Bakteeriyada afka laga helo ma bidhaamin kartaa mustqabalka xanuunnada dhimirka

Cilmi-baarayaasha ayaa sheegay in bakteeriyada qaar ee laga helo afka dadka laga yaabo in ay la xiriirto isbeddelka shaqada maskaxda marka ay da'doodu sii weynaanayso.

Cilmi baaris ay samaysay jaamacadda Exeter ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in noocyada bakteeriyada qaarkood ay la xiriirto xusuusta iyo feejignaanta wanaagsan, halka qaar kalena ay ku xiran yihiin caafimaadka dhimirka oo liita iyo xannuunada asaasaqa.

"Waxaa laga yaabaa inaan awoodno inaan saadaalino jiritaanka ama maqnaanshaha hidda-wadaha asaasaqa ka hor inta aysan calaamadaha qaar soo bixin ama ka hor inta uusan bukaan u tagin dhakhtarka si loo ogaado cudurka," ayay tiri hoggaamiyaha daraasadda Dr. Joanna L. Herex.

In kasta oo cilmi baaristu ay weli ku jirto heerarkeedii hore, khubaradu waxay baarayaan saamaynta suurtagalka ah ee cunista cagaarka caleenta Nitrate-ku qaniga ku tahay ee maskaxda ku haysa caafimaadka maskaxda iyada oo kor u qaadeysa koritaanka bakteeriyada.

"Saamaynta daraasaddeennu waa kuwo qoto dheer" ayay tiri Professor Anne Corbett, oo daraasaddan ku lug leh.

Professor Anne waxay sharraxaysaa in "bakteeriyadu qaarkeed ay taageerto shaqada maskaxda, halka qaar kalena ay ka qaybqaataan hoos u dhaca".

Waxay intaa ku dareen "Daawaynta beddeleysa dheelitirka bakteeriyada afka waxay noqon kartaa qayb ka mid ah xalka si looga hortago waallida".

"Tani waxaa lagu samayn karaa iyada oo loo marayo isbeddelada cuntada, probiotics, nadaafadda afka, ama xitaa daawaynta qorsheysan".

Daraasad hore ayaa 115 mutadawiciin ah oo ka weyn da'da 50 waxaa la weydiistay inay qaataan imtixaannada garashada.

Cilmi baarayaashu waxay u qaybiyeen ka qaybgalayaasha daraasadda laba kooxood: kuwa qaba cillad maskaxeed oo khafiif ah iyo kuwo aan lahayn wax cillad ah.

Ka qaybgalayaasha labada kooxood ayaa la waydiistay inay maraan habka loo dhaqmo afka, ka dib muunadda ayaa la falanqeeyay iyo bakteeriyada daraasadda lagu sameeyey.

Daraasaddu waxay muujisay in dadka ay ku badan tahay bakteeriyada nooca Neisseria iyo Hawmophilus ay leeyihiin xusuus wanaagsan iyo awood ay shaqooyin kala duwan isku mar ku qaban karaan.

Dr Joanna waxay sheegtay in xaddiga badan ee ah bakteeriyada Porphyromonas laga helay dad qaba dhibaato xagga xusuusta ah.

Nooc bakteeriya ah oo ayadana la yiraahdo Prevotella ayaa lala xiriiriyey heerka hooseeya ee xaddiga maaddada Nitrate, taaasoo ku badan dadka khatarta ugu jira xanuunka asaasaqa.

"Waxaan ku talinaynaa cunista khudradda cagaaran sida Shamandarka (beetroot), kaabashka, ansalaatada, iyo khudradda cagaaran ee caleenteeda lac uno; iyo yaraynta aalkolka iyo cunnada la warshadeeyo" ayey cilmi baareyaashu sheegeen.

"mustaqbalka waxaa noo suurto gali doonta in aan uruurino namuunadaha afka xilliyada ballamada dhakhtarka, oo aan dadka siinno digniin hore haddii uu qof khatar heerkeedu sarreeyo ku jiro" ayey tiri Annie Vantalo oo ah ku xigeenka jaansalarka Jaamacadda iyo cilmi baare.