Naxashka Boqorad Elizabeth II oo la gaarsiiyey Edinburgh

Xigashada Sawirka, PA Media
Naxashka Boqorad Elizabeth II ayaa la gaarsiiyey Edinburg ka dib safar lix saacadood qaatay oo ka soo billowday Balmoral.
Dad baroordiiqaya ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaaladaasi markii gawaarida naxashka Boqoradda siday soo gaareen Aberdeenshire una socdeen Palace of Holyroodhouse, halkaas oo naxashkeeda la dhigi doono hal habeen.
Naxashkeeda ayaa la dhigi doonaa kaniisadda St Giles' Cathedral ee Edinburg ku taallo ka hor inta aan Isninti loo qaadin magaalada London uu aaskeeda ka dhacayo oo ku beegan 19-ka bisha September.
Dad aad u badan ayaa sidoo kale isugu soo baxay waddooyinka magaaladaasi si ay u maqlaan Boqor Charles III oo lagaga dhawaaqay UK oo dhan.
Wuxuuna naxashka Boqoradda Isniinta u safri doonaa Scotland, waxaana ku biiri doona xubno ka tirsan qoyska boqortooyada oo naxashka u raacaya ilaa iyo kaniisadda cathedral oo ku taalla Scotland.


Xigashada Sawirka, PA Media

Xaruuntii boqoradda waxay ka tagtay gurigeeda Balmoral abbaare 10-kii iyada oo sii maraysay Aberdeen iyo Dundee oo ka mid ah tuulooyinka iyo magaalooyinka kale, iyada oo u socota Edinburgh.
Markii uu naxashka boqoradda uu dhexmarayey bartamaha magaalada Edinburgh, lix saacadood ka dib, waxaa sacab ku soo dhaweeyay dadkii meesha isugu yimid.
Gaadiidka naxashka Boqoradda la socday waxaa saarnaa qaar ka mid ah qoysaska boqortooyada oo ay ka mid yihiin Amiir Anne iyo Seygeeda Sir Tim Laurence.
Iyaga oo safar dhulka ah baabuur ku soo maray 175 mile.
Dalka Britain oo dhan waxaa ka socda munaasabado baroordiiq ah oo soconaya ilaa iyo maalinta Isniinta ee soo socota oo Boqoradda la aasayo, iyada oo ay baroordiiqyadaasi barbar soconayaan munaasabado lagu maamuusayo Boqoradda geeriyootay Elizabeth II.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii uu naxashka gaaray Ballater, Aberdeenshire iyo tuulooyinka ku dhow dhow Balmoral waddooyinka waxaa daadsanaa ubaxyo iyada oo dad badan oo baroor diiqayana ay hareeraha waddada taagnaayeen.
Naxashka boqoradda ayaa sii yaalli doono Holyroodhouse oo ah guriga rasmiga ah ee boqorku ku leeyahay Scotland.

Xigashada Sawirka, PA Media

Xigashada Sawirka, PA Media
Gelinka dambe ee Isniinta naxashka Boqoradda oo ay la socdaan Boqorka iyo qoyska Boqortooyada waxaa la geynayaa kaniisadda St Giles' Cathedral.
Naxashkana wuxuu halkaasi oolli doonaa 24 saacadood si ay shacabku u sagootiyaan. Iyada barnaamijyo duco ay kaniisadda ka dhacayaan gelinka hore ee maalintaa.
Maalinta xigtana boqoradda naxashkeeda oo ay la socoto Amiirad Anne waxaa laga soo qaadayaa garoonka diyaaradaha ee Edinburg waxaana la gaarsiinayaa Qasriga Buckingham oo marki hore naxashka Boqoradda laga qaaday.

Xigashada Sawirka, PA Media












