Ilhaan Cumar: "Waan ku faanaa hiddahayga Soomaaliyeed, taasina maaha wax ay iga qaadi karaan"

Muddo-xileedka labaad ee Madaxweyne Trump, marka kale waxaa la arkay hadallo ay warbaahinta isku dhaafsanayaan isaga iyo xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Kongareeska Maraykanka kana soo gasha gobolka Minnesota.

Ilhaan oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayuu Trump ku dhaliilay inaysan u sheegi karin sida dal loo maamulo iyadoo ka soo jeedda sida uu ku qoray bartiisa Social Truth ''dal sabool ah oo ay colaado ragaadiyeen isla markaana isku dayaysa in Maraykanka ay barto sida wax loo maamulo".

"Dalka Ilhaan Cumar ka soo jeeddo ee Soomaaliya, wuxuu la daalaa dhacayaa dawlad-dhexe oo daciif ah, saboolnimo joogto ah, gaajo, argagixiso mar kale soo kacaysa, budhcad-badeed, tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah, musuqmaasuq, iyo rabshado baahsan. Boqolkiiba 70 shacabku waxay ku nool yihiin saboolnimo aad u daran waxayna wajahayaan amni-darro iyo cunto yaraan baahsan."

Waa markii labaad ee Madaxweyne Trump uu duro dalka gabadhan ka soo jeeddo isagoo ereyo u ek sidaas oo kale sheegay intii uu u taagnaa xilka madaxweynaha muddo-xileedkiisii koowaad.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo la hadlaysay warbaahinta CNN ee Markaykanka ayaa xustay in ay ku faanto dhaqanka Soomaalida iyo inay ku dhalatay Soomaaliya

"Aniga waxaan ku dhashay, dabcan, Soomaaliya, taasoo uu madaxweynaha jecel yahay inuu xuso. Waxaan sidoo kale ku faanaa hiddahayga Soomaaliyeed. Taasi waa wax aysan iga qaadi karin. Waxaana rabaa in aan hal arrin sheego, taas oo madaxweynaha uu u baahan yahay inuu fahmo: ma aha suurtagal inuu xilka ka qaado xildhibaan weli shaqeynaya," ayey tiri Ilhaan Cumar oo CNN la hadlaysay.

Iyadoo ka jawaabaysay sababta ay u malaynayso in loo bartilmaameedsanayo ayey Ilhaan Cumar sheegtay" Dalkan waxaa ka jira nacayb badan oo loo qabo muslimiinta eh. Dalkan waxaa ka jira nacayb badan oo loo qabo dadka madowga ah, gaar ahaan dumarka madow. Waxaa jira nacayb badan, nacayb daran, oo muhaajiriinta ah" ayey intaas raacisay Ilhaan.

Falcelinta Soomaalida ee hadalkii Trump

Soomaalida ayaa siyaabo kala duwan baraha bulshada ugu falceliyey hadalka Madaxweyne Trump ka sheegay Soomaaliya.

Cismaan Axmed Muuse oo ku nool Muqdisho ayaa isagoo ka falcelinayey hadalka Madaxweyne Trump ka sheegay Soomaaliya isaga durayey Ilhaan Cumar waxa uu BBC-da u sheegay "Waxaa Nasiib darro ah in isaga iyo Ilhaan Cumar waxa ka dhaxeeya uu mar walba Soomaaliya soo qabsado oo toos u abaaro runtii waxaan dhihi lahaa arrinkaasi wax fiican maha Trump, Soomaaliya dowlad bay leedahay, siyaasiyiinta Soomaaliyeedna waxaa loo baahan yahay inay wax ka bartaan dadka Soomaaliyeedna waa maqlayaan dalkooda maalin walba lagu sheegayo kan ugu musuq maasuqa badan waa inaan darsi ka baranaa" ayuu yiri

Idiris Maxamuud Axmed oo isaguna ka falceiyey hadalkaas ayaa xusay in hadalka Trump uusan wax badan u dhimayn laakiin wuxuu xusay in hadda Soomaaliya meeshii ay toban sanno ka hor joogtay inaysan hadda joogin oo ka wanaaagsan tahay.

Cabdillaahi Sheekh Maxamed Nuur ayaase ka aragti duwan Idiris iyo Cismaan, isagoo tilmaamay "Soomaali haddii aa nahay in nala bahdilo annagaa sabab u ah waayo waxaan arkay dhalinyaradeenii oo qabiil isku haysata, maxaa horumar la gaara, sababta nagalu caayayo wax annaga nalaga arkay, Trump nama caayeen haddii annaga aan is dhiirigelin lahayn, Soomaaliya inay dowlad leedahay annaga og, Trump dalkiisu waqtigan oo kale waa Soo maray" ayuu yiri Cabdillaahi.

Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump?

Khilaafka u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo madaxweyne Trump ayaa muddo dheer soo taxnaa, xitaa muddo-xileedkiisii hore.

Xilligii uu Madaxweyne Trump ku jiray ololaha doorashada, waxaa aad loo xusuusta hadal uu ka yiri Soomaalida ku nool Mareykanka oo ahaa in falal argagixiso ay kusoo kordhiyen Minnesota, oo haddii la doorto uu ka hortagi doono qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta Soomaalida.

Waxaa kale oo aad loo xusuustaa hadal caan baxay oo ay tiri Ilhaan oo ahaa in dadka Minnesota aysan soo dhaweynin qaxootiga oo keliya, balse sidoo kale ay u diraan Washington, oo ay ula jeedday doorashadeedii maadaamma ay qaxooti ahaan dalka ku soo gashay.

Markii la dhaariyay lhaan Cumar aya waxay farta ku fiiqday arrimo ay kamid yihiin taageerada Trump uu siiyo dowladda Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, waxaana ay ku baaqday in Trump uu joojiyo taageerada uu siiyo xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka kau qaaday dalka Yemen.

Tan iyo markii la soo doortay Ilhaan Cumar, waxay fursad kasta oo soo marta u adeegsatay inay weerarto siyaasadaha Donald Trump, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa markii ay ka hadashay hakadkii ku yimid adeegyada dowladda kadib markii madaxweyne Trump uu aqalka Kongreska ka dalbaday dhaqaale lagu dhisayo derbiga xadka Mareykanka iyo Mexico, si uu u ansixiyo dhaqaalaha lagu kala wadayo adeegyada dowladda.