Sida gogol-dhaaf uu nin la sameeyay soddohdii uu filim caan ah uga noqday Indonesia

    • Author, Koh Ewe
    • Role, Singapore
    • Author, Riana Ibrahim
    • Role, BBC Indonesian, Jakarta

Muddo bilo ah, daawadeyaasha filimada Indonesia waxay ka sheekeynayeen hal filim: Norma, sheekadii guur u muuqday mid farxad leh oo sababsaday arrin qarsoodi ah oo uu ninku la yeeshay soddohdiis.

Waa nooca shirqoolka ee had iyo jeer lagu doonayey inuu soo jiito taageerayaasha melodrama. Laakiin waxa Norma ka dhigay mid uu xiiseeyo qaranka oo dhan waa xaqiiqda ah in ay ku saleysan tahay sheeko dhab ah oo caan ah.

Sannadkii 2022, Norma Risma, oo ah haweeney ku nool magaalada Serang ee ku taal jasiiradda Java ee Indonesia, ayaa ninkeeda iyo hooyadeed ku soo bandhigtay muuqaal TikTok ah.

Sheekadeeda waxaa si degdeg ah u daawaday malaayiin qof, waxay qabsatay adduunka waxayna ugu dambeyntii keentay heshiis filim oo gilgilay Koonfur Bari Aasiya.

Norma, oo bishii March laga daawaday tiyaatarrada Indonesia iyo Netflix bishii Agoosto, ayaa dhawaan noqday mid ka mid ah filimada loogu daawashada badan yahay, kaliya ma ahan Indonesia ee sidoo kale Malaysia iyo Singapore, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo Malay-Muslim ah.

Waxa kale oo wehlisa qaaciddo guulaysatay oo filim sameeyayaasha Indonesia ay ogaadeen: la qabsiga fadeexadadaha warbaahinta bulshada.

Ilaa bishan June, filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo ee Indonesia abid waxa uu ahaa KKN di Desa Penari, 2022 sheeko naxdin leh oo ku saabsan xasuuqii lix arday oo jaamacadeed ah, taas oo ka timid sheeko caan ah oo lagu soo bandhigay barta X. 2023 waxaa soo baxay Sewu Dino, filim kale oo naxdin leh oo laga soo qaatay sheeko lagu soo wadaagay isla barta akoonkii X.

Si la mid ah kuwa caanka ah waa sheekooyin qancin badan: Ipar Adalah Maut, filim 2024 Indonesia ah oo ku saabsan arrin dhex martay nin iyo dumaashidiis, ayaa loo suuq geeyey sheeko run ah oo laga soo minguuriyay muuqaal TikTok ah. Taxanaha riwaayadaha 2022 Layangan Putus, oo ku saabsan qoys uu kala gooyay nin khiyaano badan, ayaa sidoo kale laga soo qaatay barta TikTok.

Mawduucyadan oo kale ceeb ayay ka yihiin gudaha Indonesia, halkaas oo sinada lagu muteysan karo xabsi. Xeerka cusub ee dambiyada dalka oo lagu wado in uu dhaqan galo sanadka soo socda dalka oo dhan, ayaa mamnuucaya galmo ka baxsan guurka – iyo gobolka ugu adag dhanka sharciga, lammaaneyaasha ayaa durbaba si fagaare ah loogu karbaashaa sameynta galmada guurka ka hor.

Laakiin dhaqankan muxaafidnimada diimeed, khubarradu waxay yiraahdeen, xiisaha adeexadaha guriga ayaa kobcaya.

Iyada oo la kaashanayo baraha bulshada, sheekooyinka inta badan ku koobnaa xanta xaafadda ayaa hadda noqonaya kuwo faafaya oo cinwaan looga dhigo "pelakor", erey hal-ku-dhig ah oo looga jeedo guri-dumiso iyo erey muhiim ah oo inta badan loo isticmaalo muuqaallada dumarku ay ka hor imaanayaan raggooda.

"Filimada ku saabsan fadeexadahan, dadka waxaa la siinayaa fursad ay ku ogaadaan dhibaatooyinka guriga qof kale," SM Gietty Tambunan, oo xubin ka ah Guddiga Filimada Golaha Farshaxanka ee Jakarta, ayaa u sheegay BBC Indonesia.

"Gaar ahaan sababtoo ah dhaqankaas muxaafidka ah, dadku waxay noqonayaan kuwo ay gasho xiiso aad u badan."

Dhadhanka fadeexad

Vero, oo ah 42-jir guri-joogto ku ah Jakarta, waxay la socotay sheekada Norma tan iyo markii ay ku faaftay TikTok. Waxay gayeysiisay inay "ka carooto ninka iyo hooyada", ayay u sheegtay BBC Indonesiaa.

"Markii aan ogaaday in sheekadan laga dhigay filim, waxaan rabay in aan arko sida ay labadan qof u xumeeyeen Norma," ayay tiri.

Shaleemada dhexdeeda ayay ku ooyday markuu filimka marayay meeshii ugu fiicneyd, markii Norma ay dad badan ku salaantay bannaanka gurigeeda kadibna markii ay guriga gashay aragtay ninkeeda oo qeybta hoose uun dhar ka xiran iyo hooyadeed oo keligood qolka ku jira.

"Xaqiiqdii ka dib markii ay duubeen tan waxay dareemi doonaan xanuun," isticmaale barta TikTok ayaa idaa ku qoray qeybta filimka ay labada qof isku dhunkanayeen. Filimka dhexdiisa, saaxiibkii ogaatay xiriirka aan sharciga ahayn ee lammaanaha ayaa matagaysa marka ay ku qabato iyagoo sameynaya ficilka.

Ms Gietty waxa ay ka digtay in qisooyinkani ay sababayaan arrin khatar ah oo ah in eedda inta badan dusha laga saaro dumarka halkii ay ka ahaan lahaayeen ragga khiyaameeya. Khilaafyadan u dhexeeya lammaanaha sharciga ah iyo jacaylka sharci darrada ah, "ninku wuxuu u ek yahay inuusan muteysan wax ciqaab ah," ayay tiri.

Laakiin waxa kala saaraya filimka Norma waa ku lug lahaanshaha jilaaga laftiisa ee habka hal-abuurka, qoraaga filimka Oka Aurora ayaa u sheegtay BBC Indonesia. Waxay sidoo kale leedahay qoraalka Ipar Adalah Maut iyo Layangan Putus, labada qiso ee kale ee laga soo xigtay TikTok.

Ka dib wadahadallo adag oo lala yeeshay Norma oo ku saabsan dareenkeeda iyo sooyaalka hooyadeed, filimka "sheekada udub-dhexaadka ah ayaa weli ah mid joogto ah", ayay tiri Oka, in kasta oo ay ku dartay inay jiraan" qaybo gaar ah oo la jilay si loogu ciyaaro shucuurta daawadayaasha".

"Filimkan sidoo kale waa hab ay dadku ku sii daayaan shucuurtooda oo ay ku raaxaystaan, marka ay ka baxaan shineemo, waxaa jira waxyaabo ay dareemaan oo ay ka hadlaan."

Nolosha Norma

Maanta, Norma-da dhabta ah waxay u shaqeysaa Serang, oo ah magaalada ay kasoo jeeddo.

Hooyadeed, Rihanah, ayaa ku soo laabatay gurigeeda si ay ula noolaato qoyska ka dib markii ay siddeed bilood oo xabsi ah lagu xukumay sababo la xiriira dembiga sinada. Rozy, Norma ninkeedii hore, ayaa lagu xukumay sagaal bilood oo xabsi ah.

Intii lagu guda jiray shir jaraa'id oo lagu soo abndhigayay filimka bishii Febraayo, Norma waxay sheegtay inay dhiirigeliyeen farriimaha ay ka heshay dhibbaneyaasha lammaanaha khiyaanooleyaasha ah.

"Markii aan la kulmay [arrinta], waxaan is iri, 'Maxay tahay sababta uu ii khiyaameynayo qofka iigu dhow? Ma aniga keligay ayaa tan la kulmaya?' Waxa ii soo baxday in markii aan hadlay, dad badan ay la kulmeen wax la mid ah, ayay tiri Norma.

Oka, qoraaga filimka, ayaa ku celcelinaya farriinta xambaarsan taageerada dumarka ee filimka. Tani waa "tallaabo yar oo ay haweenku uga hadlaan khiyaanada iyo rabshadaha ay la kulmaan", ayay tiri.

Ms Gietty ayaa sheegtay in filimada sida Norma, ee ku saleysan sheekooyinka runta ah ee ku saabsan dhibaatooyinka guryaha ka dhaca, ay u noqon karaan kuwo haweenka xoojinaya kuwaasoo ku dhex nool bulsho raggu ku xooggan yihiin.

Norma waa ay diidday codsiyada wareysiga BBC Indonesia, in kasta oo ay sii wadato in ay dadka akoonkeeda baraha bulshada kula wadaagto wararka nolosheeda - si ay taageero uga hesho saaxiibbada Indonesia.

Bishan, waxay ku soo bandhigtay sawirro TikTok kuwaasoo muujinaya iyada iyo doolshe ay soo dirtay shirkadda soo saartay filimka. Waxa usoo hambalyeeyay boqollaal qof.

"Waxaad u qalantaa adduunka," hal qof ayaa sidaa faallo ku dhiibtay.

Faallooyin kale ayaa u qornaa: "Ms Norma, ka dib markii aan sheekada noloshaada ka daawaday shineemada, waxaan runtii rabay inaan laabta ku geliyo."