Kiimiko wax gubta, weerar iyo koronto ku qabasho - dad reer Qaza ah oo BBC-da uga sheekeeyey sida loogu dhex garaacay xabsiyada Israa'iil

- Author, Alice Cuddy
- Role, BBC News
Digniin: Warbixintan waxaa ku jira xog welwel leh
Maxaabiis reer Falastiin ah oo Gaza lagu soo celiyay ayaa BBC-da u sheegay in si xun loola dhaqmay, lana jirdilay intii ay ku jirteen gacanta militeriga Israel iyo shaqaalaha xabsiyada, waxayna intaas u dareen in falal xun lagula kacay intii ay ku jireen xabsiyada.
Hal nin ayaa sheegay in kiimiko lagu weeraray dabna la qabadsiiay. "Sida xayawaanka ayaa la ii jirdilay iyadoo laysku dayay in dab laygu gubo", ayuu yiri Moxamad Abu Tawileh oo ah 36 jir shaqadiisu makaanik aheyd.
Wareysi dheer ayaan la eeylanay shan maxbuus oo la soo daayay. Dhammaantood waxaa Gaza lagu xiray bilihii ka dambeeyay weerarkii 7-da Oktoobar. Raga la xiray waxaa loo adeegsaday qeynuunka sharcidarro ah oo la xirayo dadka iyadoon maxkamad la keenin. Waa tallaabo dadka looga shakiyo in ay ammaanka khatar ku yihiin lagu xiro muddo aan xad laheyn.
Ragan waxay sheegeen in lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Xamaas, lana weydiiyay meelaha lagu hayo la haystayaasha balse aan lagu helin in ay ku lug lahaayeen weerarkii 7-da Oktoobar ee sanadkii 2023-kii.
Qaar ka mid ah kuwa la soo daayay waxaa loo haystay dambiyo kale oo ay ku jiraan in ay dileen Israa'iiliyiin balse taas anaga uma wareysan. Waxaa sidoo kale weydiinay ciidamada Israel (IDF) iyo kuwa xabsiyada Israel (IPS) hadii wax dambi ah lagu helay maxaabiista, kama jawaabin su'aalaheena.
Wixii ay sheegeen maxaabiista la xiray waxaa ka mid ah in dharka laga siibay oo indhaha laga daboolay, kaddibna la garaacay. Qaarkood waxay sheegeen in koronto lagu qabtay, Eeyana lagu soo daayay loona diiday daawada. Qaar kale waay shegeen in ay arkeen maxaabiis kale oo la dilay. Mid ayaa sheegay in uu arkay falal galmo halka mid kalena uu sheegy in madaxa loo geliyay kiimiko iyadoo dhabarka dab looga qabtay.
Waxaan aragnay warbixinada sharciyaqaanka ku booqday xabsiga kaas oo la hadlay shaqaalaha caafimaadka ee daaweeyay markii la soo daayay.
BBC-da waxay u dirtay waraaqo badan IDF si ay uga jawaabaan su'aalaha ku saabsan eedaha ay jeedinayan ragan iyo cadeyntooda.
IDF kama jawaabin eedahaas balse waxay sheegeen in ay diidan yihiin eedaha ah in maxaabiis lagu xadgudubay.
Waxay sheegeen qaar ka mid ah kiisaska ay BBC-da soo qaadatay in ay "eegayaan madaxda ku shaqada leh". Waxay kaloo intaas ku dareen "in aan su'aalaha keenay iyadoo faahfaahin ku filan la socon, iyo cadeymaha maxaabiista, taasna ay ka dhigtay in aysan suuragal aheyn in la baaro".
Shaqaalaha xabsiyada IPS waxay dhinacooda sheegeen in aysan la socon xadgudubyada lagu sheegay baristeen.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dr Lawrence Hill-Cawthorne oo ah madaxa xarunta sharciga caalamiga ee jaamacada Biristol ayaa sheegay hadalka raggan in uu yahay mid sharciga caalamiga iyo kan Israel aysan ogoleyn.
"qeynuunka caalamiga, kan goobaha colaada waxa uu kaaga baahan yahay in si bani'aadannimo leh aad ula dhaqanto maxaabisita oo dhan", ayuu yiri.
Shanta qof ee u dhashay Falastiin ee wareysiga dheer lala yeeshay horaantii sanadkan ayaa ku soo laabtay kaddib heshiiskii xabd joojinta ee lala galay Xamaas kaas oo 1,900 oo Falastiiniyiin ah lagu badashay 33 ka mid ah dadkii ay haysteen Xamas.
Israel waxay sheegtay in baaris lagu ogaaday qaar ka mid ah meydka dadka la afduubtay in ay ku jireen carruur ay Xamaas dishay inkastoo taas ay Xamaas beenisay.
Sheekada shanta maxbuus waxay aheyd mid isku mid ah. Gaza ayaa laga wada qabtay, ugu horeyn waxaa la geeyay xero militeri ka dibna xabsi. Waxay sheegeen in meel kasta oo lagu hayay uu ka dhacayay xadgudub.
In ka badan tobaneeyo xabsiyada laga soo daayay kuwaas oo BBC-da la hadashay ayaa si kooban uga hadlay markii ay Gaza yimaadeen in ay soo arkeen garaacis, gaajo iyo cuduro.
Israel uma ogola wariyayaasha caalamiga in ay galaan Gaza. Wareysiyadeena waxaan ku qaadnay taleefoon iyo fariimo qoraal ah iyo wariyayaasheena madaxabannaan ee halkaas ku sugan.
Dhammaantood waxay sheegeen in xadugudbka ku bilowday islamarkii la xiray markaas oo dharka laga bixiyay indhahana laga xiray.
Moxamed Abu Tawileh wuxuu sheegay in maalmo la jirdilyay. Wuxuu sheegay in qol kaligii lagu hayay muddo 3 maalmood ah oo ciidamada ay su'aalo weydiinayeen.

Askarta waxay kiimiko laysku daray u adeegsadeen in ay ku baab'iyaan nabadrada ayuu yiri iyadoo madaxana loo geliyay sun.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in askarta ay biyo ku shubeen, una soo qaadeen gudaha Israel halkaas oo lagu daweeyay.
BBC-da ma awoodin in ay la hadasho qof goobjoog u ahaa dhibaatada loo geystay Mr Abu Tawileh balse dhakhtar indhaha ku takhasusay oo isaga daaweeyay markii Gaza lagu soo celiyay ayaa xaqiijiyay in kiimiko isha ka gubtay. Wuxuu sidoo kale sheegay in araga Mr Abu Tawileh uu sii daciifayay sababo la xiriira kiimiko ama naxdintii uu soo maray.
Waxaan tusnay muuqaallada jirdilka iyo faahfaahinta wixii uu sheegay dhakhaatiir UK ku sugan oo sheegay in waxaan ay rasmi yihiin inkastoo ay sheegeen in ay xadidan tahay sida loo cadeyn karo sawirada.

Saddex ka mid ah ragga aan la hadlay waxay sheegeen in Eeyo lagu soo fasaxay markii ay ku jireen xabsiga Sde Teiman iyo goobaha kale.
BBC-da waxay weydiisay IDF in ay ka jawaabaan eedahaas la xiriira in ay Eeyo ku direen maxaabiista si ay u weeraran. Waxay sheegeen, "in Eeyo lagu fasaxo maxaabiista ay tahay wax mamnuuc ah".
Hamad al-Dahdouh oo ah maxbuus kale ayaa sheegay in laga garaacay madaxa iyo meelaha kale ee nugul sida indhaha iyo dhagaha.
44 jirkan oo beeraley ahaa ka hor dagaalka ayaa sheegay in dhabarka iyo dhagta dhaawac ka gaareen iyo in feeruhu Jabeen. IDF kama jawaabin eedahaas

Mr Dahdouh iyo maxaabiis kale oo la soo daayay waxay sheegeen in koronto lagu qabtay intii uu wareysiga socday sidaasna lagu ciqaabay. Cumar wuxuu sheegay in uu kula kulmay xabsiga Ketziot falal galmo
"Dharka ayey ka bixiyeen qaar ka mid ah ragga, waxayna ku sameeyeen falal anshax xumo ah… waxay ku qasbeen in ay isu galmoodaan. Indhahayga ayaa ku arkay".
BBC-da ma aysan arag warbixino kale oo noocaan ah. Ururka maxaabiista Flastiin kaas oo dabagala xaaldaha maxaabiista Falatiin ee ku jira jeelasha Israel ayaa ku tilmaamay xadgudubka galmo ee maxaabiist ku jirta Ketziot in ay tahay wax guud oo dhaca.
Mr Mushtaha wuxuu sheegay in madaxa albaabka looga garaacay iyadoo xubintiisa taranka wax lagu dhuftay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixin uu soo saray qareen ku booqday Ketziot Mr Mushtaha iyo Omar bishii Sebtamber ayaa sheegay in Mr Mushtaha si la mid ah maxaabiista kale in uu qabo xanuuna gacmaha oo bararay iyadoo wax daawo ah la siin.
Cumar wuxuu sheegay in 30-kiilo ay ka dhacday. Qareenkiisa wuxuu sheegay in cunto la'aan ay jirtay bilihii ugu horeeyay.
Mr Mushtaha wuxuu sheegay in marka u horeysa cuntada bannaanka la dhigayay si shimbiraha iyo bisadaha u cunaan.

Guddiga Laanqeyrta cas (ICRC) oo wareysta maxaabiista la soo daayo ayaa sheegay in aysan ka hadli karin xaalada shaqsiyaadka sababo la xiriira xogta gaarka ah.
59 la haysta ayaa weli Gaza lagu hayaa, waxaana la rumeysan yahay in 24 ka mid ah weli ay nool yihiin. ICRC marna looma fasaxin 18-ka bilood ee la haysto dadkaas.
Mr Abu Tawileh wuxuu sheegay in qoyskiisa ay ka naxeen muuqiisa markii la soo daayay.
"Hada waxba ma sameyn karno dhawacyada isoo gaaray dartood, indha way i xanuunayaan, ilmaa ka socota, meel kasta oo jirkeyga gubatay way i xanuunee" ayuu yiri Mr Abu Tawileh
Axmed oo dhowr iyo toban jir ah waxa uu doonayaa in uu hadda isaga baxo Gaza.
"Waxaan doonayaa in aan baxo sababtoo ah wixii aan xabsiyda ku soo arkay iyo cabsida maskaxeed ee ah duqeynta. Geeri ayaa dhaantay balse waan geeriyoon weynay".













