Maxaan ka ognahay ninka Maraykan-Soomaaliga ah ee lagu eedeeyay inuu doonayey in uu ku biiro Daacishta Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Alamy
Sida ay shaacisay waaxda cadaaladda ee Maraykanka, nin soomaali ah oo reer Minneapolis ah oo u riyaaqay weerarkii argagaxiso ee sanadka cusub ka dhacay New Orleans ayaa Jimcihii lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish ee Soomaaliya, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha dowladda Federaalka Maraykanka .
Waaxda cadaaladda ayaa sheegtay in Cabdisataar Axmed Xasan, oo 22 jir ah, uu Jimcihii kasoo hor muuqday maxkamad, isagoo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu taageero agab u fidiyo urur argagixiso oo ajnabi ah, toddobaadyo ka dib markii ugu horreysay oo mas'uuliyiintu ay su'aalo weydiiyeen inuu isku dayay inuu raaco duullimaad tigidh hal jiho ah oo ku wajahan waddan ka tirsan Bariga Afrika.
Dukumiintiyada muujinayey dacwadda lagu soo oogay ayaa lagu eedeeyay Cabdisataar Axmed Xasan, oo haysta dhalashada Mareykanka, inuu taageero u muujiyay ISIS qoraallo kala duwan oo baraha bulshada ah tan iyo bishii Juun ee sanadkii 2024.
Gal dacwadeedka ayaa xoogga saaray qoraallo lagu baahiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in Cabdisataar Axmed Xasan uu isku sawiray calanka Daacish isagoo gaarigiisa ku dhiex jira 21-kii February iyo 26-kii February.
Cabdisataar Axmed Xasan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu isku sawiray sawir isagoo uu middi ku haya dhabtiisa.
Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in eedaysanaha uu la xiriiray ciwaan Facebook ah oo lagu magacaabo Manjaniq Media Center, oo ah warbaahin isku sheegta Khilaafada Islaamka taas oo dadka ku dhiirigelisa inay safraan oo ay ku biiraan kooxda Daacish.
Akoonka dhanka TikTok oo lala xiriiriyay Cabdisataar Axmed Xasan ayaa lagu sheegay in eedaysanuhu uu taageeray Shamsud-Diin Jabbar, oo ahaa ninkii 14 qof ku dilay, tobanaan kalena ku dhaawacay weerar argagixiso oo ka dhacay New Orleans saacado yar ka dib markii dad dabaal-degayey ay u dabaal dagayeen munsabadda sanadka cusub.
Maamulka ayaa sheegay in Jabbar, oo ahaa nin qibrad ciidan leh uu isku beddelay taageere ISIS, kaas oo uu ka gudbay jid gooyooyinkii booliska isaga oo dad badan gaari ku iiirsiiyay waddada Bourbon Street. Booliiska ayaa dilay Jabbar kadib is rasaaseyn dhacday waxyar kadib.
Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay Mr. Xasan inuu Jabbar ula jeeday "halyeygii dilay Mareykanka" isagoo ku qoray bartiisa TikTok.
Cabdisataar Axmed Xasan ayaa u sheegay dambi baarayaasha federaalka in uu xagjir noqday markii uu bilaabay in uu sameeyo dacaayadda ISIS kadib dagaalkii Israa'iil iyo Xamaas ee qarxay Oktoobar sanadkii lasoo dhaafay ee 2023, sida lagu sheegay dacwadda maxkamadda.
Cabdisataar ayaa la amray in lagu hayo xabsiga dammaanad la'aan. Arbacada ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago.
Xarigiisa ayaa kusoo aadaya ayadoo buuralleyda Calmiskaad ee gobolka Bari Puntland ay ka socdaan howlagalla ciidamada Puntland kula dagaallamayaan kooxda Daacish oo saldhigaya ku leh dhulkaasi buuraleyda ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa iyaguna duqaymo dhanka cirka ka fuliyay aagag ku yaalla buurahaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed dhawaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Kooxda daacish ayaa waxa ay saldhigyo ku lahaayeen buurha Calmiskaad ee Puntland halkaas oo toddobaadyadi ugu danbeeyay ciidamda Puntland ay dagaal adag kula jireen kooxda Dacaishta Soomaaliya .
Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegyta in dagaalkaasi ay guula ka gaareen ayna maleeshiyaadka kooxda ka saareen dhowr god oo ay dhufeyso ka dhigteen oo ku yaal dhulka buuraleyda ah ayna sidoo kale shegeen in ay ku jiraana dadka u dagaalalamaya ajaanib ka kala yimid meelo kala duwan oo caalamka ah.
Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa duqyen dhanka cirka ah dhawaan ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland.
Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeymaha wadajirka ahaa lala beegsanayay hoggaanka sare ee Daacishta Soomaaliya oo ku dhuumaalaysanayay meelo godad ah oo ku yaal qiyaastii 50 mayl meel koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bilowgii bishan Febraayo sheegay inuu bixiyey amarka duqayn ka dhacday buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ciidanka Puntland ay kula dagaallamayaan dagaallameyaal ka tirsan kooxda Daacish.
"Kuwan dadka dila, ee aan ka helnay godad ay isku qarinayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo isbahaysigiisa", ayuu yiri madaxweyne Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.
Hadalka Trump wuxuu ku soo koobay qoraal sidan loo dhigay. "Fariinta IS iyo dhammaan kuwa kale ee doonaya in ay weeraraan Mareykanka, "Waa idin heleynaa, waana idin dileynaa!"
Maamulka Puntland ayaa sheegay in duqaytaasi ay wax badan u dhintay kooxda ayna ugu mahadcelinayan saaxiibada Soomaaliya garabsiinta dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish.













