Waa maxay sabaha deg-degga ah ee uu kor ugu kacayo qiimaha dahabka?

Qiimaha dahabka ee wiqiyadiiba ayaa kor u dhaafay 5,000 oo dollarka Maraykanka ah. Qiimaha dahabku wuxuu kordhay 60% sanadka 2025, waan uu sii kordhayaa kordhayaa sanadka 2026.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Qiimaha dahabka ee wiqiyadiiba ayaa kor u dhaafay 5,000 oo dollarka Maraykanka ah. Qiimaha dahabku wuxuu kordhay 60% sanadka 2025, waan uu sii kordhayaa kordhayaa sanadka 2026.

Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Isbahaysiga Difaaca NATO ee gobolka Greenland, ayaa kor u qaaday welwelka laga qabo xaaladda dhaqaalaha iyo hubanti la'aanta siyaasadda juqraafiyeed

Siyaasadaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aaddan ganacsiga ayaa sidoo kale walaac ku abuuraya suuqyo badan.

Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuur boqolkiiba boqol ah ku soo rogi doono Canada, haddii ay heshiis ganacsi la saxiixdaan Shiinaha.

Dahabka iyo macdanta kale ee qaaliga ah, ayaa u noqday kheyraad maalgashadayaal badan sababtoo ah isbeddelka suuqa saamiyada.

24-kii Janaayo, qiimaha qalinka wiqiyadiiba waxa uu kor u dhaafay boqol doolar markii ugu horeysay. Qiimaha lacagaha ee sanadkii hore iyo sanadkan ayaa kor u kacay boqolkiiba boqol iyo konton.

Sababta uu kor ugu kacaysa dalabaadka dahabka

Sababaha ay ka mid yihiin Sicir-bararka sarreeya, Qiima-dhaca Lacagta Doollarka, Iibsiga warqadaha damaad qaadka ah ee bixiyaan Bangiyada Dhexe ee Adduunka, iyo Rajada ah in Baanka Dhexe ee Maraykanku uu sanadkan dhimo heerka dulsaarka, ayaa sabab u noqotay kor u kaca Qiimaha Macdanta.

Marka warqadaha laga soo tago dagaalka Ukraine iyo Gaza, xil ka qaadistii madaxweynihii hore ee Venezuela Nicolas Maduro, ayaa sidoo kale gacan ka geysatay sare u kaca qiimaha dahabka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Siad lagasoo xigtay golaha dahabka ee caalamiga ah: Mid ka mid ah dhinacyada ugu muhiimsan ee ku saabsan dahabku waa sida uu qiimihiisu u xasilli lahaa .

Sida laga soo xigtay golaha caalamiga ah ee dahabka, qiyaastii 216,265 tan oo dahab ah ayaa ilaa hadda la qoday.

Heerkaas ayaa buuxin kara ilaa afar barkadaha dabaasha ee Olombikada.

Inta badan dahabkani waxa la soo saaray sannadkii 1950-kii ka dib, markii la ikhtiraacay tignoolajiyada lagu ogaanayo meelaha dahabku kaga jiro dhulka.

Sida laga soo xigtay sahannada juqraafiyeed ee Maraykanka, 64,000 oo tan oo kale oo dahab ah ayaa weli laga yaabaa in laga soo saaro dhulka, laakiin ma jiri doonto dahab yaraan sannadaha soo socda.

Nicolas Frappell, madaxa qaybta iibka ee shirkadda dahabka sifaysa ee ABC ayaa sheegay;

"Haddii aad leedahay dahab, qof kale deyn kuguma laha, sida iibsashada waqrad lacageed damaanad saami ah. Marka ay timaado saamiyada, natiijooyinka iibka hal shirkad ma saameyn karto qiimaha dahabka."

Waxa uu intaas ku daray: "Dahabku wuxuu ku fiican yahay maalgashiga gaar ahaan xilligan oo aan la hubin adduunka."

'Dadku waxay u u laabteen maalgashiga dahabka'

Iyada oo maalgashadayaasha ay u degdegayaan inay iibsadaan macdanta qaaliga ah, qiimaha dahabka ayaa labanlaabmay tan iyo 1979-kii, kaliya waxaa lagu iibiyaa mar kasta heerkii ugu sarreeyay abid 2025.

Sare u kaca ku yimid qiimaha dahabka ayaa waxaa sabab u ah walaac ay keeneen canshuuraha Trump, iyo sidoo kale adeegsiga garaadka macmal ah

waxay kicisay qiimihii saamiyada waxayna keentay in kor loo qaado qiimaha macdanaha kala duwan.

"Dhammaan waxaas oo dhan waxaa sabab u ah isfaham la'aanta ay keeneen siyaasadaha Mareykanka" ayuu yiri Nikos Kavlis, oo ah falanqeeye ka tirsan shirkadda cilmi-baarista ee Metals Focus.

Sida walwalka ku saabsan dhaqaalaha ee sababay in qiimaha dahabku kor u kaco, qiimaha dahabku wuxuu sidoo kale kor u kacaa iyada oo maalgashadayaasha ay rajeynayaan in dulsaarka uu fududeeyo.

Heerarka dulsaarka hooseeya waxay ka dhigan tahay inay jiri doonto soo celin hoose gaar ahaan curaarta bangiyada, maalgashadayaashana hadda waxay u jeesteen ilaha sida dahabka iyo qalinka.

Bangiga dhexe ee Maraykanka ayaa la filayaa inuu dhimo heerka dulsaarka laba jeer sanadkan.

Ahmed Assiri waa cilmi-baare dhanka istiraatijiyada ka ah Pepperstoneayaa nyiri:

"Halkan waxaa ka jira xiriir aan leexleexad lahayn, sababtoo ah faa'iidada iibsashada waqradaha damaanad qaadka ee dawladda ma sii jireyso, taas oo ah sababta dadku ugu noqdeen dahabka."

Kaliya maaha maalgashadayaasha kuwa iibsada dahabka.

Sida laga soo xigtay golaha caalamiga ah ee dahabka, bangiya dhexe oo badan ayaa kordhiyey tanka dahabka ah ee ay kaydiyeen sannadkii la soo dhaafay.

"Waxaa jirta aragti ka duwan dollarka Maraykanka, taas oo uu dahabku ka faa'iiday " ayuu yiri Nikos Kavlis.

Inkasta oo qiimaha dahabku uu sare u kacay ilaa bilowgii sanadkan, Frappell waxa uu ka digay in suuqa ay warbaahintu maamusho uu ka qayb qaadan karo hoos u dhaca qiimaha dahabka.

"Waa in meel loo helaa war lama filaan ah oo aan dahabka u wanaagsanayn balse u wanaagsan aduunka"

Dahabka waxaa la iibsadaa xilliga fasaxa, waxaana hadiyad ahaan loo bixiyaa xilliyada xafladaha kala duwan sida aroosyada.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dahabka waxaa la iibsadaa xilliga fasaxa, waxaana hadiyad ahaan loo bixiyaa xilliyada xafladaha kala duwan sida aroosyada.

Dabaal dagyada Diwali-ga ee sanad walba ka dhaca dalka Hindiya oo ah xili hanti iyo barwaaqo laga helo ayaa la sheegay in ay tahay xiliga ugu wanaagsan ee la iibsan karo macdanta qaaliga ah.

Sida laga soo xigtay bangiga maalgashiga Morgan Stanley ee Maraykanka, qoysaska Hindiya waxay leeyihiin $ 3.8 trillion oo dahab ah, taas oo u dhiganta 88.8 boqolkiiba dakhliga qaranka.

Shiinaha ayaa sidoo kale ah iibsadaha ugu weyn ee dahabka, iyada oo muwaadiniin badan oo dalkaasi ah ay aaminsan yihiin in iibsashada dahabku ay keento nasiib wacan.

Kavlis wuxuu yiri "mar walba waxaa jira koror ku yimaada suuqa dahabka ee sanadka cusub ee Febraayo ee Shiinaha, horeyna waan u aragnay."

Khubarada ayaa sheegay in ay jiraan sababo keenaya in qiimaha dahabku uu is beddelo ka dib markii iibkiisu gaaray heerkii ugu sarreeyay bishii Oktoobar, mid ka mid ah sababahaas ayaa ah in maalgashadayaasha ay doonayaan in ay u iibsadaan dahabka si ay macaash uga helaan.

Waa maxay qiyaasta bangiga ee sanadka 2026?

Juqraafi ahaan, hubanti la'aanta dhaqaalaha, bangiga dhexe oo iibsanaya dahab, doonista maalgashadayaasha iyo dhimista heerka dulsaarka ee bangiga Mareykanka, ayaa si weyn uga qayb qaatay kobaca la arkay 2025.

"Tani waxaa loo qaadan karaa mawjada saxda aah ee dahabka" ayay tiri Louise Street, falanqeeye suuqa ee golaha dahabka caalamiga ah.

Professor Özge Öner, oo ka tirsan waaxda dhaqaalaha ee jaamacadda Cambridge oo ka jawaabaya su'aalo ay weydiisay BBC-da qeybta Turkiga ayaa yiri, "dahabku waxa uu ahaa hab maalgashi oo qiimo leh sannado badan, waxaana loo yaqaan hab ammaan ah oo lagu maal-gashado waqtiyada qalalaasaha"

Suki Cooper, oo ka mid ah agaasimayaasha bangiga Standard Chartered ayaa yiri "waxaan go'aansanay in qiimaha dahabka ee 2026 uu gaari doono $4,488, waxayna u badan tahay in qiimuhu uu sare u kaco."