You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

78 qof oo ku dhintay duqayn haleeshay masaajid ku yaalla Suudaan

Ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. 78 qof oo ku dhintay duqayn haleeshay masaajid ku yaalla Suudaan

    Ilo-wareed sare oo dhanka caafimaadka ah ayaa BBC-da u sheegay in duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku dhufatay masjid ku yaalla gobolka Darfur ee dalka Suudaan ay ku dhinteen 78 qof.

    Weerarka El-Fasher ayaa lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah, balse Maleeshiyada ayaan sheeganin mas’uuliyada weerarka.

    Kooxdan ayaa ku sii xoogaysanaysa dagaalka ay ku doonayaan inay si buuxda gacanta ugu dhigaan magaalada go’doonsan.

    Waa magaaladii ugu dambaysay ee ay ku xoogan yihiin ciidamadu gudaha ​​Darfur ka dib in ka badan laba sano oo dagaal sokeeye ah oo dalka ka socday, waxaana ku nool ku dhawaad ​​300,000 oo rayid ah oo ku go'doomay dagaalka.

  2. Dalka Sudan duqeyn lala beegsaday Masaajid oo dad badan ku dhinteen

    Wararka ka imaanaya magaalada El Fasher ee gobolka Darfur ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday masaajid ay ku dhinteen ilaa afartan qof.

    Ciidamada RSF, oo ah maleeshiyo beeleed, ayaa dagaal kula jira ciidamada dowladda si ay ugala wareegaan magaalada, iyadoo dagaalka sokeeye ee Sudan uu sii xoogeystay.

    El Fasher ayaa ah goobta kaliya ee gobolka Darfur ee aysan maamulin. Warar maanta soo baxay ayaa sheegaya in dagaalyahannada RSF ay qabsadeen xero muhiim ah oo ay ku barakaceen dadka rayidka ah, oo lagu magacaabo Abu Shouk, iyo xarunta koox maleeshiyo ah oo ku xiran ciidamada Sudan.

    Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in ku dhowaad saddex boqol oo kun (300,000) oo qof oo rayid ah ay weli ku xayiran yihiin magaalada El Fasher iyadoo dagaalku uu socdo.

  3. Faransiiska oo joojinaya iskaashigii amni ee u la lahaa dalka Mali

    Wararka ka imanaya Paris ayaa sheegaya in Faransiisku uu joojiyay iskaashigii ka dhanka ah ururada Islaamiyiinta ah ee uu la lahaa Mali, isla markaana uu eryay laba diblomaasi oo u dhashay Mali -- oo la sheegay inay yihiin saraakiil amni.

    Tallaabooyinkan la soo sheegay ayaa yimid ka dib markii bishii hore la xiray sarkaal amni oo Faransiis ah oo ka tirsan safaaradda Bamako loogana shakiyay inuu doonayay inuu xasillooni darro ka abuuro Mali.

    Mali ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in shan diblomaasi oo Faransiis ah ay yihiin persona non grata (dad aan dalka laga rabin)-- laakiin waxay ka tageen Mali dhammaadkii usbuuca.

    Diblomaasiga Faransiiska ah ayaa lala xiray dhowr sarkaal oo sare sare oo ka tirsan ciidamada militariga Mali.

  4. Maxey Africom ka tiri duqeyntii dhawaan ka dhacday agagaarka magaalada Badhan?

    Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shalay xaqiijiyey in ay duqeyn ka fuliyeen agagaarka magaalada Badhan ee Soomaaliya 13-kii September, iyagoo sheegay in ay beegsadeen “ganacsade hub u iibinayay Al-Shabaab.”

    Mar ay BBC Somali waydiisay AFRICOM in qofka duqeynta lagu dilay uu ahaa caaqil Cumar Cabdullaahi, talisku wuu ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah.

    Lt. Col. Doug Halleaux oo ka tirsan Xafiiska Warfaafinta AFRICOM,lana hadlay ayaa BBC u sheegay:

    “Si loo ilaaliyo amniga howlgalka, faahfaahin kale kama hayno hadda marka laga reebo waxa ku qoran war-saxaafadeedka.”

    Wuxuuna ku daray in AFRICOM “si dhab ah u tixgaliso eedeymaha la xiriira waxyeellada rayidka” isla markaana ay soo saarto warbixino saddexdii biloodba mar oo ku saabsan kiisaskaas. Hase yeeshee ma uusan caddeyn in baaritaan gaar ah laga sameynayo duqeyntan.

  5. Taliban oo jaamacadaha ka mamnucaday buugaagta haweenku qoreen

    Dowladda Taliban ee Afgaanistaan ayaa mamnuucday buugaag ay qoreen haween, waxaana laga saaray jaamacadaha, iyadoo amar cusub lagu soo rogay.

    Amarkan cusub, waxaa sidoo kale lagu mamnuucay barashada maadooyinka sida xuquuqda aadanaha iyo tacaddiyada jinsiga ah.

    Taliban waxay mamnuuceen 680 buug, oo ay ku jiraan ku dhawaad 140 buug oo ay qoreen haween, oo ay ka mid tahay buugga "Badbaadada Shaybaarka Kiimikada."

    Taliban waxay sheegeen in buugaagtani ay ka hor imaanayaan siyaasaddooda iyo shareecada Islaamka.

    Jaamacadaha waxaa sidoo kale la faray in aysan wax ka dhigi karin 18 maaddo, kuwaas oo saraakiisha Taliban ay sheegeen in aysan waafaqsanayn mabaadi’da shareecada iyo siyaasadda nidaamka.

    Amarkan waa tallaabo kale oo qayb ka ah xayiraado taxane ah oo Taliban ay kusoo rogeen dalka afartii sano ee la soo dhaafay.

    Toddobaadkan, internet-ka fiber optic-ga ayaa laga mamnuucay ugu yaraan 10 gobol, iyadoo uu amray hoggaamiyaha ugu sarreeya Taliban, waxaana saraakiisha sheegeen in ujeeddadu tahay in laga hortago akhlaaq xumada.

  6. Madaxweynaha Faransiiska oo sheegay inuu filayo in cunna-qabateyn lagu soo rago Iran

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Khamiistii sheegay in uu filayo in cunaqabatayn caalami ah dib loogu soo rogo Iran dhammaadka bishan.

    Wuxuu hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyay TV Israel.

    Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, weriyuhu wuxuu Macron weydiiyay haddii cunaqabateynta la saarayo barnaamijka nukliyeerka ee Iran la soo celin doono 'dhammaadka bishan'?

    "Haa. Waxaan u maleynayaa sidaas, sababtoo ah macluumaadka ugu dambeeyay ee ka imanaya Iran ma lahan miisaanka ay mudan tahay."

    Bishii hore, Ingiriiska Fransiiska iyo Jarmalka waxay bilaabeen hanaan lagu soo celinayo cunaqabataynta Qaramada Midoobay.

    Habka dib-u-soo-celinta waa qodob si toos ah dib u soo rogaya dhammaan cunaqabataynta adag ee Qaramada Midoobay ee jiray ka hor 2015 haddii loo arko in Iran ay ku xadgudubtay shuruudaha heshiiska nukliyeerka.

  7. In ka badan 30 qof oo dalka Congo ugu geeriyooday cudurka Ebola

    Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Khamiistii sheegtay in 48 xaaladood oo Ebola ah laga xaqiijiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayna dhinteen 31 qof.

    "Waxaa laga joogaa laba toddobaad markii ay dawladda DRC ku dhawaaqday cudurka Ebola... Ilaa hadda, 48 xaaladood ayaa la xaqiijiyay..., waxaana dhintay 31 qof," ayuu yiri madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus isagoo warfidiyeennada kula hadlay muuqaal xarunta WHO ee Geneva.

    Kiisaska cudurka, oo ah kuwii ugu horreeyay ee dalka lagu arko muddo saddex sano ah, ayaa lagu dhawaaqay horraantii bishaan Sebtembar.

    Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa Axaddii sheegtay inay bilowday tallaalka shaqaalaha caafimaadka ee safka hore iyo kuwa xiriirka la sameeyay dadka uu ku dhacay fayraska Ebola ee gobolka Kasai ee Congo, halkaas oo laga shaaciyay cudurka.

    WHO ayaa sheegtay in 400 ee talaal ee ugu horreeyey talaalka Ebola ee Ervebo, oo ka mid ah 2,000 oo talaal oo keyd ah la geeyay Bulape, oo ah halka uu ka dillaacay cudurku.

  8. Mareykanka oo codka qayaxan ku diiday qaraar lagu dalbanayo xabad-jooin degdeg ah oo ka dhacda Qasa

    Mareykanka ayaa mar kale Israa’iil u muujiyay garab istaag intii lagu guda jiray shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isagoo hor istaagay qaraar lagu dalbanayo xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Qasa.

    Waa dalka kaliya ee ka codeeyay qoraalka la soo bandhigay, xilli ay Washington ku baaqaysay in la sii daayo dhammaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee la haysto.Masuul Maraykan ah ayaa sheegay in qaraarka uu ku guuldareystay inuu cambaareeyo Xamaas ama uu aqoonsado xuquuqda Israa'iil u leedahay inay is difaacdo.

    Safiirka Algeria ayaa raaligelin ka bixiyay dadka reer Falastiin guuldaradii ku timid ilaalintooda. Goor sii horreysay, masuul ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay xaaladda magaalada Qasa " masiibo".

  9. Kulan wanaagsan, kuna soo dhawaada BBCSOMALI

    Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da. Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxa aad kala socon kartaa baraha bulshada sida Facebook, Youtube, X iyo barta internet-ka ee bbcsomali.com