Sheekada Masaarigii mucjisada ahaa ee 17-ka sano basaasayay Israa'iil

Basaaskii reer Masar

Xigashada Sawirka, Public Domain

Dhammaadkii 1980-kii iyo horraantii sagaashamaadkii, malaayiin reer Masar ah waxay telefishinka ka dawaan jireen taxanaha "Raafat al Haggan" oo ku saabsanaa nin ka mid ahaa sirdoonka Masar oo lagu magacaabi jiray Raafat kaas oo soo ururin jiray xogaha sirta Israel kaddibna dalkiisa dib ugu soo diri jiray.

Qisada Raafat al Haggan, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Refaat Ali Suleiman al Gammal, waxay ka mid tahay kuwa ugu xiisaha badan ee mucjisada ah ee soo maray taariikhda sirdoonka Masar.

Markii hore sheekadan waxaa qoraal ka sameeyay Saleh Morsi taas oo uu cinwaan uga dhigay "Waxaan basaas ka ahaa Isreal".

Buugga waxaa ku qornaa nuxurka sheekada Gammal. Buugga wuxuu sidoo kale ka hadlay nolosha nin magac been ah ku jooga Israel 17 sano kaas oo xog muhiim ah la wadaagayay sirdoonka Masar.

Morsi markii hore waxa uu sheekada ku qoray wargeys ka soo baxa Masar ee lagu magacaabo Al Musawwar.

Markii ugu horeysay sheekada waxay soo baxday saddexdii bishii Janaayo ee sanadkii 1986-dii, waxay soo jiidatay dareenka dad badan.

Hadaba sheekadan maxay ka hadleysaa?

Billowga iyo sidii lagu qoray

Sida uu sheegay Morsi, Gammal waxa uu dhashay 1-da bishii July sanadkii 1927-dii, wuxuuna ku koray nolol caadi ah.

Kaddib markii aabihiis dhintay sanadkii 1936-dii, walaalkii ka weyn ayaa go'aansaday in ay ka guuraan xaafadii uu ku dhashay ee Qaahira

Kaddib markii uu dhameeyay waxbarashada, wuxuu shaqo xisaabiye ka dalbaday shirkadda shidaalka ee Badda Cas taas oo markii dambe shaqada ka eriday.

Markii dambe wuxuu shaqo ka helay shirkad maraakib isagoo sidaa ku imaan jiray dakadaha Yurub

Taxanaha telefishinka Masar
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gammal dhallinyarada markii uu ahaa wuxuu ahaa nin caqli badan oo leh karti jiliin iyo awood uu kula falgalo xaalad kasta. Isagoo yar ayuu bartay luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska taas oo markii dambe uu kaga faa'idestsay shaqadii uu qabanayay.

Gammal waxa uu sirdoonka Masar ku biiray 1052-dii markaas oo la sameeyay adeegga sirdoonka Masar.

Gammal wuxuu ku lug yeeshay wax isadabamarin markii uu joogay Yurub taas oo keentay in Masar lagu xiro 1952-kii. Sirdoonka waxay u arkeen fursad ay ku qaadan karaan oo ay basaas uga dhigi karaan kaddib markii ay arkeen kartidiisa xad dhaafka ee uu isku qarin karo.

Sirdoonka Masar waxay siiyeen labo fursadoo oo kala ah in uu xabsiga galo ama in uu u noqdo basaas.

Wuu ogolaaday kaddibna tabar degdeg ah ayuu galay oo ay ku jiraan barashada farsamooyinka basaasiinta. Sidoo kale waxaa la siiyay tababar dhaqanka iyo caadooyinka Yahuuda si uu u dhexgalo bulshada reer Israel.

Waxaa la siiyay magac cusub, "Jacques Bitton," wuxuu noqday Yahuuda Masar oo u haajiray Israel sanadkii 1955-tii.

Bartamaha Israa'iil

Sida uu sheegay Morsi, Gammal waxaa u suuragashay in uu la falgalo oo xiriiro la sameeyo Isreal. Wuxuu sameystay shirkad dalxiis.

Shirkadiisa dalxiiska ayaa u suuragelisay in uu xiriir weyn la sameeyo dadka magaca ku leh bulshada Israel sida siyaasiyiin iyo saraakiil militeri

17 sano ayuu Tel Aviv ku noolaa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Intii uu ku jiray howlgalkiisa, waxa uu Masar si hoose ugu soo gudbiyay xogo muhiim ah gaar ahaan kuwa ku saabsan howlgalada militeriga Israel.

Waxybaaha ugu weyn ee uu gaaray waxaa ka mid ahaa kaalintii uu ka qaatay dagaalkii Oktoobar sanadkii 1973-dii markaas uu siiyay sirdoonka Masar xog sirdoon oo sax ah. Qeyb ayuu ka qaatay sida guusha leh oo ay Masaarida u soo gudbeen bilowga dagaalka.

Sida buugga ku qoran, Gammal wuxuu ahaa wadani jecel dalkiisa. Wuxuu kaloo buugga ka hadlay noloshii uu u horay dalkiisa ee aheyd in uu ka fogaado qoyskiisa iyo dhibaatada ay nafsiyan ku laheyd in uu ku noolaado si qarsoodi ah.

Buugga wuxuu sidoo kale ka hadlay nolshiisa shaqsiga ah ee guurka Waltraud Bitton, oo aheyd haweeney u dhalatay Jarmalka oo uu guursaday mar uu booqanayay Jarmalka sanadkii 1963-dii taas oo u dhashay wiil lagu magacaabo Daniel.

Xiriirkooda wuxuu soo gaaray ilaa iyo geeridiisa iyadoon ogaan qofka saxda ah uu ahaa ninkeeda.

Waltraud markii uu guursanayay wuxuu isugu sheegay in uu yahay Yahuuda Faransiiska oo asalkiisu ka soo jeedo Masar. Wuxuu u sheegay in aabihii uu ahaa ganacsade ka yimid Faransiiska oo guursaday haweeney Masaari ah. Waxaa la dhashay sida uu u sheegay xaaskiisa wiil ka yaraa oo la oroan jiray Robert kaas oo is-dilay.

Buug ay qortay Waltrud ayey kaga hadashay sida Gammal uu ku kashifay basaas Israel ahaa, Eli Cohen, kaas oo Syria ku joogay magaca "Kamel Amin Thabet".

Eli Cohen waxaa lagu dilay fagaaraha Marjeh ee Dimishiiq

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Eli Cohen waxaa lagu dilay fagaaraha Marjeh ee Dimishiiq

Gammal waxa uu Cohen kula kulmay Qaahira sanadkii 1954-tii markaas oo labadooda loo xiray in ay Israel u basaasayeen.

Markii uu sawirada Cohen ka arkay wargeyska Arab newspaper isagoo la jooga saraakiisha Syria, wuxuu u sheegay sirdoonka Masar cida saxda ah uu yahay taas oo horseeday in la qabto lana dilo.

Israa'iil iyo wixii ay ka sheegtay

Sheekada Israa'iil ee Gammal way ka duwan tahay tan Masaarida. Sida lagu daabacay wargeysyada Israel, Gammal wuxuu ahaa jaajuus labada dhan ka shaqeeya. Isreal waxay sirtiisa ka ogaadeen nin la shaqeynayay Imre Fired kaas oo sirdoonkooda ka tirsanaa.

Gurgiisa Tel Aviv ayaa xoog lagu galay intii ay socotay baarista. Mordechai Sharon oo ka mid ahaa sirdoonka Israel ayaa ka dhaadhiciyay in uu la shaqeeyo Israel.

Israel waxay sheegtay in Gammal uu ogolaaday in sirdoonka Masar uu siiyo xog khaldan taas oo ay sheegeen in ay keentay guushii ay ka gaareen dagaalkii 1967-dii.

Mar ayaa jirtay uu Masar u sheegay in Israel aysan weerar ku qaadeyn ciidamada cirka Israel balse ujeedka sidaa ma aheyn.

Ilo wareediyo ayaa sheegaya in Mossad ay markii dambe gacan ka siiyeen Gammal in uu maalgashi ku sameeyo Yurub taas oo laga fahmi kari markii uu Israel ka tagay ee uu aaday Jaramlka sanadkii 1973-dii. Tani waa sheekada Israel dhankeeda ee laga sheego ee ku saabsan Gammal.

Sawir laga qaaday Waltraud iyo Gammal sanadkii 1964

Xigashada Sawirka, Public Domain

Qoraalka sawirka, Waltraud iyo Gammal

Masaarida waxay sheegaan hadii Gammal uu labada dhinac u shaqeynayay waxay aheyd in Israel ay ogaadaan diyaargarowga weerarkii 1973-dii kaas oo layaab ku noqday Israel.

Geeridiisa iyo wixii uu ka tagay

Gammal wuxuu ku geeriyooday Darmstadt oo ah magaalo u dhow Frankfurt ee Jarmalka. Kansarka sambabaha ayuuna u dhintay

Dhanka Masar, Jamal wuxuu ahaa geesi qaran oo dalkiisa siiyay xog u horseeday guusha dagaalkii 1973-dii.

Buugga Saleh Morsi waxa uu kaga hadlay dhankiisa bani'aadannimo sida jaceylkii uu u qabay carruurta iyo caqabadaha maskaxeed uu wajahay markii uu sirdoonka ahaa.

Ugu dambeyn sheekada Raafat al Haggan waa mid weli qarsoon taas oo isugu jirta wax dhab ah iyo wax khiyaali ah.