Maxay yihiin calamaadaha laga argagaxayo ee dhaqtarkan Soomaaliga ah ku arkay xoolo uu qalliin ku sameeyey?

Iyadoo dalka Canada ay ku kulansan yihiin wufuud ka kala socota dalalka caalamka si wax looga qabto yaranta dhibaatada wasakhowga deeganka ee ay sababaan bacaha, dunidu waa garwaaqsan tahay dhibta bacaha ay ku hayaan noolaha iyo deegaanka, haddana wali si dhammaystiran loogu helin xal kama dambeys ah.

Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka bacuhu ku hayaan dhibaatada deegaan iyo duunyaba, iyadoo marar badan digniinno laga muujiyey halista bacahu ku hayaan noolaha ku nool barriga iyo badahaba.

Xoolaha oo nolosha Soomaalida lafdhabar u ah ayay bacuhu ku hayaan dhibaato caafimaad oo xoog leh sida uu BBC-da u sheegay Dr. Cabdimajiid Diirshe Duwe oo ku takhasusay qaliimada iyo daweynta Xoolaha, kuna nool magaalada Gaalkacyo.

Dhakhtar Cabdimajiid, wuxuu sheegay in shaqada ugu badane e xilligan uu qabtaa ay tahay sidii xoolaha bacaha cunay uu ugu samayn lahaa qalliimo looga soo saarayo bacaha si loo badbaadiyo

“Waxaan sameeyaa bishii ilaa 50 qaliin ka badan oo aan ku sameeyo noocyada xoolaha sida ariga, lo’da, geela iyo dabjoogta kale, kuwaas oo marka la qalo na calooshooda ka soo saaro baco ay cuneen oo mararka qaar ka badan dhowr kiilo,” ayuu yiri Dr. Cabdimajiid.

Isagoo ka hadlayey calaamado uu ku arkay beerka iyo sambabada neefaf uu qaliimo ku sameeyey ayuu sheegay “ Sambabada iyo Beerka, waxaa ku arkaysaa isagoo is dhalan rogay oo cad cad yeeshay mararna malax yeeshay, marka waa wax ku badan xoolaha miyi iyo magaalaba na arkay” ayuu BBC u sheegay Dr. Diirshe.

Bishan kaliya, wuxuu sheegay inuu fuliyey ilaa 14 qaliin oo meelo ka duwan oo Puntland ku sameyey neefaf uu ku arkay calamaado isku eg ee hadda si rasmi ah uusan u xaqiijin karin nooca cudur ee ay yihiin.

“Waxay u baahan yihiin shaybaar si loogu qeexo nooca uu yahay xanuunkan sidaa u baabi’iyey neefka ee sida xun uga asiibay beerka, marka beerku waa halka shaandhaysa sunta iyo waxyabaha kale marka haddii isagii sidaa noqdo waxaa suura gal ah inuu hilinka neefku ka sii daran yahay” ayuu yiri Cabdimajiid.

Dr. Cabdimajiid, waa dhaqtar madaxbanaan oo sidoo kale bare Jaamacadeed oo u ololeeya sidii xoolaha iyo xayawaanaadka kalaba u heli lahaayeen daryeeel caafimaad oo mugleh.

Digniinta uu jeedinayo

Wuxuu sheegay in dadka uu ka wacyi galiyo inaysan ku dag dagin inay qashaan oo hilibkiisa cunnaan neef sidaas oo kale beerkiisu noqday

“Dadka waan ka wacyi galiyaan, laakiin waxay ku dhahayaan dabkaa dilaya cudurka, taas sax maha ee tani waxay u baahan tahay baaritaan dhab ah.”ayuu intaas raaciyey.

Bacaha oo ah si aad u badan looga isticmaalo Soomaaliya ayaa khubarada deegaanku waxay sheegeen in dhirta,xoolaha,duurjoog iyo dab joogba ay halis weyn ku yihiin

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday bacaha

Dawladda Soomaaliya ayaa bishii February ee sanadkan soo saartay amar ay dalka uga mamnuucayso isticmaalaka bacaha halka mar la isticmaalo ee aadka ugu badan Soomaaliya.

Amarkan oo ay ku saxiixan tahay wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee dawladda federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al Makhsuumi ayaa sidoo kale lagu xusay sababaha la cuskaday markii qoraalkan la samaynayey, waxaana ka mid ah “in lala jaanqaado shuruucda ilaalinta deegaanka ee bulshada Bariga Afrika (EAC) oo Soomaaliya ay dhawaan ku biirtay”.

Sidoo kale waxa lagu xusay in lala tashtay “rugta ganacsiga, warshadleyda, khubaro, iyo dadweyne”.

Dhaqangalka amarkan ayaa bilaabanayey wixii loo gaaro 30 Juun ee sanadkan ayadoo wakhtigaas wixii ka dambeeya “la joojiyey soo dejinta, dhoofinta, soo saarista, ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo”.

Soomaaliya muddo dheer waxaa dhibaato ku hayey bacaha iyo balaastigga. Haddaba dhibaatada bacaha ay u leeyihiin deegaanka intee le’eg tahay.

Wasiir Khadiijo ayaa maalin kahor kulan la qaadatay ganacsatada oo sida ay sheegtay ay isla garteen “in bacuhu dhibaato ba’an ku hayaan deegaanka, in la joojiyo isticmaalkeedana ay muhiim u tahay dadka iyo deegaankaba isla markaana xal loo helo bacaha hada yaala wadanka.”

“Bacda waxaa ku jira maadooyin kiimiko ah oo u xun caafimaadka aadanaha iyo kan deegaanka. Maadaooyinkaas waxaa la isticmaalaa marka bacda la samaynayo si bacdu u noqoto nooca la doonayo, taasna waxay keenaysaa in bacdu noqoto maaddo sumasyan” sidaa waxaa yiri Dr Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ku takhasusay arrimaha deegaanka.

Waxyeellada bacaha ee deegaanka

Shirka Ottowa ayaa la filayaa inay ka doodaan qoraal qabyo ah oo ay wax ka qabtaan arrimo badan oo aan la xallin.

(Wareega ugu dambeeya ee wadahadalka ayaa la filayaa in lagu qabto Kuuriyada Koonfureed). Dadka u dhaqdhaqaaqa deegaanka ayaa dhaleeceeya wadamada saliida soo saara iyo warshadeeyayaasha kuwaas oo doorbidaya dib u warshadaynta marka loo eego dhimista wax soo saarka.

Wakiilka BBC-da ayaa sheegay in fikrado kala duwan ay ka qabaan qaabka looga gudbi karo tallaabadan, iyadoo dadka qaar ay aaminsan yihiin in la xadido agabka caagagga ah, halka qaar kalena ay qabaan in laga mamnuuco isticmaalka waxyaabaha kiimikada ah.

Wax soo saarka caagagga iyo bacaha ee caalamiga ah ayaa in ka badan afar boqol iyo lixdan milyan oo tan labanlaabmay balse kaliya boqolkiiba sagaal ayaa dib loo warshadeeyay.

Maalin kasta, qiyasa u dhiganta 2,000 oo baabuurta qashinka ah oo ay ka buuxaan baco ayaa lagu daadiyaa badaha, webiyada iyo harooyinka adduunka, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka.

Bishii Maarso 2022, 175 waddan ayaa isku raacay inay sameeyaan heshiiskii ugu horreeyay ee sharci ah oo ku saabsan wasakhowga balaastikada.

Shirka hadda ee Canada, ayaa noqonaya kii afaraad ee shantii shir ee guddiga wada xaajoodka ee Qaramada Midoobay ee balaastikada kaga xaajoonayaan.