Maalinta Duumada Adduunka: Maxaa ka dhaxeeya isbeddelka cimilada iyo koror ku yimaada cudurka duumada ee Soomaaliya?

Maanta 25 April 2024, waxaa caalamka laga xusaa Maalinta Duumada Adduunka, iyadoo hal ku dhigga sanadkanna yahay “"Sinaanta Caafimaadka, Jinsiga iyo Xuquuqda Aadanaha."

Sida lagu sheegay xogta la xiriirta duumada ee ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, 94 boqolkiiba dhammaan kiisaska duumada ee dunida waxay ka jiraan Qaaradda Afrika. Meelaha xanuunkan uusan ka bixin waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo muddooyinkii ugu dambeeyay meelo ka mid ah laga cabanayay kuleyl daran.

Dr. Sagal Maxamed Rooble, agaasimaha waaxda duumada ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegtay in heerka duumada ee Soomaaliya uu hoos u dhac ka muuqday sanadkii 2023-kii balse ay filayaan inuu kor u kici karo sanadkan, maaddaama ay roobab xoog leh ka da’ayaan Soomaaliya.

Deegaanno ka mid ah Jubaland gaar ahaan dhanka xadduudaha iyo deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed ayey BBC-da u sheegtay Sagal inay yihiin meelaha uu ugu badan yahay cudurka duumada.

Soomaaliya ayaa ku guulaysatay inay hoos u u dhigto heerka faafitaanka cudurka boqolkiiba 20.1 sanadkii 2015-kii, halka hoos loo dhigay heer kaas ka hooseeya oo dhan 3.4 boqolkiiba sanadkii 2023-kii.

Kaneecada oo ah xasharaad yar yar oo haddana leh awood badan oo ay ku faafiso mid ka mida fayrisyada loo dhinto dunida, waxaase xusid muddan in kaneecadu ay leedahay qaylo iyo qayniinyaba labada marka ay gudbinayso fayriska.

Cilmi-baarisyada qaar ayaa muujiyey in kaneecada oo dhalisa fayraska duumada ay samayso qaniinyo jirka ah si ay ugu tallaasho fayraska iyadoo inta ay ku jirto howlagalladaas ay samayso dhawaq la maqlo.

Qaramada Midoobay ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee ay soo saartay 2023 ku sheegtay magaca “Warbixinta Duumada Adduunka”, in sanadkii 2022, ay diiwaangelisay 249 milyan oo caabuqa duumada ah iyo 608,000 oo dhimasho ah 85 waddan oo adduunka ah.

Cudurka iyo saboolnimada

Sida ay BBC-da u sheegtay Dr. Sagal Maxamed Rooble, saboolnimada waa qayb mida u nuglaanshaha cudurka duumada taas oo ah mid ay sheegtay inay tahay wax jirta

"Haa , xanuunka iyo faqrigu wax baa ka dhaxeeya, dabcdan hadda sidaa aragto meelaha barakaca ayey ku badnaan karaan," ayey tiri Dr Sagal.

Farriintan maalinta duumada ee Adduunka, Ururka Caafimaadka Adduunka aya asheegay inay dadka reer miyiga ah ee ku nool Qaaradda Afrika ee ku nool saboolnimada isla markaana helin waxbarashada ay yihiin “inta ugu badan ee ay saamaysay”

WHO, waxay sheegay inay meelmarisay istaraatiijiyadda sanadka 2025, si loola dagaallamo cudurka ku lammaan saboolnimada.

Gobolka Darfur ee Suudaan, qof la hadlay BBC-da ayaa u sheegay “cudurka Malaariyada waa cudur ku badan gobolka, oo ay adag tahay guri uu ka maqan yahay."

Xiriirka ka dhaxeeya isbeddelka cimilada iyo cudurka malaariyada

Cali Maxamed Xasan, oo ah agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Soomaaliy ayaa isagana BBC u sheegay in xiriir weyn ka dhaxayn karo kulaylka ka jira Soomaaliya iyo koror ku yimaada xanuunka duumada.

“Si deg deg ah ayuu ku abuurmaa ugxamaha kaneecada, markasta oo kulayku sii kordho marka la barbar dhigo xilliga qaboobaha, taasina waxay muujinaysaa in duumadu ay sii noolaan karto ilaa in muddo ah, ugxamana ku abuuran karo, halka xilliga qaboobahaa aysan sii noolaan karin waqti dheer,” ayuu yiri.

Marka wuxuu aaminsan yahay Cali, in cudurka duumadu uu kordhi karayo Soomaaliya sanadkan 2024-ta, sababta oo uu ku sheegay cimilada oo sii kululaanaysa dalka meelo badan.

Soomaaliya, deegaanno badan ayaa laga soo wariyey in heerka kulaylku gaaray xad ka badan sidii hore, kaas oo Cali ku sheegay inay gaarayso inta u dhaxaysa 32 ilaa 40 celcius.

Laakiin, Dr. Sagal, waxay qabtaa in taasi ka ku xirnaaan karto nooca kaneecada ee Soomaaliya iyadoo xustay in hadda kaneecada dhalista fayraska duumada ay tahay mid ka dhalata biyo fadhiisidka.

Khubarrada ayaa qaba in kulaylka oo kordha ay sii xoojin karayso cuduruka duumada.

Khubarrada ayaa sidoo kale ka digay in isbeddelka cimilada uu kordhin doono cudurka duumada ee waddamada aanu horey u soo marin.

Dr. Islam Anan, oo ah bare sare oo ku takhasusay dhaqaalaha iyo cudurrada faafa ee jaamacadda Misr International University, ayaa yiri, "Daraasadyadu waxay muujinayaan in haddii heerkulka dhulku uu kordho hal darajo Celsius dhamaadka 2030, tirada caabuqyada duumada ayaa kordhi doona."

Annan ayaa wareysi uu siiyay BBC da ku sheegay in kaneecada dheddigga ah ee Anopheles ee sababa fayraska duumada oo ku nool heer kul sare ay u haajirto dalal dhowr ah.

Kaneecadan ayaa laga yaabaa in ay gasho waddamo ay ka muuqdeen kor u kac aan horay loo arag oo heer kul ah oo ka dhashay isbaddalka cimilada.

Masiibooyinka dabiiciga ah iyo duumada

Marcy Erskine, oo ah maamulaha barnaamijka duumada ee Ururka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas, ayaa BBC u sheegtay in masiibooyinka dabiiciga ah sida daadadka iyo roobabka, iyo ka dhasha biyaha fadhiistay ay abuuraan dhul bacrin ah oo ay ku kori karto kaneecada gudbisa cudurka.

Erskine, oo sidoo kale madax ka ah Isbahaysiga Caalamiga ah ee Ka-hortagga Duumada, ayaa intaas ku daray, "Waxaa jira dalal ay ku dhufteen masiibooyinka dabiiciga ah oo horseeday faafitaanka duumada, sida ku dhacday Pakistan laba sano ka hor markii waddanku uu arkay daadad."

Bishii Juun 2022, Pakistan waxay la kulantay daadad "waxyeelo leh", taas oo horseeday kororka infekshanka ilaa 200,000 oo qof oo qaba duumada, sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka, oo ah tiro aad u badan marka loo eego kiisas ka horreeyay daadadka.

Ilaa 2021, ma jirin tallaalka duumada, ilaa cilmi-baarayaasha jaamacadda Oxford ay ku dhawaaqeen inay sameeyeen tallaalka duumada. Isla sanadkaas, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa u oggolaaday shirkadda dawooyinka ee GSK in ay soo saarto dawo lagu isticmaalo Afrika