Muxuu Putin ka rabaa atooreyaasha iyo atariishooyinka uu soo kaxeysto?

Waxaa jiray hadal hayn dhex wareegaysa warbaahinta iyo baraha bulshada oo ku saabsan in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu soo kaxaystay atooreyaal iyo atariishooyin si uu ula galo sawir u muuqda in uu la joogo militari mar uu ku sugnaa halka uu ka jeedinayey hadaljeedintiisa sanadka cusub.

Waxaa la sheegay uu mar sii horreysay xataa uu sidan oo kale sameeyay. Balse maxay tahay caddayntu?

Waxaan adeegsannay teknoloojiyadda wajiga aqoonsata si aan u ogaanno run ahaanshaha arrinkan.

Madaxweynaha Ruushka ayaa dhowr jeer lagu arkay asaga oo munaasabadaha sawir lasoo galaya dad aan ahayn kuwa saxda ah ee uu sawirku ka turjumayo.

Baaritaan ay laanta afka Ruushka ee BBC-du samaysa 2020-kii ayaa muujiyey barnaamijya hore oo baxay in madaxweynaha lagu sheegay inuu la hadlayay dad u ek rayid. Balse badanaa dadka uu la hadlayey waxay ahaayeen askar matalaya sidii shacab caadi ah.

Haweeneyda timaha cad

Wargeysyada ‘The Sun’ iyo ‘Daily Mail’ oo ay wehliyaan qoraallo badan oo baraha bulshada lasoo dhigay ayaa sheegay in munaasabada badan oo Putin uu ka qayb galay ama lagu soo sawiray, laga arkay haweenay timo cad leh oo doorar kala duwan ka jilaysa. Haweeneyda ayaa lagu arkayay sawir lagasoo qaaday xilli Putin uu safar kalluumaysi sagootinayey iyo 2016 iyo sawir kale oo uu meel kaniisad ah booqday.

Warbixin ka soo baxday Ukraine ayaa lagu sheegay in haweenkan laga yaabo inay xubno ka yihiin ciidamada ilaalada federaalka (FSO). Ciidankan ayaa mas’uul ka ah amniga madaxda ugu sarreysa Ruushka.

Waxaan isticmaalnay software-ka aqoonsiga wajiga si aan u aqoonsanno wejiga haweeney la socotay Putin munaasabadihii sanadka cusub ee 2016 iyo 2017. Natiijada isu ekaanshaha ayaa aad u hooseysay. Taas oo noqotay 29 boqolkiiba sawirka kowaad iyo 28 boqolkiiba kan labaad.

Professor Hasan Ugaal, oo ah maamulaha Xarunta falanqaynta muuqaalada ee Jaamacadda Bradford, ayaa sharaxaya, "Marka aad isku daydo inaad wejiyada isbarbar dhigto software-kan, waa in uu isu ekaanshuhu ahaado dhibco boqolkiiba 75 ah ama ka badan." Markaas waxa la odhan karaa wejiyadu waa dhab oo way is leeyihiin.

Marka xigta, waxaan is barbar dhignay sawirrada dhacdooyinka 2016 iyo 2017. Natiijadeedu waxay ahayd 99.1 boqolkiiba. Kuwani waxay ahaayeen calaamado xooggan oo muujinaya in labada waji ee labada sawir kakala muuqday ay ahaayeen isla hal qof.

Haweeneydan ayaa warbaahinta Ruushka waxay magaceeda ku sheegeen Larisa Sargukhina. Labada dhacdo ee ay ka soo muuqatay ayaa lagu qabtay aagga Novgorod. Waxay xubin ka tahay Xisbiga Midowgii Ruushka ee baarlamaanka gobolka. Xisbigan oo ah mid taabacsan Putin.

Markii aan is barbar dhignay sawirka laga qaaday doonta 2016 iyo sawirka ku yaal bogga rasmiga ah ee xisbigeeda, wuxuu muujiyey isku mid ahaansho 99.8% ah. Magaca Sargukhina ayaa ku jira liiska aasaasayaasha shirkad ka ganacsata kalluunka ee Novgorod.

Haweenayda ka soo muuqatay khudbaddii Putin ee sanadka cusub ayey warbaahinta Ruushka ku sheegtay Anna Sergeevna Sidorenko oo ah dhaqtarka ciidamada, haweeneydan waxay leedahay darajada Captain.

Sawirkeeda oo laga qaaday goobta, ayaa la barbardhigay muuqaal uu baahiyey wargeyska 'Ruusia Investia'. Natiijada dhibcaha ayaa noqotay 99.5 boqolkiiba. Magaca haweynayda ayaa sidoo ka dhex muuqday liiska xubnaha Ciidanka Milatariga Ruushka oo ay daabacday Adeegga Sirdoonka Ukraine.

Kalluumaysatada

Kadib waxaan baarnay sawirrada koox u labisan sida kalluumeysatada oo uu la sawirnaa Putin. Sawirkani wuxuu ahaa 2016

Waxaa la sheegay in ragga lagu arkayay sawirradan sidoo kale lagu soo bandhigay sidii inay yihiin dad goob joog ka ahaa meel kaniisad ah sanadkii 2017-kii.

Markii software-kan loo adeegsaday in lagu ogaado wejiyada dadka doonta saaran iyo kuwa kaniisadda ku jira, natiijada isku mid ahaanshaha ayaa gaartay 99% dhammaan afarta qofba. Markaa waxaanu samaynay baadhitaan dheeraad ah si aanu u ogaanno aqoonsigooda.

Waxaan ogaannay in dhammaantood ay ka shaqeynayeen aagga Novgorod oo ugu yaraan saddex ka mid ah ay u muuqdaan inay yihiin kalluumeysato.

Alexey Leshchenko (sawirka 1aad) waa hoggaamiyaha kooxda kalluumaysatada ee uu ka dhex muuqday Putin. Arintaan waxaan ka ogaannay bartiisa bulshada. Taas waxaa barbar socday astaanta xisbigiisa oo sidoo kale lagu daabacay internetka.

Yevgeny Leshchenko (sawirka no. 5) waa Alexey wiilkiisa. Macluumaad-kooda waxa kale oo lagu tilmaamay in ay isku xisbi ka tirsan yihiiny. Alexey iyo Yevgeny waxay bogag ku leeyihiin baraha bulshada, taas oo xaqiijinaysa inay yihiin wiil iyo aabbihiis.

Sida xogtani ay ka turjumayso, kooxdu waxay ku shaqaystaan shirkad weyn oo beeralay ah, oo la yiraah EvroKhimservices. Agaasime ku xigeenka shirkadda waa Larisa Sargukhina (sawirka lambar 3).

Sergei Alexandrov (sawirka nambarka 2) ayaa warbaahinta Ruushku ku sheegtay inuu yahay kalluumayste. Waxaanuna muuqaalkiisa ka helnay baraha bulshada kaas oo lagu arkay isaga oo saaran doon kuna labisan dharka kalluumaysatada.

Baraha Bulshada ee qofka ka muuqda sawirka lambar 4 ayaan weynay balse waxaan helnay sawir loo soo qabanyo. Qof ayaa faallo ku qoray, “taageerayaasha Putin-ow siday tani ku dhacday?” taas oo loogu jawaabay, “ dhowr jeer ayuu putin la kulmay inta uu ka shaqaynyey Novgorod.”

Sawir kale oo la soo dhigay internetka ayaa lagu sheegay in labada kalluumeysato ay la kulmeen Putin. Waxa uu isku sheegay inuu yahay beeralay kasoo jeeda Stavropol. Laakiin markii dadkan wajiyadooda la isbarbardhigay wejiyada labada kalluumaysatada ah, dhibcaha isku mid ahaanshaha ayaa ahaa boqolkiiba siddeed oo keliya.

Hoos waxaa ka muuqda tusaalooyin kale oo badan oo ah haweenayda timaha maarriinka leh oo lagu sheegay inay tahay jilaa ka tirsan barnaamijyada Putin.

Waxaa sawirradan ka mid ah labo sawir oo haweeney iibinaysa jalaato. Labadan sawir ayaa ka kala ahaa 2017 iyo 2019. Inta lagu guda jiray mid ka mid ah bandhigyadan, ayaa la rakayey haweenaydan oo Putin siinaysa jalaato.

Sawirradan ayaa laga qaaday gees, waxaana sidoo kale liita tayada. Taas awgeed, way adkaanaysaa in lagu aqoonsado software-ka aqoonsiga wajiga. Taasi waa sababta aynaan wax fikrad ah uga bixinaynin midkan.

Laakiin waxaan helnay wareysi laga sii daayay telefishinka Ruushka 2019 oo ay haweeney sheegtay in ay tahay qofkii Putin u adeegaysay jalaatada laba jeer.

Haddii isla hal haweenay ay ka muuqato labada sawir, markaa tani maaha arrin la yaab leh, sababtoo ah sawirradani waxaa lagasoo qaaday isla bandhiggii uu Putin tagay laba sano ka hor.

Dadka ayaa ku doodaya in haweeneyda iibinaysay jalaatada Putin ay gashay sawirro ay iska dhigaysay xubin ka tirsan shaqaalaha shirkadda Aeroflot. Laakiin kiiskan software-ka aqoonsiga wejigu ma noqon karo mid lagu kalsoonaan karo.

Tusaale kale ayaa soo shaac baxay bishii May markii dadku ay sheegeen in sawirka askari dhaawacmay, oo Putin uu la kulmay mar uu isbitaal ku booqday, laga soo qaaday mar hore meel warshad ah.

Si kastaba ha ahaatee, marka aad isku beegto labada weji, dhibcaha isbarbardhigga waa kaliya 25%. Taas oo ka dhigan in aanay jirin cadayn muujinaysa in labada sawir isku shakhsi yihiin.