You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Trump oo amray in ciidamo la geeyo Portland, oggolaadayna in la adeegsado "xoog buuxa."

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

Tebin toos ah

  1. Maxay yihiin arrimaha ay badda iyo difaaca ka mid yihiin ee ay warka ka soo saareen ciidamada Itoobiya?

    Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan "dhibaato kasta oo la xiriirta amniga" iyagoo ilaalinaya danaha qaranka.

    Afhayeenka ciidamada difaaca, Sareeye Guuto Getnet Aadan, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay sidaas isagoo soo qaaatay tusaalooyinka danaha qaranka ah oo ay ka mid yihiin: "xuquuqda isticmaalka biyaha" iyo "arrinta ku saabsan badda."

    Taliyaha waaxda shaqaalaha ciidamada, Lieutenant Jeneral Achalu Shallamee, ayaa sheegay in dallacaaddii dhawaan la siiyay saraakiil sare oo ciidamada ka mid ah ay ahayd mid laga fiirsaday oo lagu eegay howlaha iyo waajibaadka dheeraadka ah ee ay qaadayaan.

    Labada jeneraal ayaa warbixintan siiyey Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.

  2. Turkiga oo ka laabtay shuruuc uu caalamka ugu soo rogi lahaa sida loo sameeyo kabaabka

    Isku day Turkigu ku doonayay in uu ku qasbo dukaamada kebaabka lagu iibiyo ee Midowga Yurub in ay u hoggaansamaan sharciyo adag oo ku saabsan sida loo sameeyo kebab doner-ka ayaa laga noqday.

    Haddii dalabka summada "Dammaanad-qaadka Takhasuska Dhaqanka" uu guulaysto, xaddidaad ayaa lagu soo rogi lahaa noocyada maaddooyinka la isticmaali karo marka cunnadan la sameynayo.

    Wershadaha kebabka ee Jarmalku ayaa si gaar ah ay tan u saameyn lahayd, maaddaama ay tobneeyo sano isku dayayeen in kabaabkoodu ka duwanaado kii asalka akaa ee Turkiga.

    Mas'uuliyiinta Turkiga ayaa ku dooday in cunnadan loo tixgeliyo inay tahay mid qaran oo ku faaftay Yurub maaddaama dadka Turkidu ku baaheen dunida. Laakiin saraakiisha Jarmalku waxay sheegeen in kabaabku noqday qayb ka mid ah cunnada qarankeeda.

    Habka dhaqan ee loo sameeyo hilibka oo lagu dubo bir la suray ayaa soo jiray tan iyo Qarnigii 16-aad, sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Doner-ka Turkiga (Udofed), magaca doner ayaana ka yimid isla farsamada loo kriyo.

    • Haddii Midowga Yurub uu shuruuc isku mid ah kusoo rogi lahaa inta midowga ka tirsan waxaa laga rabi lahaa:
    • In hilibku uu noqdaa kan lo’ da’deedu ka weyn tahay 16 bilood, lax ugu yaraan lix bilood jirta amaba cajarrada iyo naasaha digaagga
    • Hilibka lo’da dheylada iyo digaagga nooca Turkey ayaa la mamnuuci lahaa
    • Hilibka waxaa qasab ahaan lahayd in loo jaro sida cufka 3-5mm
    • Nooca mindida ayaa ahaan lahayd mid goonni ah waxaana la jaangoyn lahaa waxyaabaha la marinayo ee dhadhanka u yeelaya
  3. Iran oo looga digay inaysan kordhin xiisadda ka dib cunaqabateyntii dib loogu soo rogay

    Dowladaha Ingiriiska, Faransiiska, iyo Jarmalka ayaa ugu baaqay Iran inaysan kordhin xiisadda, isla markaana ay raacdo waddada wadahadalka, kadib markii cunaqabatayntii Qaramada Midoobay dib loo soo rogay Sabtidii.

    Saddexda dal waxay sheegeen in aysan haysan wax doorasho kale ah oo aan ahayn inay dib u soo celiyaan tallaabooyinka adag ee ka dhanka ah Tehran, "iyagoo u arka inay tahay fursaddii ugu dambeysay" sababo la xiriira "sii kordhinta barnaamijkeeda nukliyeerka iyo iskaashi la’aanta Iran."

    "Waxaan ugu baaqaynaa Iran inay ka waantoobto tallaabo kasta oo xiisadda sii hurinaysa," ayay ku yiraahdeen war-saxaafadeed wadajir ah, iyagoo raaciyay: "Dib u soo rogidda cunaqabataynta Qaramada Midoobay ma ahan dhammaadka diblomaasiyadda."

    Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa toddobaadkii hore ku adkaystay in dalkiisu uusan wax ujeeddo ah ka lahayn horumarinta hubka nukliyeerka, isagoo cambaareeyay dib u soo celinta cunaqabataynta caalamiga ah, kuna tilmaamay inay yihiin "kuwa aan cadaalad ahayn, aan sax ahayn, kana soo horjeeda sharciga."

    Qaramada Midoobay ayaa dib u soo rogtay cunaqabataynta dhaqaale iyo mid milatari oo ballaaran oo lagu soo rogay Iiraan saacaddu markay ahayd 00:00 GMT Sabtidii — toban sano kadib markii laga qaaday heshiis caalami ah oo muhiim ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

    Iiraan waxay kordhisay hawlaha nukliyeerka ee mamnuuca ah ka dib markii Maraykanku ka baxay heshiiska 2016-kii. Donald Trump ayaa Maraykanka ka saaray heshiiska intii uu xilka hayay muddo xileedkiisii hore, isagoo dhaleeceeyay heshiiska — oo loo yaqaan Qorshaha Wadajirka ee Waxqabadka Guud (JCPOA) — oo laga wada xaajooday xilligii madaxweynihii hore Barack Obama, isagoo ku tilmaamay mid leh cilado.

    Wadahadalladii dhex maray saddexda dal iyo Iiraan dhinacyada kalfadhiga Golaha Guud ee QM toddobaadkan hore ayaa ku guuldareystay inay soo saaraan heshiis dib u dhigaya dib u soo celinta cunaqabataynta.

  4. Ruushka oo weerar culus ku qaaday Kiev

    Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in "weerar ballaaran" uu Ruushka ku qaaday caasimadda Ukraine, waxaana ku dhintay afar qof, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan siddeed kale.

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa xalay duqeeyay dhowr gobol oo ay ku jirto Zaporizhzhia, halkaasoo ugu yaraan 16 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah ay ku dhaawacmeen, sida ay mas'uuliyiintu sheegeen.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in boqollaal diyaaradood iyo gantaallo loo adeegsaday weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay agagaarka Ukraine. Ruushku kama hadlin.

    Sabtidii, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa digniin u diray Ruushka. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa duullaan ballaaran ku qaaday dalka Ukraine bishii Febraayo 2022, wuxuuna ku gacan seyray dadaallada caalamiga ah – ee uu hormuudka ka yahay dhiggiisa Mareykanka Donald Trump – si loo soo afjaro dagaalka.

  5. Trump oo amray in ciidamo loo diro magaalada Portland si loo ilaaliyo xarumaha lagu hayo muhaajiriinta

    Madaxweyne Donald Trump ayaa amray in ciidamada Mareykan ah loo diro magaalada Portland ee gobolka Oregon, isagoo sidoo kale oggolaaday in la adeegsado "xoog buuxa" haddii loo baahdo, si loo xakameeyo mudaaharaadyo ka dhan ah xarumaha lagu hayo dadka muhaajiriinta ah.

    Trump wuxuu sheegay inuu "amar siiyay Wasiirka Dagaalka, Pete Hegseth, si uu u bixiyo dhammaan ciidamada lagama maarmaanka u ah si loo ilaaliyo magaalada Portland oo uu ku tilmaamay mid dagaal lagu burburiyay."

    Wuxuu ku andacooday in tallaabadani ay ka caawin doonto in la ilaaliyo "goobaha ICE ee la weerarayo ama go’doonsan, kuwaasoo ay bartilmaameedsanayaan kooxda Antifa iyo kooxo kale oo argagixiso gudaha ah," isagoo intaa raaciyey qoraal uu soo dhigay batrisa bulshada ee Truth Social: “Sidoo kale waxaan oggolaaday adeegsiga Xoog Buuxa, haddii loo baahdo.”

    Qoraalkan ayaa dhaliyay dhaleeceyn adag oo uga timid xildhibaanno Dimuqraadi ah, kuwaas oo sheegay in aysan jirin wax baahi ah oo keeni karta in ciidamo federaal ah loo diro magaalada.

    "Wax khatar ah oo amniga qaranka ah kama jirto Portland. Bulshooyinkeenuna waa kuwaa nabadda oo deggan," ayay tiri Guddoomiyaha gobolka Oregon, Tina Kotek.

    Shir jaraa’id oo ay qabatay sabtidii, guddoomiyaha gobolka Oregon, Tina Kotek, waxay sheegtay in "ciidamo loo dirayo Portland ay noqon doonto ku takri-fal awoodeed," iyadoo intaas ku dartay inay la shaqeynayso Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon, Dan Rayfield, "si loo eego haddii ay jirto wax jawaab ah oo lagama maarmaan ah."