Maxay tahay tallaabada Soomaaliya iyo dalal kale ay qaadeen ee ka dhanka ah Iiran?

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod ku diiday in si joogto ah loo qaado cunaqabataynta dhaqaale ee saaran Iiraan, tallaadaban ayaa la xiriirta barnaamijkeeda Nukliyeerka. Go'aanka ayaa dhibaato dhaqaale ku ah Iiran.

Tehran waxay arrintaas ku tilmaantay "mid siyaasadeysan oo eex ah."

Danjiraha joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa jimchii sheegay inay falkani yahay mid lagu deg degay.

"Fcilka maanta la qaaday waa kuwo deg-deg ah, aan loo baahnayn, isla markaana sharciga baal marsan. Iiraan wax waajib ah kama saarna in ay fuliso," ayuu yiri Amir Saeid Iravani, danjiraha joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay.

Xubnaha Golaha Ammaanka oo ka kooban shan iyo toban dal, afar dal oo ka mid ah ayaa u codeeyeen in la sii wado habkii khafiifinta cunaqabatayntii saarnayd Iiran halka sagaal wadan oo kale ay u codeeyeen in lagu soo celiyo cunaqatayntii saarnayd Iiraan ka hor heshiiskii 2015-kii, iyadoo laba dalna ay ka aamuseen.

Soomaaliya oo ku fadhida kursiga aan joogta ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kana mid ahayd dalalkii codaynta ka qayb galay ayaa kula biirtay dalalka Denmark, France, Greece, Panama, Sierra Leone, Slovenia, UK iyo Maraykanka in dib loo soo celiyo cunaqabatayntii saarnayd Iiraan ka hor heshiiskii ay wadagaleen quwadaha iyo Iiran.

Dalalka Ruushka, Shiinaha, Algeria iyo Pakistan ayaa u codeeyey in la sii wado hanaankii khafiifinta cunaqabateyntii saarnay Iiran.

Tallaabadan waxay dhaqaajisay nidaamka loo yaqaan "snapback", kaas oo dhigaya in dhammaan cunaqabatayntii Qaramada Midoobay ee jirtay ka hor heshiiskii nukliyeerka ee 2015 (JCPOA) si toos ah dib loogu soo rogo Iiraan marka la gaaro 28-ka Sebtembar, haddii aan horumar weyn oo diblomaasiyadeed la gaarin ka hor waqtigaas.

Qaraarka tirsiguusu ahaa 2231, kaas la ansixiyay bishii Luulyo 2015, ayaa dejiyay habka cunaqabataynta Qaramada Midoobay looga qaadi doono Iiran, iyada oo la samaynayo hab lagu soo celiyo haddii ay dhacdo "waxqabad la'aan weyn" mid ka mid ah kaqeybgalayaashii heshiiskaas sida Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka, UK, Maraykanka, Midowga Yurub (EU) iyo Iran.

Danjiraha Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Vassily Nebenzia ayaa sheegay in aysan jirin sababo sharci, siyaasadeed ama habraac ah oo lagu oggolaado habka "dib u dhac ah " ama in loo codeeyo xallinta qabyada ah, wuxuuna ku eedeeyay Faransiiska, Jarmalka iyo UK inay ku dhaqmeen si ka baxsan labadaba qaraarka 2231 iyo JCPOA.

Waxa uu sheegay in saddexdoodu ay ku guul-darreysteen inay raacaan habka xalinta khilaafka, taas beddelkeedana ay cunaqabatayn hal dhinac ah ku soo rogeen Iran, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay "sharci darro".

Sida la mida Danjiraha Ruushka, wakiilka joogtada ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay FU Cong, ayaa Ka digay khatarta ay leedahay degdegsiinta la xiriirta codbixinta qaraarka.

Wuxuu sheegay in ay jiraan "kala duwanaansho weyn" oo u dhexeeya xubnaha Golaha Ammaanka marka la eego fahamka nidaamka snapback.

Wuxuu uga digay Golaha in codbixin degdeg ah ay "kordhin karto iskahorimaadka dawladaha", taasoo carqaladayn karta dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo arrinta nukliyeerka Iiraan.

Danjiraha UK, ee Qaramada Midoobay, Barbara Woodward, ayaa hortimi arrinta ay soo jeediyeen dalalkaas, iyadoo sheegtay in go'aanka E3, ee dalalka Yurub ee ka qayb galay heshiiskii JCPOA, ay ku dhaqan geliyeen habraaca "snapback" uu ahaa "si buuxda u ah mid sharci ah, caddaalad ah, baaxad leh isla markaana waafaqsan shuruudaha Qaraarka 2231."

Iyadoo tixraacaysay wargelin la gudbiyey 28-kii bishii Agoosto ee sanadkan taas oo ay soo gudbiyen dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo UK.

"Waxa loo bahaan yahay si dib loogu soo celiyo habka Snapback, waa ogeysiis ka yimaada dowlad ka tirsan heshiiska JCPOA oo aaminsan in arrin gaar ahi ay tahay ku guul-darro weyn oo laga galay ballanqaadyadii lagu heshiiyay ee JCPOA." ayay tiri.

Sidaas oo kale danjiraha Faransiiska Jérôme Bonnafont, oo hadlayey ka hor codaynta ayaa xusay in barnaamijka nukliyeerka Iran ee sii xoogeysanaya iyo wada-shaqeynta hoos u dhacday ee ay la leeyihiin Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga ayaa tilmaamay in habka ''snapback" uu yahay mid lagama maarmaan u ah ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamka, iyo suurtagalnimada in la ilaaliyo daacadnimada nidaamka ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka ee caalamiga ah.

Heshiiska JCPOA – oo ay saxiixeen Iran, Mareykanka, Shiinaha, Ruushka iyo Midowga Yurub – ayaa Tehran ku ogolaatay in ay xaddido barnaamijkeeda nukliyeerka, si ay u hesho ka-qaadista cunaqabateynta.

Laakiin heshiiskaasi wuu burburay sannadkii 2018, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, uu ka baxay mudde xileedkiisii kowaad isagoo dib u soo rogay cunaqabatayn uu si gaar ah Mareykanku u saaray.