaan oo u saamaxaysa in kursiga ay ku guulaystaan.
Erdogan oo muddo 10 sano ah madaxweyne soo ahaa, wuxuu rabaa in 5 sano oo dheeraad ah mar kale loo codeeyo.
Xisbigiisa AK party iyo kan ay xulafada yihiin ee MHP waxay ku guulaysteen 316 kursi oo ka mid ah 600 ee kursi ee baarlamaanka sida ay sheegeen tirooyinka hordhaca ah ee guddiga doorashada.
Qolyaha mucaaradka ku ah Erdogan waxay xoogooda oo dhan isugu geeyeen hal murashax oo tartanka la gala Erdogan, waana tan codadka badan u soo jiidday Kemal Kilicdaroglu.
28 Maajo waxaa dib la isugu celin doonaa Kilicdaroglu iyo Erdogan, waxaana tartanka ka haray labadii musharax ee kale.

Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY
Arrimaha ay labada dhinac ololaha u adeegsadeen
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Musharaxiintu waxay isku hayaan dhowr arrimood, oo go’aanka codbixiyeyaasha saameyn ku leh:
Dhaqaalaha: Turkigu waa dhaqaalaha 19aad ee dunida ugu weyn. GDP-giisu waxa uu gaaraya 906 billion Doollar. Intii u dhaxeysay sanadihii 2006-2017, dib-u-habeyn ay samaysay xukuumadihii uu Erdogan hoggaaminayay waxay kor u qaadday dhaqaalaha, hoosna u dhigtay saboolnimada iyo shaqo la’aanta.
Balse, dhowrkii sano ee ugu dambeeyay kobaca dhaqaalaha Turkigu hoos ayuu u dhacay, taasoo sababtay cadaadis gudaha iyi dibadda ah. Waxaa sare u kacay badeecooyinka Turkigu soo dhoofsado, waxaa kordhay sicir bararka iyo shaqo la’aanta. Caabuqii Covid-19, dhulgariirkii horraantii sanadkaan iyo dagaalka Ruushka iyo Yukrayn ayaa saameeyay dhaqaalaha.
Qaxootiga iyo soo-galootiga: Turkiga waxaa ku dhaqan qaxooti gaaraya 7 milyan, oo u badan Suuriyaan, Afgaanistaan iyo Pakistaan. Dhaqaala xumada dalka soo foodsaartay waxay abuurtay naceyb iyo qaxootiga in lagu eedeeyo inay culays dhaqaale dalka ku hayaan.
Hoggaamiyaha mucaaradku wuxuu ku dhawaaqay inuu qaxootiga iyo soogalootiga dalalkooda u tarxiiyo hadduu xilka madaxtinnimo ku guulaysto. Madaxweyne Erdogan dhankiisu waxa uu dhowaan sheegay qaxootiga Suuriya in dalkooda dib loogu celiyo, oo xukuumaddiisu ay wadaxaajood arrintaas la xariira la furtay nidaamka Suuriya ee uu hoggaamiyo Bashaar Assad.
Siyaasadda Arrimaha Dibadda: Turkiga waa xubin xulafada NATO ee Maraykanku hoggaamiyo, muddo dheerna waxa uu ku saf ahaa dalka Reer Galbeedka. Balse Madaxweyne Erdogan waxa uu dejiyay siyaasad arrimo dibadeed,taasoo uu sheegay inay sare u qaadday magaca Turkiga ee fagaarayaasha dunida.
Waxa uu xariir la yeeshay dalalka Carabta, Afrika, Aasiya iyo Latin Amerika. Waxa uu horumariyay awooddisa difaaca asagoo abuurtay warshadaha hubka soo saara, una dhoofiyay caalamka. Waxa uu shidaal ka baaray badaha Mediterranean iyo Black Sea. Waxa uu kasoo horjeestay siyaasadda Israa’iil ee Falastiin, oo uu ku sheegay mid gumeysi iyo midabtakoor ah. Waxa uu gantaallada difaaca cirka kasoo iibsaday Ruushka, taasoo ka caraysiisay Maraykanka. Waxa uu iska diiday inuu ku biiro go’doominta Reer Galbeedka ee Ruushka kadib duullaankiisa Ukrayn. Dad badan waxay u arkaan arrimahaan inay ka leexisay Turkiga siyaasadda xulafada NATO.

Guusha ay doonayaan musharraxiinta
"Dalkeenna haddii uu yiri wareeg labaad aada, waan ku guulaysan doonnaa wareegga labaad” ayuu yiri Kilicdaroglu oo taageerayaashiisa kula hadlayey xarunta xisbiga ee Ankara.
Mr Kilicdaroglu oo ah 74 jir doorashooyin hore u soo istaagay, hase yeeshee ku guul darraystay, Wuxuu aaminsan yahay in haddiiba ay %4 u dhaxeeyaan isaga iyo Erdogan inuu ka qaadi karo guusha, wuxuuna ku tashanayaa codad dheeraad ah inuu kasban karo.
Erdogan wuxuu madaxweyne soo ahaa tan iyo Agoosto 2014, horena wuxuu u soo noqday ra’iisul wasaare, 2003 – 2014. Wuxuu doorashadan ku ogaaday awooddiisa inta ay gaarsiisan tahay iyo tan mucaaradka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fursadaha ay haystaan
Labada dhinacba waxay haystaan fursad laba usbuuc ah oo ay dib ugu eegi karaan istaraatijiyadooda, dibna doorasho ugu diyaar garoobi karaan; waa laba todobaad oo siyaasiyiin iyo codad la kala xod-xodan doono.
Doorashadan waxay dibadda soo dhigtay kala qaybsanaanta dadka Turkiga ee markii ugu horreysay ku wajahan hogaanka dalka muddo 100 sano ka hor laga joogo, tan iyo xilligii Mustafa Kamal Ataturk. Waxaa meesha ka baxday saadaal ay sameeyeen reer galbeedka oo ahayd in Kilicdaroglu uu noqon doono madaxweynaha 13aad iyo Erdogan oo taageero badan oo uu ku tashanayey aysan meesha ka soo bixin.
Taageerada Musharrixiinta ka haray tartanka
Erdogan iyo Kilicdaroglu waxay doonayaan inay xaqiijiyaan sidii ay u soo jiidan lahaayeen labadii murashax ee tartanka ka haray oo, inkastoo aysan codadkoodu badnayn haddana kaalmo u noqon kara ciddii ay siiyaan. Gaar ahaan waxaa aad loo isha loogu hayaa Sinan Ogan oo helay %5.2. Dhinicii uu raaco ayaa aad loogu badinayaa in doorashada uu ku guulaysto.
“Hore mucaaradka ayuu uga tirsanaa laakin mid ka mid ah xisbiyada ku jira isbahaysiga uu musharraxa u yahay Kilicdaroglu ayuu diiddan yahay, wuxuuna doonayaa in laga saaro isbahaysiga. Mucaaradka uma malaynayo inuu taa yeeli doono, waayo haddii isbahaysiga laga saaro xisbigaas kurdiyiinta, codad badan oo ilaa %15 ah ayey luminayaan mucaaradka. Sidaa darteed ilama aha inay %5 ku doorsan karaan %15” ayuu yiri Cabdinuur Daahir oo aad u indha indheeya arrimaha Turkiga.
Mucaaradka waxaa dul saaran daruur hubaal la’aaneed, inkastoo ay weli ku haminayaan in saaxiibkood uusan meel cidla ah uga tegi doonin oo uu guusha u xaqiijin doono. Erdogan wuxuu isagu doonayaa oo kaliya wax ka yar %1. Haddii ay kala boodaan mucaaradka iyo Sinan Ogan waxay sii xoojinaysaa rajadiisa ah inuu mar kale madaxweyne noqdo.
Ilaa hadda labada dhinac wax dhibaato ah kama sheegan guddiga doorashada, mana jiraan wax is daba marin ama maamul xumo ay arkeen muraaqibiinta doorashada.










