Maamulka Jubaland oo ka jawaabay hadalkii dowladda ee ahaa in Itoobiya ay hub ka dajisay Kismaayo

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Itoobiya ay gudaha soomaaliya ka waddo tallaabooyin xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay in Itoobiya ay soo dirtay laba diyaaradood oo ay leeyihiin shirkadda diyaaradaha Itoobiya kuwaas oo hub sharci darro ah ka dajiyay magaalada Kismaayo.

"Sida aan xogta ku hayno laba diyaaradood oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha Itoobiya kuwaas oo siday hub sharci darro ah ayaa ka dagay magaalada Kismaayo, diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos geeyaan talada Gobolka Gedo."

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu cambaareeyay falal ay ku tilmaamtay xadgudub Itoobiya ay kula kacday madaxbanaanida Soomaliya.

"Dawladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad gudubyada dawladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad gudub Ku ah shuruuda caalamka iyo madaxbanaanida Soomaaliya."

Waxa ay tilmaamtay in Itoobiya ay wali waado tallaabooyinkeedii dhul ballaarsiga oo ay soo bilowday horraantii sanadkaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in Itoobiya ay hub sharci darro ah soo galinayso gudaha Soomaaliya sidoo kalena ay tababarayaan ciidamo ay ku sheegeen maleeshiyaad.

"Sida lala socday, Itoobiya waxa ay hub si sharci darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya ku uruurisay maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle." ayaa warsaxaafadeedka lagu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shakhsiyaad ay ku tilmaamtay inay caqabad ku yihiin madaxbanaanida Soomaaliya ayna dhaxli doonaan cawaaqib xumo lana horkeeni doono sharciga.

Sidoo kale dowladda ayaa Itoobiya uga digtay wax ay ugu yeertay ficillo gurracan ayna dowladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cidkasta oo ku xadgudubta.

Maxay Jubaland ka dhahday eedaynta dowladda?

Maamul goboleedka Jubaland ayaa ka jawaabay bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ah in magaalada Kismaayo ay ka dageen laba diyaaradood oo siday hub sidoo kalena ay halkaasi ka qaadeen dad ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan Jubaland.

Wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan 'Dhuumaal' oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyay inay jirto diyaarado hub sida oo ka soo dagay magaalada Kismaayo.

"Arrintaas wax sal iyo raad leh ma ahan, garoonka Kismaayo waa mid caalami ah oo duulimaadyo caalami ah ka soo dagaan wax qorsoomayana ma ahan, marka waxaan rabnaa in arrintu noqoto wax cad oo la taaban karo oo macluumaad laga hayo, laakiin diyaarado ayaa Kismaayo ka dagay wax lagu qanci karo ma ahan, hadii ay cadaymo hayaana ha keenaan," ayuu yiri wasiirka amniga.

Dhanka kale Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa ka jawaabay in madaxweyne ku xigeenka Jubaland uu Itoobiya u safray waxa uuna yiri: "Maxamuud Sayid Aaden waxa uu joogaa Addis Ababa, laakiin aniga meel uu u maray ma aqaan,"

Wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa hadalka dowladda ku tilmaamay weerar ay ku qaadayso Jubaland.

"Jubaland waa maamul ka tirsan Soomaaliya hadii dowladda ay ka go'antahay Jubaland inay la dirirto, Jubaland waa ay is difaacaysaa," waxa uu intaa ku daray in haddii dagaal uu ka dhaco deegaanadaas ay masuuliyadda qaadayso cidda soo abaabushay.